'Ma garan karo tirada bukaannada aan qaadsiiyay cudurka Corona'

Dhakhaatiir ka howlgalaya cisbitaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Max oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka kana shaqeeya England ayaa dhawaan ogaaday in horey uu u qabay feyraska Corona.

Bilooyin ka hor ayaa waxaa ka tegay dareenka wax urinta iyo dhadhanka, inkasta oo markii dambe ay dib ugu soo laabteen, lagumana arkin astaamaha rasmiga ah ee feyraska Corona.

Maadama uusan isku arkin calaamadaha kale ee cudurka, sida qufaca iyo qandho, waxaa uu raacay talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka, waxaana uu dib ugu laabtay shaqada, lagamana baarin cudurka.

Waxay xaaladda ka dhigan tahay in dhakhtarkan 27 jirka ah uu la kulmay ilaa 100 bukaan muddo toddobaad gudahiis ah.

"Ma ahaan arrin khalad ah, waxaa dhici karta marka uu cudur cusub soo ifbaxo kaas oo aan la garaneyn- welina waxbo lagama ogo cudurka" Max wuxuu sidaas u sheegay barnaamijka Radio 1 Newsbeat.

"Waxaan dareensanahay in aan khalad galay, waxaan tegayay qeybaha la seexiyo bukaannada ee cisbitaalka, waxaan u maleynayay in aana qabin cudurka Korona, markaas waxaan ahaa qof qaadsiinayay bukaannada"

Dhawaan ayuu Max is baaray, waxaana loo sheegay in horey uu ugu dhacay feyraska Corona balse ay u muuqato in difaaca jirkiisa uu xooggan yahay.

Qeybta xaaladaha deg deg ah ee cisbitaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qeybta xaaladaha deg deg ah ee cisbitaalka

Max shaqadiisu waxay aheyd tageero dhanka talooyinka caafimaadka ee dhanka dhimirka si uu siiyo bukaanada la geeya qeybaha qalliinka iyo qeybta xaaladaha deg deg ee cisbitaalka.

"Waxaa aragnaa bukaanno uu ku dhacay xanuunka Covid-19 oo u baahan talooyinka caafimaad ee xanuunada dhimirka gaar ahaan marka la geeyo qeybta xaaladaha deg deg ah"

Si loo caawiyo bukaannada, waa in aad uu dhawaataa si aad u ogaato sida ay wax u dareemayaan, ayuu yiri Max.

Inkasta uusan ogeyn in uu ku dhacay feyrsaka, waxaa uu sheegay in uu dareemay xanuun uusan weligiis dareemin.

"Waxaan filayay in dhammaanteen uu inaga tegay dareenka wax urinta iyo dhadhanka gaar ahaan marka uu qabow jiro, xitaa ma urin jirin qaxwada ama xitaa ma dareemeyn dhadhanka Khalka"

Wuxuu sheegay in qalabkii uu xirnaa markii uu ku sugnaa cisbitaalka sida maaskaraha , waxyaabaha gacmaha la gashado iyo qalabka kale ee jirka lagu daboolo in uu uga gaashaaman karo feyraska.

Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka waxay ku talisay howlwadeenada caafimaadka ay xirtan qalabka lagu daboolo jirkooda si ay uga gaashaantaan cudurka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka waxay ku talisay howlwadeenada caafimaadka in ay xirtan qalabka lagu daboolo jirkooda si ay uga gaashaantaan cudurka

"Waxaan filayaa in qalabka ay xirtaan dhakhaatiirta uu yahay mid kuu hoorseedi karo badqabka gaar ahaan marka ay adag tahay in la dhaqan geliyo kala fogaanshaha gudaha cisbitaalka, taasi waxay yaren kartaa halista feyraska"

"Mana ogaan karo tirada bukaanada aan qaadsiiyay cudurka waana arrin laga naxo"

Calaamadaha lagu garto in uu kuugu dhacay cudurka Korona waxaa ka mid ah, in urta iyo dhadhanka uu ka tego qofka.

Presentational grey line
bb
bb