Sushant Singh Rajput: "Waan ogaa dadkii kugu kallifay waxa aad sameysay"

Sushant Singh Rajput iyo Ankita Lokhande waxay magacyada Manav iyo Archana ku fileen filimkii musalsalka ahaa ee Pavitra Rishta

Xigashada Sawirka, ZEE TV

Qoraalka sawirka, Sushant Singh Rajput iyo Ankita Lokhande waxay magacyada Manav iyo Archana ku fileen filimkii musalsalka ahaa ee Pavitra Rishta

Muran weyn oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah ayaa ka dhahay geerida jilaagii shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput, oo meydkiisa Axaddii laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai.

Sushant, oo markii dambe filimada caadiga ah ku biiray ayaa markii ugu horreysay kusoo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta.

Magaca Manav ayuu ku jilayay musalsalkaas oo sidoo kale aad loogu xasuusto atariishada Ankita Lokhande, taasoo iyadana ku jileysay Archana.

Xog dhammeystiran lagama hayo sababta ka dambeysa inuu isdilo, maadaama uusan wax farriin qoraal ah ka tagin.

Hase yeeshee, filim hagaha lagu magacaabo Shekhar Kapur ayaa sheegay inuu ka war qabay walwal xoog leh oo in muddo ahba heystay jilaagaas.

Wuxuu Mr Kapur aad uga qoomameeyay in uusan lixdii bilood ee lasoo dhaafay si dhow ula soconin xaaladda uu ku jiray Sushant.

Filim sameeyahan ayaa sheegay inuu Sushant la niyad jabsanaan jiray sababo la xiriira dad gaar ah oo dhaawac u geystay.

Qoraal qiiro leh, oo uu Shekhar Kapur soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: "Waan ogaa xanuunka aad ku dhex jirtay. Waan ogaa sheekada ku saabsan dad si aad ah kuu niyad jabiyay, taasoo aad mar walba iiga caban jirtay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan xaaladdaada ka warqabi waayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan kula joogi waayay oo garab kuu noqon waayay. Waxa kugu dhacay waa ficil ay iyaga sameeyeen, ma aha wax aad adiga sameysay."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Booliska Hindiya ayaa sheegay in Sushant, oo 34 jir ahaa, uu isdilay.

Qoyskiisa, oo ku sugnaa magaalada Patna, ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Mumbai, si ay aaskiisa u qaban qaabiyaan.

Sushant Singh Rajput iyo Shekhar Kapur

Xigashada Sawirka, India Today/Instagram

Qoraalka sawirka, Sushant Singh Rajput iyo Shekhar Kapur

Shekhar iyo Sushant waxaa lagu waday inay ka wada shaqeeyaan filim lagu magacaabo Paani, kaasoo uu qorshaha ahaa inuu soo baxo sanadkii 2015-kii, laakiin ay ku gacan seyrtay shirkadda filimada soo saarta ee Yash Raj Films.

Sanadkii 2016-kii ayuu Shekhar bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad ula dhacay qaabkii uu Sushant ugu diyaar garoobay filimkaas.

"Waxaan niyad jab weyn ka dareemayaa sida aad uga niyad jabtay Paani, laakiin waligey lama kulmin jilaa qaabka sidaas u wanaagsan ugu diyaar garoobay si uu qeyn#b uga qaato filim."

Sushant Singh Rajput wuxuu sanadkii 2013-kii dhexda uga tagay musalsalkii Pavitra Rishta kaddib markii lala dhacay qaab jilliinkiisa.

Waxaa lagu ammaanay inuu muujiyay karti dheeraad ah, taasoo soo jiidatay indhaha shirkadaha filimada sameeya.

Xalaqadii ugu horreysay ee Pavitra Rishta waxay soo baxday 1 June 2009, waxaana lasoo gaba gabeeyay 25 October 2014.

Dhowr filim oo uu xifdaddiisa kusoo bandhigay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore.