Haweeney musharrax madaxweyne aheyd oo dalkeeda uga carartay carruuteeda dartood

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Belarus ayaa sheegtay inay qaadatay go'aan adag oo ah inay isaga baxdo dalkeeda kaddib markii ay ka hor timid natiijadii doorashada oo ku anddacootay in lagu shubtay.

Muuqaal ay barta Youtube soo gelisay waxay Svetlana Tikhanovskaya ku sheegtay in carruurteeda dartood ay go'aankaas u gaartay xilli habeenkii labaad ay Belarus ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashada, waxaana dibadbaxyada ku dhintay hal qof.

Waxaa sidoo kale soo baxay muuqaal labaad oo muujinaya iyado warqad wax ka akhrineyso xilli la xiray isniintii.

Waxay sheegtay in go'aanka ay iyadu qaadatay "aysan jirin cid ku qasabtay" ama dadka qaar ay ugu baaqeen in dalka ay isaga cararto.

"Carruurta waa waxa ugu muhiimsan nolosheena" ayay tiri.

Ms Tikhanovskaya ayaa carruurteeda geysay dalka Lithuania ka hor inta aysan doorashada ka dhicin Belarus.

Gabadhan oo lagu magacaabo Svetlana Tikhanovskaya ayaa kamid aheyd saddex haween ah oo noolashooda khatar u geliyay siyaasad darteed.

Waxay loolan kula jirtay madaxweyne Lukashenko oo dalkaas ka talinayay tan iyo sannadkii 1994-tii.

Svetlana Tikhanovskaya wey badqabtaa haataan waxay ku sugan tahay dalka Lithuania, waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Belarus.

Natiijadii doorashada ee la shaaciyay, madaxweynaha haya talada wuxuu boqolkiiba 80 ku guuleystay codadkii la dhiibtay, waxaana soo baxayay warar sheegayo in ku shubasho ay jirtay.

Dibadbaxyo rabshada wata ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay Belarus, tan iyo markii doorashadu ay dhacday waxaa lasoo tebiyay wararka ah in booliska ay tacaddiyo geysteen.

Ms Tikhanovskaya oo 37 jir ah ayaa ku dhawaaqday in loolan ay la galeyso madaxweynaha kaligii taliska ah kaddib markii seygeeda la xiray isla markaana laga hor istaagay in codkiisa uu diiwaan geliyo.

Markii ay isniintii isku dayday in dacwad ay ka gudbiso natiijada doorashada xabsiga ayaa loo taxaabay, waxay xirneyd muddo 7 saacadood ah.

Ms Tikhanovskaya waxay weriyeyaasha u sheegtay inay ku guuleysatay doorashada, waxay ugu baaqday madaxweynaha in xilka uu si nabad ah ku wareejiyo.