Cudurka corona: Shiinaha iyo Mareykanka ma baareen dad badan?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu sheegayaa in dalkiisa uu sameeyay "baaritaannadii ugu badnaa" ee adduunka oo dhan ee xanuunka corona ah, Laakiin warbaahinta dowladda Shiinaha ay sheegeysa, in baaritaannadii uu Shiinuhu sameeyay ay u dhiganto seddax jibaar tan Mareykanka.

Haddaba yaa saxan?

Sheegashada Trump

"Waxaa dalkeena ka jira xaalado badan oo cudurka ah, sababtoo ah waxaanu sameynaa baaritaanka ugu badan Dalalka kale, baaritaan kuma sameynayaan mallaayiin qof".

Mareykanka ayaa ku dhawaad 31-Milyan oo qof ka baaray fayraska korona, sida lagu sheegay xogtii ugu danbeysay ee la helay.

Waxay tiradaas ka badan tahay waddamada reer galbeedka oo dhan, balse tiro ahaan aad uga yar midda Shiinaha oo laga soo tebiyay tirada guud ee baaritaanndada laga sameeyay in ay ka badan tahay 90-milyan oo qof.

Waxaa adkaan karta in tirada baaritaannada la is barbardhigo. Dalalka qaar ayaa xisaabinaya tirada dadka baaritaannada lagu sameeyay, halka waddamo qaarna ay tirinayaan baaritaannada guud ee la sameeyay, sida in qof keliya uu dhowr jeer uu baaritaanno mari karo, haddii baaritaanka koowaad ay si fiican u shaqeyn waayo.

Mareykna ayaa si weyn u soo tebiya dadka baaritaannada lagu sameeyay, laakiin gobollada qaar ee isla dalkaas ayaa soo gudbiya wadarta guud ee baaritaannada la sameeyay. Shiinaha ayaa wadarta uu soo gudbiyay ay guud ahaan yihiin tirada baaritaannada la sameeyay.

Sheegashada Shiinaha

"Shiinaha oo dhan, isbuuc kahor tirada waxay ahayd 90.41-milyan, oo u dhiganta seddax jibaar tirada laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka".

Bar twitteroo Tiradan lagu shaaciyay, wuxuu Hu Xijin, tafatirada wargayska Global Times, oo ah warbaahin dawladeed, ayaa "been qayaxan" ku tilmaamay sheegashada Madaxweyne Trump ee ah in Mareykanka uu sameeyay tijaabooyinka ugu badan.

Xogta Guddiga Caafimaadka Qaranka Shiinaha, oo ay soo diyaarisay dowladda Shiinaha oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin, waxa ay xaqiijineysaa in laga soo bilaabo 22-ka bisha June, uu Shiinuhu diiwaan geliyay 90.41-milyan oo ah baaritaannad guud ee la sameeyay.

Sidaas daraadeed, waxaa cad in tirada guud ee Shiinaha ay ku seddex jibaarmeyso tan Mareykanka, balse Shiinaha ay ku noolyihiin shacab aad u badan.

marka la eego tiradaas, Shiinaha ayaa 15-kii qofba mid baaritaan ku sameeyay, marka la barbardhigo Mareykanka oo 11-kii qofba mid baara. Sidaas darteed, shacabka ku nool dalka shiinaha sababta ay wax yar uga badan yihiin shacabka ku nool dalka Mareykanka.

Dalka Shiinaha ayaa sameeya baaritaano xaddidan, iyadoo in kabadan seddex meelood meel baaritaannadaas laga sameeyay magaalooyiinka Beijing iyo Wuhan iyo gobolka ugu dadka badan ee Guangdong, sida laga soo xigtay wararka gudaha laga soo tebiyo.

Hababka baaritaan ayay sidoo kale ku kala duwan yihiin labada dal.

Tijaabada maalinlaha ah ee mugga leh oo uu Shiinaha sameeyo ayaa si dhaqso ah u korodhay, taas oo fududeysay qalabka baaritaankaas lagu sameeyo. Waa mid tijaabada u uruurinaya si wada jir ah, isla markaana si kala gaar-gaar ah u baaraya, keliya haddii uu qalabku tuso in cudurka la helay.

Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka ugu sarreeya ee cudurrada ka dhasha caabuqa ee aqalka cad, ayaa sheegay in Mareykanka ay si dhab ah uga fiirsaneyso habkan.

Balse wuxuu ka shaqeyn doonaa oo keliya gobollada uu tiro ahaan ku yaryahay caabuqa, maaddaama uusan waxtar lahayn haddii saami badan oo ka mid ah cudurka laga helo.