Coronavirus: Maxay yihiin sababaha khatarta gelinaya shaqaalaha caafimaadka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha caafimaadka waxay door muhiim ah kaga jiraan dagaalka ka dhanka xanuunka Covid-19.
Kumannaan ayaa qaaday feyraskan, halka tiro badan oo sii kordheysana ay ka muuqato in shaqaalaha caafimaadku xataa ka mid yihiin kuwa u dhintay.
Inkastoo ay jiraan, dharka loogu talagalay ee lagaga gaashaanto iyo weji gashiyo loogu talogalay in afka iyo sanka lagu xidho, haddana dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka waxay ka nugul yihiin dadka kale, iyadoo weliba ay suuregal tahay in xannuun ahaanna ka darnaadaan.
Laakiin maxay sidan ugu dhibban yihiin?
Khubarada waxay sheegayaan in tirada sii kordheysa ee feyraskaas ah ee soo gaadhi karta shaqaalaha caafimaadka ay tahay waxa ugu weyn ee qasbaya cabsida.
Ka dib, marka feyraska uu galo jidhka, wuxuu weerarayaa unugyada difaaca jidhka waxaana uu isu sii fidinayaa si iskii ah. Taas oo maalin walba uu sii fidayo, sida darteedna qofka xanuunka uu hayo wuxuu gaadhayaa heer feyras badan uu gudaha jidhkiisa ku tarmo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Badnaanta feyraska ee gudaha iigu jira, waa markasta oo aan kuu sii gudbin karo," waxaa sidaa BBC u sheegay Prof Wendy Barclay, oo ka tirsan Waaxda Xanuunnada Faafa ee Imperial College London.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaashu waxay badanaa ku dhawaadaan oo si toosa ula macaamilayaan dad qaba fayraska oo tiro badan, taas oo macnaheedu yahay waxay khatar ugu jiraan in iyana ay qaadaan.
Hal dhibbane oo qalliin ku gelayay Wuhan, Shiinaha, ayaa qaadsiiyey 14 shaqaale caafimaad ah sida laga soo xigtay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Prof Barclay ayaa sheegay: "Hab dhiska difaaca jidhka, haddii aad xataa caafimaad qabto way ku adkaanaysaa inay iska caabbiyo feyraskan corona."

Sidee fayraska Covid-19 u soo gelayaa jidhkaaga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii qofku qabo fayraska 'Covid-19 ', oo sidoo kale loo yaqaan "Sars-CoV-2), wuxuu ku noolaadaa neef-mareenka dhuunta, isagoo diyaar u ah inuu ku fido hab neefsi ama qufac ah.
"Markasta oo aan neefsanno ama aan hadalno, waxaan soo dejineynaa dhibco ka soo baxa sanka iyo cunaha oo aan hawada ku soo deyno," ayuu Barclay u sheegay barnaamijka Newsnight.
Qaar ka mid ah dhibcahan ayaa sidoo kale dhulka ku dhaca oo wasakheeya walxaha ay ku kor dhacaan. Taasina waa sababta naloogu sheegay inaan is ilaalinno oo aan gacmaheenna dhaqno.
Ma cadda tirada feyras ee qofka ka dhigi karta mid xanuunkii qaba ama uu soo ritay.


Halista ay wajahayaan dadka tooska ula tacaalaya kuwa xanuunsan
Xaqiiqatan weli ma ogin sida dhabta ee fayraskan uu ugu gudbo shaqaalaha caafimaadka ee jooga goobaha lagula tacaalayo.
Laakiin xogta xanuunkii SARS, ee sannaddadii 2002 iyo 2003 waxay sheegaysaa in 21% dadka sii fidiyey ay ahaayeen shaqaale cafimaad, sida laga soo xigtay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO)
Sidoo kale xog la mid ayaa laga diwaangeliyey kuwa maamulaya bukaanka feyraskan Covid-19 qaba.
Dalka Taliyaaniga, in ka badan 6,200 oo ahaa kuwii qaaday xanuunkan waxay ahaayeen shaqaalaha caafimaadka.
Dalka Spain, waxaa lagu qiyaasaa 6,500 xirfadlayaasha caafimaad ee qaaday fayraska corona.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bilowgii bishii March waxaa lagu qiyaasay dadka Shiinaha ee shaqaale caafimaad ah ee qaaday in ay ahaayeen 3,300.
Taas oo ka dhigan ku dhawaad 4-12% boqolkiiba, kiisaska la xaqiijiyey ay ahaayeen shaqaale caafimaad.
Mid ka mida saraakiisha caafimaadka ee Britain ayaa BBC-da u sheegay in boqolkiiba konton shaqaalaha caafimaadka ay yihiin kuwa yara xanuusan.
Difaacooda oo jilican.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalka Faransiiska, dhakhaatiirta ayaa tallaabo sharci ah ka qaadaya dowlada waxayna sheegeen in ka careysan yihiin in aysan helin qalabka difaaca jirka ee la xirto marka ay dhaqaatiirta la tacaalayaan kuwa qaba coronavirus.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Zimbabwe ayaa bilaabay iyana shaqo-joojin iyaga oo ka cabanaya maqnaanshaha qalabka PPE maaddaama waddanku uu bilaabayo bandow saddex toddobaad ah oo ah isku da lagu joojinayo faafitaanka feyraska.
Gudaha Boqortooyada UK, Neil Dickson, oo ah madaxa fulinta ee hay'adda Britain u qaabilsan shaqaalaha daryeelka caafimaadka, ayaa sheegay in la'aanta qalabka badbaadada ay curyaamisay kalsoonidii dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka.
In kasta oo dawladda Britaib ay biloowday adeegsiga ciidanka si ay ugu qaybiso malaayiin maaskarka wejiga ah shaqaalaha caafimaadka, "waxay qaadaneysaa waqti in la dhiso oo la soo celiyo dareenkaas", Dickson ayaa aaminsan sidaasi.
Dhibaatada kale ayaa ah soo saarista alaabadan guud ahaan Aasiya iyo Shiinaha. Shiinahana, hubinta iyo gaadhsiinta bixintiisu waxay noqon doontaa caqabad weyn."











