Mudaharaadyada Minneapolis: Wariye ka tirsan CNN oo la xiray isaga oo tabin toos ah ku jira
Wariyaha CNN oo Minneapolis ugu soo warramayey oo la xiray xilli ay mudaharaadyo looga soo horjeeda dilka loo geystay ninka madowga ah ayaa xabsiga loo taxaabay.
Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira. Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo.
Balse waxyar kaddib ayaa la sii daayey wariyaha iyo raggi lalal xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa raalli gelin ka bixiyey xarigga wariyaha lagula kacay, isaga oo dhacdada ku tilmaamay "mid aan la aqbali karin",
CNN waxay sheegtay xariigga loo geystay shaqaalaheeda inuu dastuurka dalka Mareykanka uu ka hor imanayo.
Maxaa dhacay?
Mr Jimnez wuxuu Miinneapolis uu ku sugnaa seddex habeen si uu u soo tabiyo mudaharaadyada rabshadaha wata ee halkaasi ka dhacaya.
Talaadadi muuqaal si weyn loo baahiyey ayaa muujinayey askari boolis ah oo qoorta jilibka ka saaray nin madow ah oo aan hubeysneyn oo lagu macaabo Floyd isaga oo leh 'waan neefsan la'ahay sidaana uu ku dhintay'.
Mr Jimenz wuxuu si toos ah u tabinayey xarigga ay booliska ka wadaan agagaaraha saldhigga booliska ee ay mudaharaadayaasha dabka qabadsiiyeen.
Marki ay kooxda wariyeyaasha ee ka socda ay kaameeradooda ku qabteen booliska oo mudaharadayasha xiray, boolisku waxay soo abbaareen halki ay wariyeyaasha CNN joogeen waxayna u sheegeen iney meesha ka dhaqaaqaan.
Muuqaalka Mr Jimnez laga duubay ayaa caddeeyey inuu wariyaha CNN oo booliska ku leh "Waan ka dhaqaaqeynaa, amarkiinnana waan qaadaneynaa balse tebin toos ah ayaan wakhti xaadirkan ku jirnaa ma joojin karno."
Askari careysan ayaana u yimid kuna yiri "waad xiran tahay" wuxuuna billaabay inuu gacmaha uu katiinad kaga xiro.
Falcelin nocee ayaa ka dhalatay?
CNN oo boggeeda Twitterka farriin soo dhigtay waxay ku tilmaantay "xadgudub cad oo loo geystay xuquudooda". Sharciga ay CNN sheegtay in lagu xadgudbay ee dastuurka Mareykanka wuxuu ilaalinayaa xorriyada hadalka iyo isabaabulka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Booliska gobolka Minneapolis waxay xaqiijiyeen xarigga wariyaha loo geystay balse la sii daayey "marki aan ogaannay inuu ka mid yahay bahda saxaafadda".
Barasaabka gobolka Walz, wuxuu sheegay inuu qaadayo "gabi ahaan mas'uuliyadda dhacdadaasi".
Wuxuuna intaa ku daray "Wax sababaya ma jiraan iney arrima noocani dhacaan".
Rabshada ka dhashay dilka Floyd loo geystay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd.
Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: " George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.''
George Floyd, oo ay da'diisu ahayd 46 sano ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.
Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishan Mayka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

Xigashada Sawirka, Twitter/Ruth Richardson
Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah ku leh "waan neefsan la'ahay".
Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilka magaalada Minneopolis loogu geystay George Floyd.
Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.
Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.
"Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha'yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen...caddaallada waa inay dhaqan gashaa"
Dhacdada ayaa ku soo beegmeysa isla-maalinti ay haweeney caddaan ah oo ku nool New York ay booliska wacday una sheegtay nin madow ah inuu u hanjabay kaddib marki uu ku yiri eeygaaga naga xiro.











