Gidaarka baroordiiqda ee Shiinaha

Malaayin qoraallo ah ayaa la dhigay bog uu leeyaay dhakhtarkii Shiinaha u dhashay oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu cudurka ka dillaacay halkaas kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday cudurka.

Dr Li Wenliang wuxuu ku takhasusay xannuunada indhaha, wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan-halkaas oo aheyd meeshii ugu horreysay oo uu cudurka ka dilaaco.

30-kii bisha December wuxuu farriin u diray dhakhaatiirta ay shaqa wadaagga ahaayeen isaga oo farriintiisa ku sheegay cudurka dillaacay waxa uu yahay, si ay isaga ilaaliyaanna ay xirtaan dharka iyo qalabka cudurkaasi looga hortagi karo.

Balse dhakhtarku xilligaasi ma ogeyn in cudurkaasi uu yahay caabuqa cusub ee coronavirus.

Waxaana farriintiisa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxay booliska ku amreen in uu joojiyo hadallada been abuurka ah ee uu faafinayo.

Dad badan, Dr Li waxay u aqoonsadeen in uu yahay 'Halyeey' halka qaar kalena ay rumeysan yihiin in u ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka digo cudurka.

Markii uu horraantii bishii Febraayo u geeriyooday Covid-19, boqolaal kun qof waxay bilaabeen inay wax ku qoraan bogga oo ku lahaa barta Weibo oo ay dadka Shinaha ku wada xiriiraan, waxay ka careysnaayeen sida loola tacaalay dhakhtarka halka qaarna kalena ay shacabka ugu baaqeen in 'kacdoon ay bilaabaan'

Waxaana bogga lagu qoray hal ku dhigyo ay kamid yihiin "Maamulka Wuhan waa in uu raali geliyaa Dr Li" "Waxaan dooneynaa xoriyatul qowl"

Falcelinta

Dad qoraallada lagu xusayo dhakhatarka soo dhigaya bogga Weibo waxay isugu jiraan ardey, dhakhaatiir iyo xitaa dad ka tirsan laamaha amniga.

Angela Xiao Wu, oo bare ka ah kuliyadda saxaafadda iyo dhaqanka ee jaamacadda New York ayaa sheegtay in 'carada iyo walaaca ay muujinayaan' shacabka ay caddeyn u tahay dareenka ka dhashay sida dowladda Shiinaha ay ula tacaashay cudurka.

"Toddobaadyadii ugu horreeyay ee uu cudurka ka dilaacay dalka, waxaa jiray carada shacabka ay ka muuinayaan taas oo ku saabsan sida dowladda ay uga falcelisay cudurka iyo waxa u muuqday siyaasadda Shiinaha oo la waregtay aragtida dadweynaha ay ka qabaan xaaladda"

Xilli Shiinaha uu bilaabay in malaayin qof uu cudurka ka baaro halka dadka kalena la geeyay xarumaha karantiilka, waxay u muuqatay in uu qaaday tallaabo lagu xakameynayo safmarka.

Waxay tallaabadaas shacabka ka caawisay in xaaladda ay la socdaan 'gaar ahaan waxay ogaadeen caqabadaha ay la kulmeen dalalka reer galbeedka ee ku aadan xakameynta cudurka' sida ay sheegtay Dr Angela Xiao Wu.

Balse qoraallada lasoo dhigayo bogga Dr Li waxay noqdeen kuwo ka sheekeynayo caqabadaha maalin kasta ay la kulmaan dadka Shiinaha.

Waxay dadkaas boggiisa maalin kasta soo dhigaan qoraallo ay isaga ku xusayaan.

Malaayin qof ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay bogga baraha baraha bulshada uu ku lahaa Dr Li ku qoray malaayin farriimo ah oo ay ugu hambalyeynayaan dhakhtarka dhintay kaddib markii uu u dhashay canug.

Halka qaar kamid ah dadkaas waxay ku rajo weyn yihiin 'in canuga dhashay uu qaadi doona dhabihii uu qaaday aabihiis'

"Hambalyo Dr Li, waxaan fileynaa in canuga dhashay uu noqon doono nin wanaagsan sida aabihiis"

'Gidaarka baroordiiqda ee taagnaa muddo afar bilood ah'

Toddaabkii lasoo dhaafay , dadka isticmaala baraha bulshada waxay waayeen farriimaha qaar ee la dhigay bogga dhakhatarka.

Markii Sabtidii ay BBC-da dib u fiirisay bogga, waxaan ku aragnay boqolaal farriimo ah oo ku haray bogga caanka ah ee Dr Li, waxay u muuqdeen farriimaha kuwo marar qaarkood meesha laga saarayo halka farriimo kooban ay bogga kusoo hareen.

Qaar kamid ah dadka isticmaalo boggaas ayaa sheegay in ay arki karaan farriimaha qaar oo kaliya ah halka qaarna kalen ay sheegeen in farrimaha qaar ee la tiray dib loo soo celiyay-balse dadka inta badan wey jahwareersan yihiin.

Shiinaha wuxuu howlgal ka sameeya baraha bulshada balse waxaa dadka walaac iyo amakaag ku reebay farriimaha tirada badan ee laga saaray bogga Dr Li.

Dadku waxay bilaabeen in boggan ay ku tilmaamaan sida gidaarka ku yaalla galbeedka magaalada Quddus ee loo yaqaano 'Gidaarka baroordiiqda' halkaas oo ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah, waxay farriin ay ku qoreen warqad ku dul dhajinayaan gidaarka marka ay soo gabagabeeyaan cibaadada.

"Gidaarka baroordiiqda waxaa uu taagnaa in ka badan 2,000 oo sanno" waxaa sidaas bogga ku qoray mid kamid ah dadka isticmaala bogga Weibo balse "Gidaarka Shiinaha wuxuu taagnaa afar bilood"

Sabtidii Weibo waxaa uu beeniyay in boggaas laga saaray qoraallo balse ay sameeyeen tallaabooyin lagu dardargelinayo adeegyadiisa.

Waxay arrintani horseeday tageero hor leh oo loo muujinayo Dr Li.

Mid kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada Shiinaha ee Weibo ayaa yiri "Boggan waa raadka qiimaha leh ee uu ku tegay Dr Li kaas oo sii jiro doono jiilalka mustaqbalka"

"Waxay meesha ka saari karaan farrimaheena" balse "Meesha kama saari karaan dareenkayaga"