Boolis raadinaya nin masas badan barkin dhex geliyay

Waxaa wali socda howlgal lagu raadinayo qof bishii February meel uga tagay 29 mas, laakiin waa arrin ay ilaa hadda la yaaban yihiin dadka oo dhan.

Masaska oo harqadda barkinta lasoo galiyay ayaa la dareemay iyagoo dhaqdhaqaaq sameynaya.

Maqribnimadii maalintii ka horreysay munaasabadda Valentine's Day (maalinta jacaylka), shaqaalaha dabdamiska ee magaalada Sunderland, oo ku taalla Waqooyiga-Bari ee England, ayaa loo yeeray si ay dhacdadaas qeyrul-caadiga ah ula tacaalaan.

Goobtu waxay ahayd meel loogu talagalay in qashinka lagu rido oo ku taalla xarunta dab damiska gadaasheeda. Masaska ayaa ah nooc qiimo badan ku fadhiya.

Mid ka mid ah saraakiishii dab damiska ayaa gurigiisa geeyay masaska oo maalintii ugu horreysay la helay 13 ka mid ah, si ay qandac u helaan.

Maalintii xigtay ee 14-kii February, waxaa la arkay mid ka mid ah masaskii oo aan nooleyn, laakiin tii kale xaaladdooda way fiicneyd.

Halkaas markey xaaladdu mareyso ayaa loo yeeray Trevor Walker. In kastoo uu ka shaqeeyo magaalada ku dhow Sunderland ee Newcastle, haddana wuxuu ka mid yahay dadka khubarada ah ee ku xeel dheer dabeecadaha masaska.

"Waxaa la igu wareejiyay 12 sanduuq oo midkiiba uu hal mas ku jiro, waxaana galiyay qeybta dambe ee gaariga, si ay diirrimaad u helaan," ayuu yiri.

"Xaaskeyga uma aanan sheegin ilaa aah gaarnay meel kalabar u jirta gurigeenna. Uma maleynayo inay ku faraxsanaan lahayd haddii ay ogaan lahayd."

Kaddib markii uu xarunta masaska lagu xannaaneeyo geeyay, Walker wuxuu ku mashquulay arrimaha qoyskiisa.

Hase ahaatee maalintii ku xigtay, isagoo telefoonkiisa eegaya ayuu arkay war kale oo ku saabsan qeylo qaan la xiriirta masas.

Harqado kale oo ay masas ka buuxaan ayaa looga tagay isla meeshii masaskii hore la dhigay.

Markan waxay ahaayeen 16 mas oo ku kala jiray labo harqadood.

"Qof walba oo caadi ah wuu ka argagaxay aragtidooda," ayuu yiri Alec Wood oo ka tirsan shirkad xannaaneysa xayawaanka xamaaratada ah.

Wuxuu dhaleeceyn u jeediyay dadka masaska xannaaneysta ee iska soo qubay xayawaankaas, dadka kalena ku cabsi qaliyay.

"Waa ficil wuxuushnimo ah, mana jiro qof naga mid ah oo raalli ka ah in xayawaannada sidaas loola dhaqmo," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Labada jeer ee masaska la helay ayaa soo jiidatay indhaha shacabka iyo warbaahinta, waxaana aad loola yaabay sababta arrintaas ka dambeysa.

Waxaa kale oo lala sii fajacay waxay ahayd in masaska lagu soo aaddiyay hal maalin oo ka horreysay maalinta jacaylka iyo maalintii ka dambeysay.

Inkastoo kiyaastii 400,000 oo mas guryaha lagu xannaaneysto guud ahaan qeybaha kala duwan ee UK, kharash yar kuma baxo in qofku uu jabiso ama mas keensado guriga.

Hay'adda qaabilsan xannaanada xayawaanka xamaaratada ah ee magaceeda loo soo gaabiyo RSPCA ayaa shacabka kula talisay in masaska halkiiba meel gaar ah lagu hayo, qalabka loogu talagalay ee la dhex galiyana ay ahaadaan kuwo ku filan oo aan ciriiri ku ahayn.

"Lacag badan ayey u baahan tahay in masaska mid walba hal meel oo gaar ah la dajiyo, taasina kuma suurtagali karto guryaha aan barxadda kahayn," ayuu yiri Walker.

Waxay khubarada masaska xannaaneeya aaminsan yihiin in dhacdadan aysan ku saabsaneyn qof masas uu lahaa nacay oo iska soo tuuray, balse ay ujeeddo kale meesha ku jirto, taasoo aan la garaneynin.

"Haddii uu isbaddalay go'aankaagii ahaa inaan masas guriga ku dhaqaaleysato, waxaa laga yaabaa inaadan waqti u helin sidii aad isaga fogeyn lahayd masaska sidaas u faraha badan", ayuu yiri Alec Wood.

Chris Newman, oo ka tirsan laanta qaran ee xayawaanka xamaaratada ah ayaa isagana qaba fikirka sheegaya in masaska la dayacay ay ka dambeyso ujeeddo layaab leh.

Sida uu sheegay Walker, ilaa hadda wax garab ah lama weydiisanin booliska.