You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sushant Singh Rajput: Maxay tahay atariishada caanka ah ee loo heysto geerida atoorihii isdilay?
Labo bilood uun kaddib geeridii jilaagii shirkadda Bollywood-ka, Sushant Singh Rajput - oo meydkiisa laga helay gurigiisa magaalada Mumbai - atariishadii ay xiriirka lahaayeen ee Rhea Chakraborty ayaa hadda dhexda ka taagan ol'ole nacayb ah oo ay horkacayaan wariyeyaasha ugu caansan dalka Hindiya iyo dadka saameynta ballaadhan ku leh baraha bulshada.
Rajput ayaa sii noqonayay xiddig weyn oo ku dhex jira filimada laga daba dhacay ee Hindiya, waxayna geeridiisa lama filaan ku noqotay guud ahaan waddankaas.
14-kii bishii June ayaa meydkiisa laga helay qolkii uu seexanayay. Booliska Mumbai ayaa sheegay in 34 jirkaas uu u muuqday mid isaga isdilay.
Markii hore, warar ay isla dhex marayeen warbaahintuna waxay sheegayeen in jilaagu uu la dhibaateysnaa culeysto dhinaca maskaxda ka heystay.
Laakiin maalmo yar kaddib, sababta lala xidhiidhinayo geeridiisa waxay lugaha la gashay saaxiibtiisii Rhea Chakraborty.
Taageerayaasha atoorihii dhintay ayaa tan iyo markaas xamanayay, qaarkoodna waxay u jeediyeen aflagaaddo iyo eedeymo culus.
Wax walba oo ku saabsan nolosheeda ayaa lasoo bandhigay, doodo dadweyne ayaana laga sameystay.
Wariyeyaasha telefishinnada qaarkood ayaa ku tilmaamay "inay khiyaanooley tahay", sidoo kalena "ay sabab u ahayd inuu Sushant gacantiisa isku dilo".
Erayo kale oo aflagaaddo ah ayaa loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana lagu tilmaamay sixirooleey.
"Gabadha mustaqbalka burburisa", "Tuugo Mafia ah, "Dabinka galmada ee lagu gaado ragga hantida leh", iyo erayo kale ayaa si joogto ah loogu caayaa.
Bishii lasoo dhaafay, Chakraborty waxay barteeda Instagram soo dhigtay sawir ay kasoo qaadday qof sheegay inuu taageere u ahaa Sushant oo usoo qoray hanjabaad uu ugu gooddinayo inuu kufsan doono, islamarkaana dili doono, isagoo ku yidhi: "Isdil adiga haddii kale aniga ayaa kuu soo diri doona dad ku dila".
Sawirka ay soo dhigtay ayey soo raacisay qoraal ay ku dhaheyso: "Mar walba waxaa la igu tilmaamaa haweeney ragga lacagta ku raadsata, waan iska aamusay. Waxaa la igu tilmaamay dilaa, waan iska aamusay. Waxaa la igu tilmaamay ma xishooto, waan iska aamusay."
Waxay caawinaad ka dalbatay booliska ugaarsata burcadda dhinaca internet-ka.
Aflagaaddada lagu hayo gabadhan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii uu Sushant aabihiis 25-kii bishii July u gudbiyay cabasho uu ku muujinayo in geerida wiilkiisa ay mas'uul ka tahay Rhea Chakraborty.
Wuxuu ku eedeeyay inay wiilkiisa lacag ka xadeysay, dawooyin xad dhaaf ah siineysay, ku cadaadineysay inuu shacabka usoo bandhigo inuu qabo xanuun dhinaca maskaxda ah, ayna ka fogeysay qoyskiisa.
Wuxuu beeniyay in wiilkiisa uu maskaxda ka xanuunsanaa.
Maalintii kahmiista hadalkiisa uu ku sheegay in Rhea "ay sumeysay Sushant", ayna "iyadu dishay" ayaa si weyn loogu hadal hayay warbaahinta guud ahaan dalka Hindiya.
Chakraborty waxay dhankeeda beenisay inay wax dhibaato ah u geysatay atoorahaas.
"Inkastoo wali aan wax caddeyn ah loo heynin in Rhea ay dambi leedahay, walina uu socdo baaritaanka ku saabsan dhimashadii Rajput, warbaahinta Hindiya ayaa durba ku dhawaaqday in atariishadan ay falkaas ka dambeysay", ayey tidhi Meenakshi Arora, oo ah qareen sare oo ka tirsan maxkamadda ugu sarreysa waddankaas.
Payal Chawla, oo iyadana ah qareen, ayaa tidhi: "Wararkan waa kuwo aad u xun oo dhibaato abuuraya. Waxaa la jahwareerinayaa shacabka, waana arrin khalad ah."
"Arrinta dhibka ka taagan yahay ma aha inay dambi leedahay iyo inkale, laakiin waxaa musiibo ah in maxkamadda ka hor wax la go'aamiyo, shacabkuna ay gacantooda caddaalad ku raadiyaan." ayey sii raacisay hadalkeeda.
Chakraborty waxay dhankeeda wasiirka arrimaha gudaha, Amit Shah, ka codsatay in baadhitaan caddaalad ah lagu sameeyo geerida Rajput, waxayna maxkamadda ugu sarreysay u gudbisay dacwad ay ka qabto "go'aanka caddaalad darrada ah ee ay saxaafaddu ka qaateen kiiska".
Sida ay wararku sheegayaan, Rhea Chakraborty iyo Sushan Rajput waxay xidhiidhkooda billaabeen xagaagii sannadkii lasoo dhaafay, iyagoo isku meel dagay bishii December.
8-dii bishii June, hal isbuuc ka hor dhimashada Rajput, Rhea waxay u wareegtay guriga waalidiinteeda, mana aysan la joogin xilliga uu isdilayay.
Hal bil kaddib geeridiisa ayey barteeda Instagram kusoo qortay inay dhimashadiisa ka baroordiiqeyso.
"Wali waxaan dhibaato kala kulmayaa sidii aan dareenkeyga u wajihi lahaa... burbur aan kasoo kabasho lahayn ayaa gaadhay qalbigeyga... waligey igama dhaadhaceyso inaan mar dambe ku arki doonin," ayey soo qortay.
Saaxiibbadeed waxay warbaahinta u sheegeen inay aad u jecleyd atooraha, xanuunkiisana ay u dareemeysay sidii inuu xanuunkeeda yahay oo kale.
Sidey Rhea Chakraborty ku gashay nolosha atoorihii isdilay?
Sushant iyo Rhea labadoodaba waa la isku arki jiray marar badan iyagoo wada jooga. Ha ahaato xaflad, Gym-ka bannaankiisa ama makhaayad.
Hase yeeshee, labadooda midna waligiis ma uusan sharrixin nooca uu yahay xiriirkooda iyo inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyo.
Aabbaha dhalay Sushant Singh Rajput, ayaa dhawaanahanba sheegayay hadallo ka dhan ah Rhea Chakraborty.
Dadka qaar xitaa waxay su'aalo iska weydiinayeen xiriirka ka dhaxeeyo geeridiisa iyo atariishada, halka kuwo kalena ay hadal hayeen inay labada jilaa isguursan rabeen.
Laakiin hal bil kaddib dhimashadii Sushant, Rhea Chakraborty ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga hadashay arrimahan, waxayna soo afjartay aamusnaanteedii jahwareerka dhalineysay.
Waxay baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso inay ahayd gacalisadii Sushant.
Rhea waxay sidoo kale arrintan ku sheegtay wareysi ay la yeesheen booliska, kuwaasoo ay u xaqiijisay in iyada iyo atoorihii geeriyooday ay xiriir jacayl lahaayeen.
KK Singh Rajput, oo dhalay atooraha dhintay, ayaa booliska degmada Patna ka diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah atariishada.
Rhea Chakraborty waxay 1-dii bishii July ee sanadkii 1992-kii ku dhalatay magaalada Bengaluru ee gobolka Karnataka.
Waxay kasoo jeeddaa qoys Bengali ah. Rhea waxay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku qaadatay iskuul ay milatariga leeyihiin oo ku yaalla Ambala.
Xirfaddeeda jilaanimo waxay soo billowday sanadkii 2009-kii, markaasoo ay jishay musalsal laga sii deyn jiray telefishinka MTV, laguna magacaabo Teen Deeva.
Kuma aysan guuleysanin inay noqoto atariishada ugu fiican ee filimkaas, laakiin waxay gashay kaalinta labaad.
Kaddib waxay kasoo muuqatay dhowr musalsal oo ka baxay MTV, sida MTV What's Up, Tick Talk College Beat iyo MTV Gone in 60.
Muddo markii ay ka shaqeyneysay filimada yar yar, waxay u gudubtay jilitaanka filimada lagu dhigo Koonfurta Hindiya.
Sanadkii 2012-kii, waxay heshay fursad ay uga qeyb qaadato filim ku baxayay luuqadda Telugu, oo lagu magacaabo Tuneega Tuneega.
Sanadkii 2013-kiina waxay markii ugu horreysay soo jishay filim ay leedahay shirkadda Bollywood-ka, oo la yiraahdo 'Mere Dad Ki Maruti'.
Atooraha lagu magacaabo Saqib Salim ayey Rhea lasoo dhigtay filimkan.
Sanadkii 2014-kiina, Riya waxay la shaqeysay Ali Fazal, oo ay ku wada jireen filimka Sonali Cable.
Dhowr filim oo kale ayey kasoo muuqatay ka hor inta aysan la kulmin Sushant.
Rhea Chakraborty iyo Sushant Singh Rajput waxaa markii ugu horreysay iyagoo wadajir ah lagu arkay filim uu hagay Rumi Jaffery.
Filimkan magiciisa ilaa hadda lama sheegin.
Waxaa la aaminsan yahay in Rhea ay Sushant kula kulantay xaflad. Intaas wixii ka dambeeyay waxay isla aadi jireen hal gym.