Sidee Bedqab loogu soomi karaa inta lagu jiro Coronavirus

Xigashada Sawirka, Getty Images
Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool dunida ayay bilow u tahay bisha Soon sanadkaan iyadoo ay jiraan xayiraado lagu xakameeynayo faafitaanka Coronavirus.
Sanad kasta dad badan oo Muslimiin ah ayaa Sooma bisha barakeysan ee Ramadaan subaxa hore illaa fiidkii bisha oo dhan oo tirsigeedu noqon karo 29 amba 30 maalmood taasi oo ah rugni ka mid ah tiirarka islaamka isla markaana ay Muslimiintu ku wajahaan tukashada Saaladaha taraawiixda ah iyo Qur'aan aqris badan.
Bishaan oo ah bishii Qur'aanka lagu soo dejiyay Nabigeena Muxamed NNKH ,ayaa ah bil dadku ay aad u cibaadeystaan isla markaana ay mashquul yihiin masaajidda dunida oo dhan.
Hasa yeeshee sanadkaan waxaa muuqata isbadel weyn oo uu sababay xanuunka dunida gilgiley ee coronavirus,taas oo muslimiin badan ku qasabtay inay guryaha ku tukadaan salaadaha.
Soonku waxaa uu waajib ku yahay dadka Muslimiinta ah ee awooda isla markaana gaaray da'da qaan gaarka.
Sidoo kale caqabadaha iyo culeysyada ka dhashay xayiraadaha iyo bandowyada lagu soo rogay magaalooyin badan oo caalamka ku yaala waxaa ka mid ah in bulsho badan oo dadka wax haysta ka heli jiray gacan qabasho iyo caawin aaney hadda suurta gal aheyn maadama aan la isku imaan karin oo aan meel lagu wada afuri karin sababa la xiriira cabsida faafitaanka coronavirus.
Balse waxaa jiro waxyaabo mudan in la tix galiyo marka la soomayo waqtiga lagu jiro la talaacaalidda xanuunka faafa ee Covid,19.
Dadka Soonka afuri kara xiliga lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa ay u qaybsamaan labo qaybood oo kala ah dad fidyo/cunto bixinaya maalin walba inta lagu gudo jira bisha iyo dad afuri kara oo qalle laga rabo.
Qaybta kowaad dadka afuri kara ee qallaha laga rabo waxaa ka mid ah .
- Hooyada uurka leh
- Haweenayda ilmaha nuujineysa
- Ruuxa xanuusan ee rajada laga qabo in uu caafimaado.
- iyo qofka safar dartii u afuray.
Qaybta labaad ee dadka afuri kara lagana rabo in ay raashin bixiyaan ama fidyo.
- Waxaa ka mid ah dadka qaba xanuun aan rajo laga qabin in uu ruuxu ka caafimaado.
- Qofka da'da ah ee awoodu u sahli wayday in uu soomo.
- Dadkaas waxaa ay bixinayaan fidyo ama raashin maalin kasta oo soon ah .

Xigashada Sawirka, Scott Peterson
Dhanka Dr Jenna Maccioch ayaa dadka u jeedineysa talooyin ay u aragto in ay muhiim yihiin taas oo ah in qofku uu hubiyo isticmaalka waxyaabaha kordhiya difaaca jirka ee laga helo khudaarta inta lagu gudo jiro saacadaha Soonka .
- Nafaqooyinka sida carbohydrates, burutiinka iyo wxayaabaha dufanka leh
- Fitamiinada sida Fitamiin C iyo iron-ka
Waxaana la xoojinayaa fikirka ah in la cuno cuntooyinka kala duwan oo ay ku jiraan khudaar leh midabyo badan sida Miraha iyo digirta.
Marka uusan qofku wax cunin waxna cabbin saacado badan waxaa arrintaas saameyn ku yeelaneysaa hab-dhiska difaaca jirkiisa waxaana taa qofka ka caawin kara in qofku isku dheeli tiro tamarta jirkiisa sida ay sheegtay Dr Macciochi.
Balse qaybaha kale ee caafimaadka jirka ayaa iyana muhiim ah in laga fikiro laguna dadaalo oo ah in qofku uu helo hurdo ku filan iyo Jimicsi taas oo qofka ka caawin karta in hab-dhiska difaaca jirkiisu uu noqdo sidii loo baahnaa.



Xigashada Sawirka, Getty Images
Khataraha kale ee Coronavirus waxyaabaha looga gaashaaman karo waxaa ka mid ah dhaqida gacmaha iyo joogitaanka guryaha intii la awoodo.
Maxaa xal u ah dadka xanuusan?
Dadka qaba xanuunada kale oo uu ka mid yahay Covid-19, islamarkaana aan awoodin in ay soomaan waa ay afuri karaan sida Alle Subaaxnuhu watacaalaa uu ku sheegay kitaabkiisa Munasalka ah waxaana ay soomi karaan marka ay caafimaadaan ayna awoodaan .
Iyadoo taas lagu dabaqayo loona dhimrinayo ayaa lagula talin doonin dadka la nool xanuunada mudadad dheer sida macaanka ama sonkorowga inay soomaan maadama ay haystaan dhibaatooyin caafimaad .
Madaxda waaxda Xaruunta lagu daweeyo Macaanka/sonkorowga ee Daniel Howarth ayaa sheegay in go'aanku uu ku xiranyahay qofka, balse dadka qaar ee doonaya in ay taxadaraan isla markaana ay soomaan ay qaadan karaan waxyaabaha nafaqada leh ayna si joogta ah isaga fiirin karaan hadba halka ay dhiigoodu iyo sonkortoodu marayso .
Maxaa la gudboon Shaqaalaha caafimaadka ?
Golaha Muslimiinta dalka Britain ayaa daabacay qodobbo ay shaqaalaha caafimaadka ugu dalbanayaan inay daryeel caafimaad siiyaan bukaannada qaba Covid-19 , kana wacyi galiyaan qaladadaadka ay galayaan dadku marka ay timaado xirashada qalabka looga hortago Coronavirus .
Caafimaadka iyo soonka
Inkastoo uusan qofka helin maalintii calories ku filan taasina ay hoos u dhigi karto difaaca jirka qofka haddana saameyn toos ah kuma yeelanayso soonku difaaca jirka qofka .
Habka difaaca jirku waa mid tixane ah oo isku dhafan isla markaana ay tahay in aad isku dheeli tirto.
Jirka qofka Sooman waxaa uu sii daayaa hormoonka loo yaqaano cortisol, kaas oo ah jawaabaha xakameynta habka difaaca,waxaana in badan oo ka mid ah bulshada muslimiinta ah ay aaminsanyihiin in soonku bisha Ramadaan uu caafimaad u yahay jirka qofka .










