Maxaa kala heysta coronavirus iyo xabsiyada Soomaalida?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxaabiis badan ayaa caalamka looga sii daayay coronavirus awgiis

Tan iyo markii uu sii fiday fayraska Corona waxaa cabsi laga muujiyey in xanuunkaasi ku baahi karo meelaha dadka isugu yimaaddaan, ama ay dad badan ku kulansan yihiin.

Arrintan ayaa keentay in la fasaxo waxbarashadii isla mar ahaantaana dadka looga digo tegidda meelaha lagu badan yahay.

Waxaa se weli meelo badan oo dunida ah cabsi gaara laga muujiyey xabsiyada ay ku jiraan kumannaanka qof ee aan haysan dhul ay ku kala fogaadaan.

Mac-hadka Horizon oo ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa si ay arrintaas ugu baraarujiyaan madaxda Jamhuuriyadda iskeed madaxbananida ugu dhawaaqday ee Somaliland ugu baaqay madaxweyne Muuse Biixi in la cafiyo maxaabiista qaarkood.

Gudoomiyaha mac-hadkaasi, Idris Cabdi Maxamed oo BBC u warramay ayaa waxa uu sheegay in madaxda Soomaliland ay ugu baaqayaan in maxaabiista dambiyada yaryar u xiran la siidaayo.

"Baaqa nuxurkiisu waxaa uu ahaa in aan madaxwaynaha iyo cidda kale ee ay khusayso ugu baaqno si looga taxadaro cudurkan iyo xaaladda maxaabiista ku jirta xabsiyada Somaliland in ay qaadaan masuuliyiintaasi madaxwaynuhu ka mid yahay tallaabo degdeg ah si looga hortago loona yareeyo khatarta uu caabuqani ku yeelan karo maxaabiista," ayuu yiri Idris.

.

Xigashada Sawirka, ABDIRAZAK HUSSEIN FARAH

Qoraalka sawirka, Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka laga soo tabiyay kiisaska coronavirus

Gudoomiyaha mac-hadkaasi, Idris Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale ka digay in haddii caabuqa Corona uu gaaro xabsiyada uu si wayn u faafi doono.

"Haddii uu xanuunsado qof ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiyada iyo saldhigyada Somaliland wuxuu saameyn doonaa dhammaan saraakisha booliiska iyo ciidanka Asluubta iyo dadka kale ee ehelada ee so booqanaya maxaabiista", ayuu intaa ku daray.

Idiris ayaa xusay in madaxwaynaha uu sharciga u fasaxayo in uu cafis u fidiyo maxaabiista dambiyada yaryar u xiran ama uu xitaa sameeyo waxa loo yaqaano siideyn kumeel gaar ah.

"Madaxwaynaha waxuu awood u leeyahay in uu cafiyo maxaabiista dambiyada fudud, waxaa kale oo maxaabiista lagu siidayn karaa damaanad", ayuu yiri.

Dhanka kale xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaddiday galitaankiisa islamarkana waxaa la soo rogay tallaabooyiin lagu xakamaynayo cudurka Coronavirus.

Taliyaha ciidamada Asluubta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada xabsiga qaarkood ay hakiyeen.

"Waxaan joojinnay booqashada, askarta xitaa marka ay galayso waa la baarayaa, nin aanan la baarin iskama galayo xabsiga", ayuu yiri Janaraal Mahad.

.

Dhanka Puntland, waxaa xabsiyada laga mamnuucay in la soo booqdo si cudurka looga hortago.

Saraakiisha ciidamada asluubta Puntland ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen in sidoo kale aysan jiri doonin maxaabiis cusub oo xabsiyada la gayn doono.

Qaar ka mid ah dalalka uu sida ba'an u saameeyay caabuqa Corona ayaa waxay xabsiyada ka siidaayeen kumannaan ka mid ah maxaabiista xabsiyada ku jiray.

Waxaa dalalkaasi ka mid ah Iraan oo xabsiyada dalkaasi laga sidaayay maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000.

Maxaabiistan ayaa si kumeelgaar ah xabsiyada looga siidaayay sida dowladda Iiraan ay sheegtay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda xabsiga ka sii deysay maxaabiis gaaraysa 4,000 si loo yareeyo saxmadda iyo ciriiriga xabsiyada dalkaasi loogana hortago faafidda caabuqa Corona.

Dalka Mareykanka xeer ilaaliyaha guud ayaa waxaa uu ku taliyay in si kumeelgaar ah xabsiyada looga siidaayo maxaabiista u nugul cudurka Corona.

Wasiirka caddaaladda ee Britain ayaa dhankiisa carrabka ku dhuftay qorsha ku aaddan in xabsiyada laga siidaayo qaar ka mid ah maxaabiista.

bb
bb