Xariga Fu'aad Cali: Duuliyeyaasha Jabuuti iyo Itoobiya ka goostay ee la isku wareejiyay

.

Xigashada Sawirka, FU'AAD YUUSUF CALI

Jabuuti waxaa dhawaan ka taagnaa dibadbaxyo rabshado dhaliyay oo ka dhashay xarigga Fu'aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, oo u cararay dhanka Itoobiya, 27-kii bishii March, ka dib markii uu sheegay in "cadaalad darrada ay ka dhex jirta Milatariga dalkaas," sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Fu'aad wuxuu ka tirsanaa ciidammada cirka, dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro xilligaas oo uu Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo Jabuuti.

Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Waxaa jirto taariikh hore oo Jabuuti iyo Itoobiya ay isugu wareejiyeen askar goosatay oo duuliyeyaal ay ka mid ahaayeen.

Sannadkii 2005-tii Jabuuti waxay xaqiijisay in Itoobiya ay ku wareejisay labo duliye oo Itoobiyaan ahaa kuwaas oo baxsad ahaa.

Wasiirkii arrimaha gudaha Jabuuti ee xilliggaas Yaasin Cilmi Buux ayaa BBC u sheegay in duliyeyaashaas Itoobiyaanka ahaa lagu wareejiyay xukuumadda Addis Ababa ka dib markii ay iyagu aqbaleen in dalkooda dib loogu celiyo.

Qoraalka Codka, Xeer ilaaliyaha Jabuuti oo ka hadlay waxa lagu haysto duuliye Fu’aad

Yaasin Cilmi Buux oo hadda ah Safiirka Jabuuti ee Kenya ayaa xilligaas sheegay "in Injineer Itoobiyaan ahaa oo ka shaqeynayay diyaaradda uusan dooneyn in Itoobiya uu ku laabto isla markaana lagu sii hayay Jabuuti".

Qaramada Midoobey waxay xilliggaas walaac ka muujisay labadaas duuliye ay Jabuuti gacanta u gelisay Itoobiya, inay wajahi kareen dacwad ah inay khiyaano qaran galeen isla markaana ay ku muteysan karaan xukun dil ah.

Qoysaskii duuliyeyaasha oo ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa been ku tilmaamay hadalka wasiirkii arrimaha gudaha Jabuuti ee ahaa in labada duuliye ay iyagu raali ka ahaayeen in dib loogu celiyo dalkaas.

Sida warbaahinta caalamka ay uga warrantay xarigga Fu'aad Cali Yuusuf

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warrantay in dibadbaxyadii gilgilay Jabuuti ee looga soo horjeeday xariga duuliye Fu'aad Yuusuf Cali.

Reuters ayaa wareysi la yeelatay safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo u sheegay in Fu'aad loo xiray dambiyo la xiriira "khiyaamo qaran" balse wuxuu beeniyay in wax jirddil ah loo geystay duuliyaha.

"Waxaa loo tarxiilay Jabuuti kaddib dacwad ah in uu galay khiyaamo qaran, xilli uu iska soo duubay muuqaal isaga uu ku dhex jira diyaaradda. Muuqaalkaas oo kicinayay dadweynaha," ayuu yiri safiirka Jabuuti ee Itoobiya Maxamed Idiris Faarax.

Safiirka wuxuu sidoo kale Reuters u sheegay in duuliye Fu'aad 9-kii bishii April lagu xiray Addis Ababa kaddib markii uu baxsday "isku daygiisiina uu ahaa in diyaaradda uu ka dejiyo garoon ku yaalla Eritrea."

Dibadbaxyadii ka dhacay Jibuuti
Qoraalka sawirka, Dibadbaxyadii ka dhacay Jibuuti

Dhanka kale, warbaahinta RFI ayaa ku warrantay in labo ka mid ah ciidammada Jabuuti ay xilka iska casileen si taageero ay ugu muujiyaan sarkaalka xiran.

Waxay soo xigatay qareenka u doodaya Fu'aad oo lagu magacaabo Zakariya Cali kaas oo beeniyay eedeymaha loo heysto ee ah in uu xiriir la lahaa dal shisheeye oo uu diyaaradda ka dejin rabay.

Kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka caasimadda Jibuuti iyo gobolka Cali Sabiix kuwaas oo codsanayay in xoriyaddiisa uu dib u helo duuliyaha.

RFI Waxay soo xigatay ilo xog-ogaal ah oo uu sheegay in dadka qaar ee ka qeyb qaadanayay dibadbaxyada la xiray halka qaarna kalena lasoo daayay.

Waxaa la filaya in 18-ka bishan June dib loo dhageysto dacwadda loo heysato Fu'aad halka qoyskiisa loo ogolaaday Axaddii inay booqdaan, waxay u geeyeen dhar iyo cunto, sida laga soo xigtay RFI.

Dowladda Jabuuti ayaa labo dhakhtar u dirtay sarkaalka xiran si ay xaaladdiisa caafimaad usoo qiimeeyan kaddib codsi uu jeediyay qareenkiisa.

Waa kuma duuliyaha Fu'aad

Fu'aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

  • Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
  • 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
  • 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa
  • 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay
  • Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay
  • Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya
  • 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay "aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen" dowladda Jabuuti.

"Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin," ayay hadalka sii raacisay.

"Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda", ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.