You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Coronavirus iyo Dhaqaalaha: Waddankee ugu deeqsisan caalamka?
Xayiraadaha uu sababay coronavirus ee lagu soo rogay dalalka caalamka waxay waddamo badan ka abuurtay xasarad dhaqaale, iyadoo dowladuhu ay gurmad sameynayaan, si loo yareeyo khasaaraha la filayo inuu noqdo kii ugu xumaa ee dunida soo mara tan iyo 1930-meeyadii.
Dalalka addunka waxay ansixiyeen lacag dhan $4.5 tirilyan oo doolar - oo loogu talagalay howlaha gurmadka degdegga ah - sida ay shaacisay Hay'adda Lacagta adduunka ee IMF. Lacagta intaas la eg waxay sare ugu sii kaceysay dhowr isbuuc gudahood.
Waxaa lacagahan qaarkood la siinayaa dadka shaqooyinkoodii ka xayirmeen ee guryaha iska jooga.
Haddaba sidee la isu barbardhigayaa tallaabooyinka ay qaadeen waddamada kala duwan?
Isticmaalka cusub ee kharashka
Ceyhun Elgin oo ah barfasoor ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha ayaa saaxiibbadiisa dunida qeybaheeda kala duwan kala shaqeynayay si loo helo xogta ku saabsan kharashka laga isticmaalo 166 waddan.
Markii la eego qiyaasta xisaabeed ee uu sameeyay, Japan ayaa waddamada guulaha ugu waaweyn ka gaaray gurmadka dhinaca kharashka la isticmaalo ah. Wuxuu dalkaas kharashka la isticmaalo u qorsheeyay 20% ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda.
Waxaa ka sarreeya Jaziiradda Malta oo kaliya, taasoo dhaqaale badan ka hesha sanduuqa Midowga Yurub.
Dalalka kusoo xiga waa Mareykanka oo qarashka la isticmaalo uu yahay 14% ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda dalka, Australia oo 11% ah, Canada oo 8.4 ah, UK oo 5% ah, Colombia oo 1.5% ah iyo Gambia oo ah 0.6%.
20-ka waddan ee u sarreeya kharashka loogu talagalay saameynta coronavirus
Laakiin liiskaas wuxuu u muuqdaa mid sidaas ka duwanaan kara haddkii la eego kharashka laga isticmaalo dhinaca bangiga dhexe.
Tusaale ahaan, dalalka ugu waaweyn Yurub, dowladahooda waxay ballanqaadeen inay inay bixin doonaan deymo cusub oo lagu kabayo meheradaha ganacsiga ee ay waxyeellada kasoo gaartay xayiraadda - tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo howlaha bangiyada si aysan u burburin - waxaa lagu tilmaamay jawaab wax ku ool ah oo aad u ballaaran.
Bangiga dhexe ee America ayaa sidoo kale qaaday tallaabo uu ku bixinayo deymo ujeeddadaasoo kale laga leeyahay.
Ficillada noocan ah wuxuu waddanka Faransiiska uga jiraa kaalinta koowaad, iyadoo UK ay ku jirto kaalinta shanaad, halkii ay horay uga jirtay kaalinta 47-aad.
Barfasoor Elgin wuxuu sheegay in tallaabooyinka ugu waaweyn ay qaadeen waddamada qaniga ah ugu taariikhda weyn caalamka - sidoo kalena sariiraha isbitaalladoodu ay ka yar yihiin kuwa dalalka kale.
Waddamada, sida Mareykanka iyo Japan ayaa kaalimo fiican uga jira awoodda ku aaddan isticmaalka cusub ee dhaqaalaha, maadaama maalgashadeyaasha ay dib u dhigeen howlahoodii.
Hase ahaatee, Barfasoor Elgin wuxuu intaas ku daray in baaxadda dalalka aysan ahayn in lagu khaldo waxa ay sameyn karaan, isagoo hoosta ka xariiqay in waddamadu ay ku kala duwan yihiin habka ay dhaqaalaha u bixinayaan.
"Dhammaan dalalka kala duwan ee adeegyadan bixinaya, waxaa laga yaabaa inay saameyntooda kala duwan tahay, taasoo natiijooyin kala duwan ay kasoo baxayaan," ayuu yiri.
Dhanka kale, dalalka saboolka ah waxay diyaariyeen qorsheyaal looga falcelinayo saameynta cudurka, laakiin waxay u baahnaan doonaan inay lacago ka sugaan hay'adaha caalamiga ah iyo qolyaha kale ee dhaqaalaha samafalka ah bixiya.
Bixinta tooska ah
Qorhseyaasha qaarkood waxaa laga heli karaa hay'adaha caalamiga ah ee gargaarka fidiya, sida bixinta lacagaha caddaanka ah.
Dalal badan garkaarkan waxaa si gaar ah loo siiyaa dadka saboolka ah ama kuwa aan shaqooyinka rasmiga ah qabanin, ayna adagtahay inay wax ka helaan barnaamijyada kale ee laga faa'iideysto, ama haddii si kale loo dhigo, barnaamijyada ku xiran shaqada uu qofka heysto iyo sida ay u saameeyeen xayiraadaha.
Tusaale ahaan dalka Canada, wuxuu lacag dhan CAD 2,000 (£1,150; $1,400) bixiiba siinayaa dadka uu dakhligii soo gali jiray ka istaajiyay cudurka safmarka ah, kuwaasoo gargaarkaas uu u soconayo muddo afar bilood ah.
Laakiin dalka Costa Rica wuxuu lacag dhan $220 (£177) siinayaa dadka shaqooyinkooda ku waayay cudurka awgiis.
Mareykanka iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Aasiya barnaamijkooda intaas way kasii ballaariyeen.
Liiska dalalka lacagaha caddaanka ah siiya shacabkooda waxaa ugu horreeya:
Hong Kong, oo qofkiiba siisa £985
Mareykanka: £964
Japan: £752
Kuuriyada Koonfureed: £659
Singapore: £340