Xaflad dhalasho oo Coronavirus uu murugo u beddelay

Xigashada Sawirka, Family album
Xaflad dhalasho oo 28 qof oo hal qoys ka wada tirsan ka soo qayb galeen ayaa ku soo gabgabowday murugo.
Xafladdaasi dhalashada oo looga shakisan yahay iney sabab u noqotay faafitaanka cudurka Coronavirus wuxuu galaaftay dhowr qof naftood.
Seddex qof oo walaala ah markiba cudurka ayey u geeriyoodeen halka 10 qof dadki xafladdaasi ka qaybgalay ka ka mid ahna cudurka uu soo ritay.
Laamaha caafimaadkana waxay xaqiijiyeen ugu yaraan mid ka mid ah xubnihi qoyska ee xafladda dhalshada ka qayb galay inuu qabay Covid-19.
Qorshaha Xafladda
Xafladdu waxay 13-ka March ka dhacday Itaperica da Serra, ee magaalada Sao Paulo.
Maalinta ay xafladdu dhaceysay dalka Brazil waxaa laga helay 98 kiis oo cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.
Ilaa iyo xilligaasina ma ayasan sheegin kiis dhimasha oo Coronavirus.
Magaalada Sao Paulo, oo ka mid ah magaalooyinka dunida ugu dadka badan oo ay ku nool dad ka badan 21 milyan waxaa laga helay 60 qof.
Seedex usbuuc kaddib oo ay ku beegneed 8-dda bisha April dadka cudurka laga helay ee guud ahaan dalka Brazil waxay gaareen 16,000 iyada oo 800 oo qofna ay cudurka u dhinteen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Vera Lucia Pereira wey ogeyd cudurka Coronavirus inuu soo gaaray Brazil uuna ku faafayo. Waxayna mar ku talisay in laga noqdo qabashada xafladdeeda dhalasha ee 59aad oo loo dhigayo.
"Shaki ayaan qabnay," ayey tiri mar ay BBC u warrantay, "Balse ay marki dambe go'aansatay iney xafladda dhigato."
"Xilligaasi kiisas badan oo cudurka Covid-19 kama jirin dalka Barazil" ayey tiri. Dalka Braziilna xilligaasi ma jirin wax xayiraad ah oo loo soo rogay cudurka dalkaasi ku sii faafaya.
28 qof ayaa xafladda ka qayb gashay
Vera Lucia xafladdeeda dhalashada waxaa lagu qabtay daaradda guriga ay deggan tahay iyada oo ku casuuntay 28 qof oo qoyskeeda ka wada tirsan.

Xigashada Sawirka, Family album
Dadka xafladda dhalashada Paulo Vieira lagu casuumay waxaa ka mid ahaa wiil iyo gabar la dhashay seygeeda.
Paulo, walaalkii Clovis iyo walaashii Maria waxay ku faraxsan yihiin xaflada dhalashada, iyaa oo aan ogeyn inuu Covid-19 jiro loona dhimanayo.
Maalma kaddib marki ay xafladdi dhacday, kala bar dadki ka qayb galay xafladdaasi waxaa ka soo muuqday astaamaha Covid-19 lagu garto sida Qufac, Xummad, Neefsiga oo dhiba iwm.
Dadka qaarkoodna calaamadaha horay ugama muuqan, sidaa darteed uma baahna in dhakhtar la geeyo.
'Cudurkan halista badan'
Vera Lucia seygeeda iyo laba walalahii ah waxay geeriyoodeen toddobaad gudahii oo ku beegneed horraanti bisha April.
Waxaana la xaqiijiyey seddexdaasi qof ee halka qoys ah ee dhimatay ugu yaraan mid ka mid ah uuu dhintay Covid-19.
"Hadda waan xaqiiqsannay sababta ay hooyadey u geeriyootay hooyadeey inuu yahay faayrsaka Covid-19" ayey tiri Rafaela oo ah gabar ay dhashay haweeneyda geeriyootay.
"Waxay tani muujineysaa xalista uu cudurkan leeyahay. Inkasta oo ay hooyadey ay fursad u heshay in dhakhtar qalabka uu u dhammeystiran yahay la geeyo haddana hooya waan badbaadin weynay" ayey tiri.
Maariya waxay qabtay cudurka Macaanka xaaladdeeda caafimaadna si degdeg ah ay u sii xumaatay maalmo gudahood.
Qoyska ay dadka ka geeriyoodeyn waxay ka dhuursugi hayaan natiijada kama dambeysta ah ee lagu ogaanayo waxa sababay geerida Paulo iyo Clovis.
"Dhakhtarka howsha gacanta naga siinayey wuxuu sheegay inuu hubo 99% iney dadkaasi u dhinteen Covid-19." ayey tiri Vera Lucia.
Wiilka waa uu badbaaday
Iyada iyo wiilkeedaba astaanta cudurka waa laga helay, balse labadooduba wey ka bogsadeen.
"Anigu hadda waan fiicanahay, xoogaha qufax ayaase igu dambeeya. Laakiin xaalad adag ayaan soo maray" ayey tiri.
"Waxaan ku nool nahay maalmo argagax badan".

Xigashada Sawirka, Family album
Aaaminaad la'aanta
Ugu horreyn, xubnaha qoyska ma aysan rumeysan inuu haleelay faayraska halista badan ee Coronavirus.
"Xilligaasi kiisas yar ayaa laga helay Brazil, marka waxaan islaheen cudurka idinma soo gaarin oo wuu idinka fog yahay." ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha qoyska oo cudurka ka bogsaday.
Waxayna dadkaasi sheegeen qof kasta oo xafladdaasi goob joog ka ahaa xaaladdiisa caafimaad ay u ekeed mid caadi ah, waxaanna cadeyn cidda cudurkasi noo keenay ama uu hayey oo xaflada goobjoogga u ahayd.
"Haddii xataa la ogaado qofka cudurka keenay hadda innagu waxba noo qaban meyso."
Maariya markay dhimatay kaddib, xubinka labaad ee qoyska cudurku ka haeelay ee Clovis xaaladdiisa waa ay ka sii dartay."

Xigashada Sawirka, Family album
"Seddex maalmood markay xafladdu ka soo wareegtay, aabbahay wuxuu billaabay inuu qufaco," ayuu yiri Arthur oo ah wiil uu dhalay Clovis.
"Madax xanuun iyo xummadna wuu lahaa. Sida oo kale wuxuu waayey urta iyo dhadhanka."
Si ka duwan walaashii, Clovis astaama weyn kama muuqan. Balse wuxuu dareemayey inuusan caadi ahayn.
Arthur wuxuu aabbihii isbitaalka geeyey 23-ka March, balse marki dambe guriga ayaa lagu soo celiyey.
"Xataa dhakhtarka kuma fikirin xanuunka hayo inuu yahay Coronavirus."
Qaybta daryeelka xaladda Culus
Waxyar kaddibna, Vera Lucia Pereira seygeeda Paulo waxaa la geeyey isbitaal.
Wuxuuna u muuqday caafimaad ahaan mid dadka kale ka wanaagsan. Maalin walba wuu shaqeynayey mudda badanna baayskiil ayuu wadayey in badanna wuu lugeyn jiray maadaamaa ay xaaladdisa caadi ahayd.
Paulo marki isbitaalka la dhigay, xaaladdiisa caafimaad waxaa lagu qiimeeyey mid wanaagsan waxa keli ah ee dhibayeyna wuxuu ahaa neefsiga.
"Balse laba maalmood kaddib, waxaa loo gudbiyey qaybta daryeelka xaaladda culus maadaamaa ay ay xaaladdiisu sii adkaatay" ayey tiri Vera Lucia oo xusuusaneyso maalmihi ugu dambeeyey Paulo.

Xigashada Sawirka, Family album
Labada wiil ee walaalaha ah Clovis iyo Paulo oo inta ay noolaayeen aad isugu dhawaa geeridoodana waxay noqotay isku mar.
Labaduba waxaa loo maleeynayaa inuu cudurka ay ka qaadeen isla qaybta daryeelka xaaladda culus ee isbitaalka oo ay ku sugnaayeen bukaanno cudurka qabay.
Xadidaadda Aaska
1-da bisha April, walaasheed Mariya oo iyaduna daweyn u socotay cudurka kama badbaadin oo waa ay u dhimatay maalinti xigtay.
Paulo wuxuu isna dhintay 3-da bisa April.

Xigashada Sawirka, Family album
Maria iyo Paulo waxaa la aasay iyaga bacaha ku alxaman oo ay wakaaladda caafimaadka qaranka Brazil ay ugu talagashay dadka Covid-19 u dhinta.
Qoyska qofka geeriyoodayna waxaa loo siiyaa fursad ay meydka ku macasalaameeyaan iyaga oo loo soo xirayo dharka qafilan.
Seddexda qof halka qoys ka wada dhimatay waxaa la aasay xilliyo kala duwan iyo goobo kala duwan, iyada oo ay aaska ka qayb galeen 10 qof oo keli ah.
Karantiilka
Dadki ka qaybgalay xafladdi 13-ka March waxaa weli lagu hayaa gooba gar ah oo lagu karantiilo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Cudurkani ma aha hergeb. Waa masiibo. Waa faayras halis ah oo argagax badan," ayey tiri rafaela oo hooyadeed Maariya ku weyday cudurka.
'Hadallada Bolsonaro waxaa ku jiray wax badan oo macno la'aan ahaa.'
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa si ka hor imaadsan awaamiirta kala fogaashaha bulshada ayaa marar badan badan ka hadlay, isaga oo weliba su'aal geliyey jiritaanka cudurka kuna tilmaamay 'Hargab yar'.
Vera Lucia waxay sheegtay iney aad ula yaabtay falcelinta madaxweynaha u cudurka ka bixiyey.
"Bolsonaro wuxuu ku hadlay hadalla badan oo micna la'aan ah. Waa imas'uulka dalka ugu sarreeyaa waa inuu ogaadaa mas'uuliyadda weyn ee saaran."
Waxayna sheegtay dhibka ugu weyn ee hadda haysta iney tahay ninkeeda oo ka geeriyooday iyo nin la'aanta ay noqotay.
"Hase yeeshee, noolasha wey sii soconeysaa, waxkasta oo dhaca. Waxaanna si cad u sheegayaa inaan dooneynin qof dambe oo qoyskeeyga ka mid ah inu xaalad noocaas ah."










