Damaashaadka guushii lagu jebiyey dagaalkii labaad ee dunida

Markii Jarmalku is dhiibay ee lagaga adkaaday Dagaalkii Labaad ee Dunida, 7 May 1945, ayaa Ra'isal Wasaare Winston Churchill wuxu maalinkii ku xigtay ku dhawaaqay in ay tahay maalin fasax ah oo oo loo asteeyey Maalinta Guusha Yurub.

Qiyaastii lix sano ka dib dagaalku markuu bilaabmay, ayaa shacabku dariiqyada isugu soo baxeen iyagoo damaashaadaya.

Qoob ka ciyaar, muusig iyo fantasiyeyaal ka socday dariiqyada ayaa dalkoo dhan ka dhacay, dad badan ayaana ku labisnaa midadba casaanka, caddaanka iyo buluugga ah ee ah midabada calanka Ingiriiska.

Dad badan ayaa iskugu soo baxay qasriga Buckingham oo Churchil berandihiisa kore la soo istaagay Boqor George VI iyo qoyska reer boqor oo ay ku jirto Amiirad Elizabeth oo 19 jir ah, oo markii dambe noqotay boqorada Ingiriiska, waxaanay tidhi "waa mid ka mid ah habeenadii ugu mudnaa noloshayda"

Kaniisadda weyn ee St Paul waxa laqu qabtay 10 jameeco oo waxa ka qayb galay kumanaan qof.

Habeenimadiina dadku waxay oogeen dab, intii dagaalku socday mamnuuc ahaa.

Laakiin maalinga Guusha Yurub, may ahayn dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunid maadama oo dagaalku weli ka socday goboka Asia-Pacific.

Churchill wuxu yidhi: "Muddo kooban aynu damaashaadno oo faraxno laakiin yeynaan iloobin marnaba dedaalka iyo hawsha ina hortaal culayskeeda."

Maalintii Japan laga guulaystay waxay noqontay 15 Ogost 1945, markii Maraykanku ku riday Hiroshima iyo Nagasaki bamkii nukliyeerka ahaa.

Maalinta Yurub iyo Maalinta Japan waxay u ahaayeen isbahaysigii guul weyn laakiin dadkii dagaalkaa ka soo doogay noloshooda isbedel abidkood ah ayaa ku dhacay, maamaada oo malaayiin qof ehelkoodii ku waayeen.

Shacabka Ingiriiskana waxa horyaallay in ay dalkooda dib u dhisaan, oo waxa dadka loo qaybin jiray cunto caawimo ah ilaa 1954 kii.