Coronavirus: Waxaad u baahan tahay Vitamin D

Qaybta Caafimaadka Dadweynaha ee England waxay dadka kula talineysaa inay tixgeliyaan qaadashada fitamiin D-ga inta lagu gudo jiro xilliga gu'ga iyo xagaaga maadaama bandawga coronavirus uu sii socon doono.

Caadi ahaan, qaar badan oo naga mid ah ayaa jecel inay debedda ku qaataan wakhtigooda. Sidoo kale qorraxduna waa ay saamaysaa maqaarkeenna.

Fiitamiinnada qorraxda, oo ay weheliyaan kuwo kale, waxay gacan ka geysan karaan jidhkeennu inuu ku habboon yahay ka-hortagga cudurrada iyo caabuqyada - oo muhiim ah inta lagu guda jiro safmarka Corona, si uusan qofku ugu nuglaan cudurro kale.

Maxay tahay taladu?

Dadka ku nool UK waxaa horay loogula taliyay inay ka fiirsadaan qaadashada 10 garaam maalintiiba inta lagu jiro bilaha qaboobaha (laga bilaabo Oktoobar ilaa Maarso), iyo sannadka oo dhan haddii aan wakhti badan lagu bixin bannaanka.

Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee England waxay ka walaacsan tahay in dadku ka maqnaan karaan fiitamiinkan inta lagu guda jiro faafitaanka coronavirus-ka maadaama lagu taliyey in guryaha lagu negaado.

Waxay ku talineysaa fitamiin D sanadka oo dhan haddii:

  • Badanaa aanad dibadda u bixin
  • Aad ku nooshahay guryaha daryeelka
  • ama sida caadiga aad xidhatid dhar jidhkaaga oo dhan dedaya.

Dowladaha Scotland iyo Welsh ayaa soo saaray isla talooyinkan.

Sara Stanner oo ka tirsan Hay'adda Nafaqada ee Ingiriiska ayaa tiri: "Nasiib xumo, maadaama saameynta coronavirus ay sii socoto, qaar badan oo naga mid ah way xadidan yihiin waqtiga aan ku qaadan karno dibadda. Waxay leeyihiin waqti xaddidan oo ay ka hor istaaga iftiinka qorraxda, tan micnaheedu waa inaan u baahan nahay taxaddar yar oo dheeraad ah si aan u ilaalinno heerarka fitamiin-nadeenna.

Maxaan ugu baahannahay vitamin D?

Vitamin D wuxuu muhiim u yahay lafaha, ilkaha iyo muruqyada caafimaadka qaba. La'aantiina waxay horseedi kartaa cudur lafaha ah ee loo yaqaan 'rickets' oo carruurta ku dhaca iyo xaalad la mid ah daciifnimada lafaha oo iyana loo yaqaan osteomalacia oo dadka waaweyn ku dhacda.

In kastoo aysan jirin caddeyn muujineysa in fiitamiin D-ga uu xoojinayo nidaamka difaaca jirka.

Miyaan qaadan karaa tiro fara badan?

Jawaabtu waa maya. Inkastoo fiitamiin D-ga ay aad u ammaan yihiin, qaadashada in ka badan inta lagu taliyay maalin kasta waxay noqon kartaa khatar mustaqbalka fog.

Haadii ay kula ahaato inaad qaadatid kaabayaasha VITAMIN D:

  • Carruuta jirta 1-10, waa inaysan qaadan wax ka badan 50 microgram, maalintii.
  • Dhallaanka, ka yar hal sano, waa inaysan qaadan wax ka badan 25 micogram, maalintii.
  • Dadka qaangaadhka ah, waa inaysan qaadan 100 microgram waxka badan maalintii.

Qaadashada tiro farabadan wuxuu mararka qaarkood dhakhtarku kula talin karaa bukaanada fitamiin D-goodu hooseeyo ee la xaqiijiyay.

Dadka qaar ee qaba xaalado caafimaad qaarkood, sida dhibaatooyinka kalyaha, si badbaado leh uma qaadan karaan fiitamiin D.

Miyaa uu joojin kara Coronavirus?

Maya. Ma jiro wax caddayn ah oo sheegaysa inuu yaraynayo halista ah in uu kugu dhaco ama aad u bukooto cudurka coronavirus.

Laakiin khubaradu waxay sheegayaan inuu faa'iido leedahay inta lagu jiro saameynta cudurka faafa.

Kaabista fiitamiin D-ga ayaa horumarin doonta caafimaadka dadka uu ka maqanyahay fiitamiinkaasi.

Cilmi baadhayaasha qaarkood waxay soo jeediyeen in yaraanta fiitamiin D-ga aysan la xidhiidhin haddii qof qaado coronavirus. Laakiin arrimaha kale ee khatarta ah, sida cudurrada wadnaha, waa ku badan yihiin bukaannadan sidoo kale, taasoo adkeyneysa in go'aan laga gaaro.

Laakiin cilmibaadhayaal Spanish iyo Faransiis ah ayaa baadhay in Vitamin D uu wax ka tari karo feyraska Corona.

Prof Jon Rhodes, oo ah borofaysar ku takhasusay cilmiga dawooyinka kuna nool UK, ayaa sheegay in fitamiin D-gu leeyahay astaamo lid ku ah iska caabinta isla markaana ay jiraan baadhitaanno sheegaya in ay hoos u dhigi karto jawaabta jidhka ee fayraska. Tani waxay ku habboonaan kartaa bukaanka coronavirus ee aad u jirran halkaas oo waxyeello daran ay ka dhalan karto, waaxyaha iska caabbintiisa ee daciifay.

Halkee ka iibsan karaa?

Kaabista fiitamiin D-ga waxaa si weyn looga heli karaa suuqyada waaweyn iyo farmashiyeyaasha. Waxay noqon karaan uun fitamiin D ama qayb ka mid ah kiniinka loo yaqaan 'multivitamin'.

Ha iibsan wax ka badan inta aad u baahan tahay si aad qayb uga noqoto in cid kasta ay hesho inta ay u baahan tahay, sida ay khubaradu sheegayaan

Waxyaabaha ku qoran liiska calaamadda ee Vitamin D waa D3.