Sushant Singh Rajput iyo Dil Bechara: Muxuu yahay filimkan uu jilay atoorihii 'is dilay' ee mardhow soo bixi doono?

सुशांत सिंह राजपूत

Xigashada Sawirka, Parul gossain PR Team

“Ma badali karno, xilliga dhalashada iyo dhimashada, balse si wanaagsan waan u noolaan karnaa."

Waa sheeko ku jirta filimkii ugu dambeeyay ee uu jilay Sushant Singh Rajput ee cinwaankiisu yahay Dil Bechara. Xayeysiinta filimkaas ayaa la baahiyay Isniintii.

Xayeysiinta ayaa ku faaftay baraha bulshada, waxaana amaanay taageerayaashii Sushant iyo dadkii ay aflaanta iskula jireen.

Dad badan ayaa soo qaadanaya qoraalkaas ku jira filimka Dil Bechara ee "qiirada leh".

Filimka wuxuu ku saabsan yahay dareen murugo ama shalayto uu ku dheehan yahay, oo ah mid taabtay jilaaga dhintay isagoo da'yar ah. Sushant Singh Rajput, taageerayaashiisa ayaa dareenkooda arrintaas la xiriira ku muujinayaan baraha bulshada.

Isla markii la baahiyay xayeysiinta filimka, waxay ku baahday baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka oo ay ku sii faafinayaan jilaayaal caan ah.

Qeybo ka mid ah filimka iyo sawirrada Sushant Singh Rajput ayaa la soo bandhigayaa iyadoo la adeegsanayo hal ku dhigga #DilBecharaTrailer.

Mukesh Chhabra, oo filimka soo saaray wuxuu sheegay in jilidda filimkan iyo in daawadayaasha loo soo bandhigo ay qaadatay muddo laba sano ah.

Wuxuu yiri: "Xayeysiinta filimkeyga ayaan maanta baahinay. Waxaan ku faraxsanahay inaan kuu sheego in filimkan uusan waxbadan kaaga baahnayn, qof kastana uu awoodi doono inuu daawado".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ninka sameeyay muusikada filimkan, AR Rahman wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray: "Xayeysiiska Dil Bechara waa la baahiyay. Ka naaloo sheekadan jaceylka ah."

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Sidoo kale Nawazuddin Siddiqui ayaa yiri: "Daawo filimka aadka u wanaagsan. Shaqada Sushant Singh Rajput wanaaggeeda halkan ayaa lagu muujiyay."

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Priyanka Chopra ayaa sheegay in filimka uu yahay "u dabaaldegga jaceyl, saaxiibtinimo iyo nolol".

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Filimkan 'Dil Bechara' waxaa Internet-ka la soo gelin doonaa 24-ka bishan July. Wuxuuna diyaar ku noqon doonaa barta Disney Plus Hotstar.

Filimka waxaa soo saaray Mukesh Chhabra, waxaana xidigo ka ah Atariishada caanka ah ee Sanjana Sanghi iyo Atoore Sushant.

Filimkiisii midkan ka horreeyay wuxuu ahaa Chhichhore oo la baahiyay bishii September 2019-kii. Filinkaas waxaa la jishay Shraddha Kapoor.

Baaritaanka la xiriira geeridiisa

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, booliska dalkaas ayaa wado baaritaan la xiriira dhacdadaas.

.

Xigashada Sawirka, Twitter/Sushant Singh Rajput

Waxay booliska wareysteen illaa 30 qof, waxaana ka mid ah filim soo saaraha ay muddada isla shaqeynayeen Sanjay Leela Bhansali.

Sida ay wararka sheegayaan, Sanjay Leela wuxuu sheegay in weligii uusan gacan-bidxeyn Sushant, uusanna ka reebin ka mid noqoshada jilaayada filimaantiisa.

Sikastaba, waxaa askarta laga soo xigtay in ninkan soo saaraha aflaanta uu sheegay in jilaagaas uusan la shaqeynin muddo sababo la xiriiray inuu mashquul ku ahaa ka soo saarista Paani.

Sidoo kalen ninkan iyo jilaaga is dilay isla ma aysan hadlin tan iyo 2016-kii, wuxuuna sheegay in uusan ka warhayn in dhibaato dhanka maskaxda ah ay haysatay atoorahaas.