Ma jiraa weli xal lagu hakin karo faafidda fayraska Corona ee Afrika?

South African Police Service (SAPS) walk past shoppers queuing outside a food store during their operation in Sunnyside, Pretoria on April 7, 2020

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xayiraadda Koonfur Afrika aya ka dhigan in la xadiday tirada macaamiisha ee hal mar wada geli kara dukaamada

Laba bilood ka hor ayey ahayd xilligi kiiski ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus laga helay qaaradda Afrika. Dalka Koonfur Afrika ayaa ah dal uu cudurka sida weyn u saameeyey iyada oo dadka uu cudurka uu haleelay ay tiradoodu kor u dhaaftay 2,500.

Waddamada kale ee qaaradda Afrika uu sida weyn cudurka u saameeyeyna waxaa ka mid ah dalalka Masar iyo Algeria.

Haatanna, waxaa lagu soo warramayaa waddamada ay ka midka yihiin Cameroon, Niger, Ivery Coast iyo Guinea inuu cudurka si xowli ah uu ugu faafayo iyada oo boqollaal qof oo waddamadaasi ku nool uu cudurku haleelay.

Haddii aan qaaradda Afrika sida u cudurka ugu faafayo aan la xakameyna waxaa la sheegay iney xaaladdu ka adkaan doonto xaaladaha ka taagan Yururb iyo Mareykanka uu cudurku ku hayo.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee (WHO) waxay sheegtay waddamada qaaraddan Afrika sida ay u badan yihiin iney leeyihiin 1,000,000 ee qofba in loo hayo oo keli shan sariirood oo qofka ay xaaladdiisu adagtahay (IC) la dhigo. Taasoo aad uga yar tirada waddamada Yurub ay 1,000,000 oo qof ay u hayaan 4,000 oo sariirood.

Hay'adaha qaramada midoobayna waxay sheegeen iney weli waddamada qaaraddu ay haystaan xilli ay faafitaanka cudurka ku xakameeyaan.

Qaaradda Afrikana waxay horay ugu guuleysatay la dagaallanka cuduro dilaa ah oo qaaradda ka dillaacay oo uu ka mid yahay EBOLA.

Medical staff prepare to test another person for Covid-19 Coronavirus at a reutine testing station on day 13 of the 21 day national lockdown following President Cyril Ramaphosa declaration of a National Disaster in Johannesburg, South Africa

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Koonfur Afrka ayaa billawday olole ballaaran oo dadka lagu baaraya

Balse faayraskan oo ah mid dunida ku cusub ayaa la sheegay qaaradda Afrika in looga baahan yahay in si adag ay isugu diyaariyaan la dagaallanka cudurka.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee soo food saari doono qaaradda Afrika ayaa ah sida ay ula dagaalami karta fayriskan. Ilaa iyo hadda tallaaboyinka bandowga ee la so rogay waxay u muuqdaan in natiijooyin lagu farxa ka dhasheen.

Waxaa laga cabsi qabaa in haddii la soo rogo xayiraad habeen iyo maalin ah ay horseedi karta in dhaqaalaha qaaradda oo fadhiid noqdo.

Marka la eega kororka maalinlaha ah ee tirada kuwa laga helay cudurka 'coronavirus' adduunka oo dhan, Afrika waxay umuuqataa inay xakamaysay faafitaanka marka ilaa iyo hadda la barbardhiga tusaala ahaan Maraykanka iyo Yurub.

A trader sleeps next to items to be sold at a market following a directive from Ugandan President Yoweri Museveni that all vendors should sleep in markets for 14 days

Xigashada Sawirka, BADRU KATUMBA

Qoraalka sawirka, Ganacsatada suuqa qudaarta ee Uganda ayaa loo sheegay inay miisaskooda ag seexdaan si looga hortaga faafitaanka Corona

bb