Coronavirus: Waayaha kala duwan ee laba magaalo oo Mareykanka ku wada yaalla

State capitol, Little Rock

Xigashada Sawirka, DustyPixel

Qoraalka sawirka, Arkansas weli lqaguma soo rogin in dadka ay guryaha joogaan.

Markuu soo jiidhay magaalada New York iyo magaalooyin kale, Covid-19 haatan wuxuu soo gaadhay magaalooyinka yaryar oo uu siyaabo kala duwan ugu dhuftay. Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sida ay ula tacaalayaan laba magaalo oo yaryar oo ku kala yaal gobollada Ohio iyo Arkansas.

William Knapp oo ah madaxa gudiga caafimaadka ee deegaanka New London oo ku taal Ohio ayaa ka hadlay suurto galnimada coronavirus uu kaga dillaaci karo magaalada Hurron, mar uu shir qabtay bishii February.

Dhawr maalmood ka dib ayaa la arkay isagoo wax ku soo baxeen "qufac buu bilaabay" ayay tidhi inantiisa Sheri Gavalya. 'qufac qalalan'.

Gavalya oo ah kalkaaliso caafimaad oo 58 sano jir ah ayaa imika iyadiiba caafimaadkeeda ka welwelsan, dad badan oo ku nool New London ayaa la mid ah.

Badhasaabka gobolka Mike DeWine ayaa qudhiisu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee degmadaa ku nool ee soo saaray in guryaha aan laga bixin, waxaanu amarkaasi soconayaa illaa 1 bisha May.

Tukaamada ku yaal magaalada New London badankoodu way xidhan yihiin, waxaanay magaaladan markeeda horeba ahayd mid iska buuqa yarayd oo laga hurudda. Aamusnaanta iyo ayaa waxay uu sheegay duqa magaaladaa Toby Thamas in ay tahay "wax laga naxayo"

Gobolka Arkansas ayaa isna cudurku kala xidhay magaalooyin in kasta oo aanay u ba'nayn sida Ohio ama gobolkada kale. Arkansas 625 qof ayuu ku dhacay gobolka Arkansas oo 10 qofna u dhinteen.

Badhasaabka Arkansas ayaa go'aan ku gaadhay in aanu dadka amar ku siinin in ay guryaha joogaan.

Photo of William Knapp and Sheri Gavalya

Xigashada Sawirka, Courtesy of Knapp family

Qoraalka sawirka, William Knapp iyo Sheri Gavalya

Des Arc oo ah magaalo ku taal Arkansas oo ay ku nool yihiin 1800 oo qof ayaa haweenay xisaabiye ah oo la yidhaa Ashley Parchemen waxay ku jirtay xilli mashquul badan. Dad badan oo kale ayaa soo gudbinaya waraaqahooda cashuur celinta si ay u helaan caddaymo ay ku heli karaan taageero maaliyadeed oo dhawaan Congress-ku ansixiyey.

Waxay timid xafiiskeeda sagaalkii subaxnimo, tukaamadiina weli lama furin.

"Noloshu waa in ay socotaa" ayay tidhi " waxaan isku deyayaa in aan sidii caadiga ahayd u socdo intii karaan kayga ah."

Laba magaalo oo yaryar oo aad u kala duruufo duwan intan saf-marku gaadhay weeyaan.

In ka badan laba bilood mudadan Maryakanku ku jiray xaaladdan waxaa muhiim ah in loo fiirsado sida labadaa magaalo ee yaryar ee ku yaallo gobollo ay 30 milyan oo qof ku nool yihiin oo coronavirus soo waajahay. Noloshoodu waxay muujinaysaa duruufta guud ahaan haysta qaranka oo dhan oo waxay la wadaagaan cabsida, cudurka iyo siyaasaddaba.

Si aan sinnayn ee cudurka uu dadka ugu dhacayo

Meesha ugu ba'an ee Covid-19 ku dhacay waa New York, Detriot iyo magaalooyinka waaweyn ee kale. Laakiin magaalooyinka yaryar ee dalka oo dhan iyagana wuu gaadhay cudurku.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in cudurku faro baas ku hayo meelaha miyiga ah oo dadka ku nool badankoodu yihiin dad waayeel ah oo ka fog isbitaalada iyo goobaha caafimaadka.

Culayska cudurkani ku hayo magaalooyinka yaryar waxa saamayn ku leh arrimaha ay ka mid ka yihiin tiro yaraanta dadka ku nool sida gobollada Arkansas, South Dakota iyo Wyoming oo aan cudurku ku badnayn, halka meelaha kale sida Ohio, Michigan iyo illinio oo dadku aad ugu badan yihiin sida madaarada iyo jidadka waaweyn ay suurto gal tahay in dad badan uu cudurku ku dhaco.

Boqol sano ka hor Maraykanka cudur aan gobollada wada gaadhin baa ku dhuftay.

An ambulance in St Louis, Missouri, in 1918

Xigashada Sawirka, PhotoQuest

Qoraalka sawirka, Gaari gurmadka degdegga ah oo 1918-kii ka shaqeynayay St Louis, Missouri.

In ka badan 675,000 oo qof ayaa u dhintay hargabka Spanish, intii u dhaxaysay 1918-20 laakiin dhimashadu gobollada dalka isku mid kamay ahayd.

"Gobollada qaarkood way nasiib badnaayeen," ayuu yidhi Alex Navarro oo ka tirsan jaamacadda Michigan oo ka mid ahaa dadkii daraasadda ka sameeyey 1918. Magaalooyinka qaarkood dadku way kala fogaan jireen oo xataa derbiyo ayay isku kal xidheen laakiin qaar baa nasiib badnaa.

Sababta ay u kala duwan yihiin maanta magaalooyinka yaryar waxa weeyi in kuwa ku yaal Ohio aad moodo in cudurku kaga badan yahay kuwa Arkansas- nasiib na wuu ku jiraa. Laakiin sida dadka ku nool magaalooyinkaa yaryar u dhaqmaan ayaa iyadana qayb ka ah, siyaasadduna kama maqna.

Badhasaabyada muxaafidka ah ee Jamhuurigu gobollada ay xukumaan ee uu ka midka yahay Wyoming iyo Arkansas may soo saarin amar ah in dadku guryaha joogaan. Halka badhasaabyada Dimuqraadiga ay qaarkood soo saareen amarka noocaas ah. Badhasaabka Ohio, DeWine oo ah Jamhuuriy ayaa ka mid ahaa kuwii ugu horeeyey ee amarka soo saaray.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan kordhiyey mudada iyo talaabooyin kale oo lagaga foojignaanayo fayraska. Khuabrada caafimaadku way sheegeen in arrimahaasi ay gacan ka gaysan karaan ka hortagga cudurka.

Hase yeeshee, Trump ayaa markii hore waxba ka soo qaadi waayey halista caafimaad waxaanu sheegey in coronavirus yahay uun sida hargabka caadiga ah oo kale.

Virtual funeral for Mr Colopy

Xigashada Sawirka, Courtesy of Colopy family

Qoraalka sawirka, Aas wadareedyo ayaa lagu qabanayaa gobollada qaar

Badhasaabyada muxaafadka ah ee Arkansas, North Dakota iyo dhawr gobol oo kale ayaa hooska ka xariiqay sababta ay u soo saari waayeen amar ah in dadku guryaha joogaan. Waxaanay dadka u sheegeen in guryaha oo la joogo cudurka lagaga hortagi karo laakiin ay taasi dhaqaalaha dhaawacayso.

Natiijadii waxay noqotay laba xaqiiqo. Dadka New London ku nool iyo kuwa magaalooyinka yaryar ee Ohio ku nool ayaa ama guryaha ka shaqaynaya ama aan haba yaraatee shaqaynayn oo waxa la isku dayayaa in la joojiyo fiditaanka cudurka.

Danville, tusaale ahaan, waxaa aaskiisa oo muuqaal ah lagu baahiyey internet-ka wuxuu ahaa 82 sano jir u dhintay wadne xanuun markaa ehelkiisu umay badheedhi karayn halista ah in cudurku ku dhaco oo may tagin aaska.

Halka dhacdo kalena ay ka duawanyd arrintaas, nin ganacsade ah oo degan Des Arc oo la yidhaa William Calhoun oo ka shaqeeye dhismaha ayaa sheegay in aanu socdaalkiisu badnayn laakiin uu wakhti la qaato eydiisa. "Weli runtii nama ay saamayn"

Daraasad laga sameynayo kala duwanaanshaha

Tareennadu way ka shaqaynayaan New London, oo ah magaalo ku taal badhtamaha galbeedka oo 24 qof ku nool yihiin hareeraahan ay ka xigaan seerayaal daaq. Dabayaaqada todobaadka ayaa dadka degan magaalada waxay iskiriin ku cunayaan wada weyn ee tagta kaniisadda.

Gavalya oo ah kalkaaliso waxay mudoba ku jirtay is karantiimayn, waxay daawanaysaa sawirro hore oo aabaheed laga qaaday, qudheedana waxa haya hargab. qufacii weli kama tagein waxay tidhi, "waxaan u malaynayaa in aan inta nasiibka leh ahay".

Meel aan sidaa uga fogayn ayaa duqa magaalada, Thomas oo 68 sano jir ah iyo shaqaale kale, guryaha shaqada ka hayaan. Inta lagu jiro kala maqnaanshahaas isaga iyo xaaskiisa ayaa lugeeya iyagoo gacmaha is haysta waxaanay wataan labadooda eey ee Kiko iyo Hope waxaanu ku tilmaamay soo bixitaankoodaa "farxaddii maalinta".

Sheri Thomas walking her dogs

Xigashada Sawirka, Thomas family

Qoraalka sawirka, In ey eydeeda la socoto waa maalinteeda ugu farxadda badan sida ay sheegtay Sheri Thomas

Dhanka kale magaalada Des Arc ee Arkansas ee ku taalla koonfurta Maraykanka, gabadha xisaabiyaha ka ah waxay maalin walba tagtaa xafiiskeeda.

Dukaan qalabka dhismaha iibiya oo uu leeyahay duqa magaaladu, James Garth oo 63 sano jir ah oo sidoo kale qol maydka lagu hayo ayaa u dhow. Nin beeraley ah iyo dadka kale ee magaaladu ayaguna waxay ka wadahalyaan sidii ay u dhisi lahaayeen goob baabuurta la dhigto, isla marka xilli roobaadku dhamaado.

Presentational white space
bb
bb

Des Arc waxa loogu magac daray meel uu webiga White River ka weeco oo ah biyo mareen ay beeraha qaar ka buuxi jireen doonyo ku shaqeeya dhuxusha dhagaxdu laga sameeyo. Beeraleyda magaaladaasi waxay beeraan bariiska oo ah waxa ugu badan ee gobolkaasi soo saaro waxaanay sidoo kale ugaadhsadaan deerada iyo dabagaalaha iyo webiga oo ay ka kalluumaystaan.

Magaalada ganacsigeeda ugu badani waa bankiyada, iibinta baabuurta duuga ah iyo makhaayado oo wada furan, guuxa magaalada ka socdaana wuxuu ka duwan yahay aamusnaanta ka jirta magaalada New London ee ku taal gobolka Ohio

Illaa iyo haatan qof keli ah ayaa laga helay fayraska magaalada Des Arch sida uu sheegay duqa Garth. Qofkaana waa la karantiilay ka dibna wuu ka kacay, dadka magaalada deganina waxay ku hanweyn yiyiin sida ay magaaladoodu wax uga qabatay arrintaa ee ay u socdaan.