Sawirka xero qaxooti oo ku guuleystay abaalmarin tartanka sawirada cuntada

K M Asad ayaa ku guuleystay sawir qaadaha sannadka 2020 ee tartanka sawirada cunooyiinka ka db markii ay sawir ka soo qaaday carur saf ugu jirta cunna qeybin xero qaxooti oo ku taalla Bangladesh islamarkana ay ku jiraan qaxootiga reer Rohingya.

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa ku nool xeradan qaxootiga, taasi oo dhawaan xayiraad lagu soo rogay ka dib markii uu caalamka ka dilaacay Coronavirus.

"Sawiradan qalbiga taabanaya ayaa ka hadlaya xilligan aan ku guda jirno," waxaa sidaasi sheegtay Caroline Kenyon oo ah gabadha asaastay abaalmarintan.

"Caalamka waxaa fara ba'an ku haya cudurka Covid-19 - islamarkana waxaa istaagay noolashii caadiga ahayd wax kasta oo ay ahaataba.

"Caruurta qaxootiga Rohingya ayaa ina xusuusinaya sida ay nolasha u tahay mid liiceysa iyo baahida aan u qabno cunadda si aan u noolaano, dhamaanteenna waan simanahay," ayay tiri Caroline Kenyon.

Ka dib markii ay garsoorayaasha eegeen 9,000 oo tartamayaal oo ka soo kala jeeda 70 dal, waxaa dadka guuleystay loogu dhawaaqay qaab online ah.

Waa kuwan qaar ka mid ah qeybihii tartanka ku guuleystay, iyo qaar ka mid ah sawirad qaadayaasha iyo sawirada ay qaadeen.

Dib u soo celinta dalagga beeraha: Waa sawir xilli Subax ah laga qaaday Myanmar, waxaa qaaday Zay Yar Lin

Dadka wax ka qora cunnooyiinka: Qaraha oo lagu oon baxo, waxaa Sawirka qaaday Aimee Twigger, oo UK ku sugan

Cunnada qoyska: Wiil yar oo cunaya malawax, waxaa sawirkan qaaday Anna Włodarczyk oo ku sugan Poland

Waxaa Sawirkan qaaday Xiaodong Sun, oo Shiinaha ku sugan

Xardhidda cunnooyiinka: Waxaa Sawirkan qaaday Nicole Herft, oo UK ku sugan

Waxaa sawirkan qaaday Sandy Wood, oo UK ku sugan

Dad goob ku cibaadeysanaya oo cunno qeybsanaya: waxaa qaaday Sangjun Lee, oo Hindiya ku sugan

Waxaa sawirkan qaaday Liam Desbois, oo UK ku sugan

Waxaa Sawirkan qaaday Scarlett Blanch, oo UK ku sugan.

Waxaa Sawirkan qaaday Thomas Alexander, oo ku sugan dalka UK

Waxaa sawirkan qaaday Azim Khan Ronnie, oo Bangladesh ku sugan

Waxaa Sawirkan qaaday Kai Stiepel, oo Jarmalka ku sugan

Waxaa Sawirkan qaaday Diana Kowalczyk, oo ku sugan dalka Poland