You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Al-Shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay Xalane
Ururka Al-Shabaab ayaa hoobiyeyaal ku garaacay xerad weyn ee Xalane ee ku taal duleedka madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wararka ka imanaya Xamar ayaa tibaaxaya in hoobiyeyaal lagu duqeeyey xerada Xalane ee fadhiinka u ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo xafiisyada Qaramada Midoobay iyo safaaradaha wadamada reer Galbeedka qaarkood.
Ururka Al-Shabaab ayaa weerarkaa ku qaaday xerada, warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in hoobiyeyaashaa qaarkood oo ku dhacay hareeraha xeradaas ay ku dhinteen afar qof oo isku qoys ah.
Waa warbixin degdeg ah oo hadda uun na soo gaadhay, wixii faafaahin dheeraad ah ee ka soo korodhana goor dhawr naga fisha.