Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ka hadlay maqaamka Muqdisho

JTV

Xigashada Sawirka, JTV

Qoraalka sawirka, Madaxda Jubaland iyo Puntland

Waxaa maalmihii la soo dhaafay hadal heyn badan dhaliyay maqaamka Gobolka Banaadir oo maalma kahor ay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ay meel mariyeen kuraas aqalka sare ah oo loo asteeyay gobolka Benaadir.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada sida Jubaland iyo Puntland oo uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin dowladda ayaa ka hadlay sida "aanay ugu qanacsaneyn habka loo maray matelaadda gobolka Banaadir."

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay munaasabado lagu qabtay magaalooyinka Galkacyo iyo Kismaayo ayaa ka hadlay sida ay u arkaan matelaadda siyaasadeed ee Baarlamaanka uu u qoondeeyay Gobolka Banaadir.

"Muqdisho waa Caasimadda Qaranka, waxay mudan tahay inay hesho maqaamka caasimadnimo, waxay mudan tahay in ay matelaad aqalka sare ku yeelato, waxay mudan tahay inay yeelato golle deegaan oo wax soo doortado, waxay mudan tahay in aanan maayar loo soo magacaabin. Caasimadda waa in ay yeelataa waxa ay u qalanto," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale sheegay "in aanay jirin cid ka soo horjeedo maqaamka caasimadda, balse waxa la isku hayo in ay tahay in arrinta loo maro waddada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan."

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo isna ka hadlay maqaamka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanay ku qanacsaneyn habka loo maray maqaamka Banaadir.

"Ummadda Soomaaliyeed waxay Muqdisho siisay wixii ugu wanaagsanaa oo ahaa in ay magaalo madax, sidoo kale waxay ku sharfeen inay yeelato maqaam iyada gaar u ah oo inta kale magaalooyinka Soomaaliyeed aysan la wadaagin", ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlay maqaamka Muqdisho.

Jubaland TV

Xigashada Sawirka, Jubaland TV

Qoraalka sawirka, Madaxda Jubaland iyo Puntland

Saciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhaweynayo baaqi ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo horay uga soo horjeestay qaabka loo maray kuraasta loo qoondeeyay gobolka Banaadir.

Baarlamaanka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in aysan ka qeybgelin shirka Muqdisho ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana madaxweyne Deni uu xusay in uu taladooda ku shaqeynayo.

Tan iyo markii baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya uu ansixiyay matalaadda gobolka Banaadir waxaa soo baxayay dood sharci ah oo ku saleysan qaabka ay tahay in loo maro maqaamaka iyo matelaadda siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Go'aankii baarlamaanka oo ay dhaleceeyeen siyaasiyiin halka kuwa kalana ay soo dhaweeyeen matalaadda Muqdisho waxaa sidoo kale taageeray qaar ka mid ah xildhibanaada golaha shacabka iyo madax hore.

Matalaadda iyo Maqaamka

Inkastoo maamullada qaar ay su'aal gelinayaan sax ahaanshaha tirada kuraasta ee gobolka Banaadir loogu kordhiyay aqalka sare, haddana khubarada dhanka sharciga waxay ku doodayaan in maqaamka uu marka hore ka horeeyo mataaladda.

Abuukate Zakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan ayaa ku doodaya inay jireen waxyaaba ka horeeya matelaadda siyaasadeed ee gobolka oo ay ahayd in la sameeyo taasoo ah qeexidda maqaamka Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

"Qodobka 9aad ee dastuurka waxaa uu dhigayaa in maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya go'aan looga gaari doono dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marka maqaamka oo go'aan laga gaaro ayaa waxay horseedi lahayd in la isla mele dhigo matalaadda uu yeelanayo gobolka Banaadir ama caasimadda", ayuu ku leeyahay Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Isbadal lagu sameeyo dastuurka

.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Gollaha shacabka

Abuukaate Zakariye wuxuu intaasi ku daray in si loo dhaqangeliyo qoondada 13 ka xubnood ee gobolka Benaadir ee ay soo jeediyeen golaha Shacabka ay marka hore tahay in la furo dastuurka ku meel gaarka ah oo horay u cayimay tirada xubnaha Aqalka sare

"In gobolka Banaadir uu helo matalaad siyaasadeed oo la dhaqan geliyo ansixinta golaha shacabka waa in marka hore dastuurka la furaa sida ku cad qodobka 132, wax ka badelka dastuurkana ay qeybna ay ka yihiin xubnaha aqalka sare, arrintaas oo haatan aysan dhicin", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doorka Aqalka Sare

Golaha shacabka oo la ogyahay in khilaaf uu kala dhaxeeyo Aqalka Sare ayaa qododbka 72aad ee dastuurka kumeel gaarka ah waxaa uu dhigayaa in aqalka sare uu qeyb ka noqdo wax ka badel walba oo lagu sameynayo dastuurka.

Qoraalka Codka, In maqaamka Muqdisho la isku qabsado maxaa sabab u ah

Haseyeeshee Abuukaate Cabdinaasir Xusseen oo BBC-da la hadlay waxaa uu sheegay in xaaladdan oo kale loo laabanayo qoddobaka 80aad, doorka aqalka sarena aanan la gaarin .

"Qoddobka 80aad ee dastuurka waxaa uu dhigaya sharci qabyo ah oo heer qaran ah waxaa curin kara golaha Xukuumadda; ama ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka".ayuu yiri Abuukaate Cabdinaasir Xusseen.

Inkastoo aanan la ogeyn in matalaadda gobolka Benaadir la horgeyn doona aqalka sare ee baarlamaanka ayaa haddana dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliya waxaa uu dhigayaa in qaabka keliya ah ee lagu duri karo xeerkan ay tahay maxkamadda dastuuriga ah oo aan xilligan Soomaaliya ka jirin.

Aqalka Sare sida uu hadda yahay

Aqalka sare

Xigashada Sawirka, GoobJoog

Qoraalka sawirka, Aqalka sare

Aqalka Sare waxa uu hadda ka kooban yahay 54 xildhibaan oo lagu soo xulay hannaanka federaalka iyadoo Puntland iyo Somalinland la siiyay min 11 kursi halka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland la siiyay min 8 kursi.

Balse sida dastuurka ku qoran waxay ahayd in kuraasta aqalka sare ee 54 ah lagu qaybiyo nidaamka gobollada iyadoo laga ambaqaadayo 18 kii gobol ee Soomaaliya ahayd markii ay dhacday dawladdii Siyaad taasoo gobol walbo oo uu Banaadir kamid yahay siin laheyd 3 kursi.

Sida muuqata madaxdii federaalka iyo kuwii maamul goboleedyada ee qaybtaa sameeyay 2016 kii way baal mareen qodobkaa dastuuriga ah taasoo keentay in xubnaha maanta ansixiyay xeerka matalaada gobolka Banaadir ay ku doodaan in markii horeba aan si sharci aah loogu dhaqmin qodobka dastuurka ee ka hadlaya kuraasta aqalka sare.