Xasan Cali Khayre: "Anigoo dalka u turaya ayaan iscasilay"

Xigashada Sawirka, OPM
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in xilka laga qaaday loo maray waddo aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana hareermarsan dastuurka dalka.
Khayre oo muuqaal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay aheyd sharci-darro isla markaana aan loo marin hab-raaca saxda ah ee xil ka qaadista xukuumadda.
Waxa uu ku adkaystay in xil ka qaadistiisa aysan xitaa ku jirin ajandihii kulanka Golaha Shacabka balse uu hadda qaatay in uu iscasilo isaga oo sida uu sheegay u turaya dalka isla markaana aan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato.
"Aniga oo og in waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci-darro, aan loona marin hab-raacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, aniga oo og in aanay ku jirin ajendaha, aniga oo og in aan laga doodin, aniga oo og inaan loo codeyn, aniga oo og in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana waxaan go'aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay," ayuu yiri mudane Khayre.
'Dalka ayaan u turay'

Xigashada Sawirka, NSNTV
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intaasi ku daray inuu doonayo inuu tusaale u noqdo umadda: "Aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed…mid dhaqaale, amni iyo bulsho ayaan sida ummadda Soomaaliyeed igu baratay, waxaan u noqonayaa tusaale, inaan marna halkan xukun u joogin laakiin aan u joogay inaan shacabka Soomaaliyeed u adeego,"
Khayre ayaa ku adkaystay in muhiimaddiisu ay tahay in dalka la badbadiyo "Dalkan rajo ayaan ka leenahay kulligeen, dalka ayaa kulligeen innaga weyn, cid waliba waa in ay aqbashaa in dalka loo turo, maanta waa maalinteydii aniga ayaa u turay dalka."
Hadalka Khayre ayaa imaanaya saacado ka dib markii xildhibaannada Golaha Shacabka ay cod uu khilaaf ka dhashay u qaadeen kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu hoggaaminayay Khayre. Sidoo kale, muddo kooban kaddib, ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in uu aqbalay go'aankaasi baarlamaanka, wuxuuna Mahdi Guuleed u magacaabay in uu noqdo ra'iisulwasaare ku meel gaar ah.
'Howlo badan ayaan qabtay'

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Kheyre waxa uu sheegay in muddadii uu xilka hayay, xukuumaddii uu hoggaaminayay ay dib u habaysay ciidammada qaranka, nidaamka maaliyadda dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa, bixinta mushaarka shaqaalahala iyo ciidammada, dowlad wanaag iyo soo celinta sida uu sheegay sharafta Soomaaliyeed.
"Muddaasi saddexda sano iyo barka ah, xukuumadda iyo aniguba waxaan ku guuleysannay hawlo waa weyn. Waxaa ka mid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxal gal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin in ay la wareegaan amniga guud ee dalka," ayuu yiri.
"In aan dib u habeyn ballaaran ku sameynay nidaamka maaliyadda dalkeenna oo dunidu noo soo istaagtay, soo celinay kalsoonidii uu caalamku nagu qab, taas oo inoo saamaxday in la inaga cafiyo deyn lagu lahaa dalkeenna muddo dheer. Dedaalkaasi waxa uu ku dhacay soo jeed iyo iyadoo la geliyay wakhti badan," ayuu yiri Kheyre oo ka hadlayay waxa ay xukuumaddiisu qabatay muddadii ay xilka haysay.

Xigashada Sawirka, SONNA
Dhanka kale waxa uu Xasan Cali Khayre ku dheeraaday sida ay xukuumaddiisu musuq maasuqa ula dagaalantay, meelmarinta shuruuc badan iyo bixinta mushaarka shaqaalaha dolwadda iyo arrimo kale.
"Waxaan la dagaallanay musuqmaasuqa, waxaan gudbinnay shuruucdii ugu badnaa ee xukumadi ay gudbiso, waxaan ku guuleysannay mushaarka shaqaalaha bixinteeda iyo mushaarka ciidanka oo bil waliba laga soo billaabo Janaayo 2017-kii oo qof waliba qaatay. Waxaan ku guuleysannay dowlad wanaag iyo amaano, waxaan ku guuleysannay annaga oo dib u soo nooleynay sharaftii ummadda Soomaaliyeed."
'Muddo kororsi baan ka digayaa'
Ka sokow in uu u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay in uu fursad u siiyay in uu u shaqeeyo shacabka, haddana Khayre waxa uu u muuqday in madaxweynaha iyo Golaha Shacabkuba ku eedeynayo in ay doonayaan muddo kororsi, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay horseedi karayso qalalaaso siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale.
Waxa uu ka digay muddo kororsi, isaga oo ku baaqay in doorashadu ay ku dhaqco xilligii loogu tala galay, waxa uuna sheegay in laga maarmaan ay tahay in la ilaaliyo nidaamka awood isku wareejinta dalka oo si dimuquraadi ah u dhacda.

Xigashada Sawirka, SNTV
Kheyre waxa uu sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ka shaqeeyay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho isla markaana looga fogaan lahaa muddo korarsi. Waxa uu intaasi ku daray in xukuumaddiisa ay ka soo shaqeysay kulankii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo madaxda maamul-goboleedyada.
"Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka…si go'aan loo dhan yahay looga gaaro doorashada hadda dalka ku soo fool leh."
Haseyeeshee waxa uu sheegay in wali uu jiraan dad ku fikirayo muddo korarsi, arrintaa oo sida uu sheegay salka ku haysay xil ka qaadistii ay xukuumaddiisu ku sameeyeen Golaha Shacabka.
"Inkasta oo kulamadii Dhuusamareeb horumar fiican laga sameeyay, haddana waxaa muuqata in wali uu socdo fikirkii ku aadanaa muddo korarsiga oo salka ku hayay wixii ka dhacay Golaha Shacabka. Fikirkaasi oo aan mar hore ka digay oo aan aaminsanahay in uu keeni akro khalkhal siyaasadeed, dalkana dib u celin karo, ayaa waxaan mar kale xasuusinayaa ummadda Soomaaliyeed, in dalka afartii sanaba ay mar doorasho ka dhacdo, iyadoo xukunka yahay qori isu dhiib in ay tahay dhaqan sax ah oo dalkan lagu bartay oo ay tahay in kulligeen aan ilaalinno," ayuu yiri Khayre.
Sidee xilka looga qaaday Kheyre?

Inasktoo ajendaha baarlamaanka uusan ku jirin oo aan horey loo qorsheyn xil ka qaadista Xasan Cali Khayre, ayaa taa badalkeeda xildhibaannada waxaa loo sheegay inay ka doodi doonaan arrimo la xiriira doorashada.
Balse markii dambe guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in baarlamaanka uu kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra'uusulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Guddoomiyaha oo kullanka baarlamaanka ka dib la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay "in cod la qaaday ka dibna 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka siddeed xildhibaan ay mooshinkaas diideen."

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Doodda la xiriirta arrimaha doorashada ayaa in muddo ah soo jirtay, waxayna baarlamaanka meelmariyeen shuruuc la xiriirta qaabka doorashada dalka ay u dheceyso.
Si kastaba, wakhtiga doorashada baarlamaanka waxaa ka dhiman muddo seddax bilood ah, halka midda madaxweynahana ay dheceyso bisha February ee sannadka soo socda.
Balse dad badan waxay eegi doonaan tallaabada xigta ee Xasan Cali Kheyre, maadaama ay haatan siyaasad ahaan kala tageen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddadii saddexda sano ka badnayd u muuqday in ay arrimo badan isku dhinac ka arkayeen.










