Maxaa keenay muranka ka dhashay maqaamka Muqdisho?
Iyadoo uu si weyn u soo shaac baxay ismaandhaaf siyaasadeed oo ka taagan maqaamka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, duqa magaaladana uu ku baaqay in shir looga xaajoonayo arrintani la qabto dhammaadka bishan ayaa waxaad mooddaa in haatan muranka arrintaa ka taagan uu cirka isku sii shareerayo.
Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaase arrinta soo farageliyay oo sheegay in go'aanka arrintaas ay u taal golaha shacabka.
Muranka ayaa sii kululaaday kaddib markii odayaasha dhaqanka Muqdisho ay ka biyo diideen waxa ay ku tilmaameen go'aan weecdo oo loola jeedo sidii lagu badeli lahaa duqa magaalada Mugdisho, Taabit Cabdi Maxamed.
Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu la xiriirnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, marka horena waxa uu waydiiyay bal waxa uu salka ku hayo khilaafkan u dhaxeeya madaxda federaalka iyo kuwa gobolka banaadir?