Coronavirus: Ilaa goorma ayey suurtagal tahay in laga xoroobo fayraska?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay u badan tahay qof walba wuxuu isweydiinayaa goorta ay joogsan doonto cabsida coronavirus iyo saameyntiisa faraha ba'an ku heysa dunida.
Dad badan ayaa ka fikiraya goorta laga baxayo xayiraadda iyo is ilaalinta ama gabi ahaanba la hilmaami doono argagaxa uu abuuray cudurkan.
Waqtixaadirkan ma kala cadda ilaa inta ay sii jiri doonto saameynta cudurkan - ama ilaa mudadada dadka looga baahan yahay inay kala fogaadaan, laakiin khubarada caafimaadka ayaa fikrado badan qaba.
Barfasoor Ooi Eng Eong, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cudurrada faafa, kana tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa sheegay inuu "rajo badan qabo" maadaama hadda ay muddo 3 isbuuc gudahood ah ku yaraatay tirada dadka uu cudurkan kusoo ridanayo gobolkii uu ka billowday ee Hubei, oo ku yaalla dalka Shiinaha.
Hase ahaatee dowladda Shiinaha ayaa dadaal badan u gashay xakameynta caabuqan, iyadoo xayiraado adag kusoo rogtay gobolkaas iyo qeybaha kale ee dalkeedaba.
Baaritaanno adag ayaa si joogto ah loogu sameeyaa dadka, qof walba oo laga shakiyana waxaa loo diraa karantiil.
Laakiin meelaha qaar oo baaritaankooda uu dabacsan yahay ayaa la filayaa inay waqti intaas ka dheer qaataan.
Barfasoor Benjamin Cowling, oo ah aqoonyahan ku tahkasusay cudurrada safmarka ah, kana tirsan Jaamacadda Hong Kong, ayaa yiri: "Runtii ma nasan doonno ilaa cudurkan loo helo tallaal" - taasina waay qaadan kartaa 18 bilood ama labo sano.
Xitaa marka ay dhammaadaan xayiraadaha, wali waxaa jireysa halis ku aaddan in "mowjad kale" oo caabuqa ah ay dib u billaabato, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Xayiraadaha muddada dheer socda ayaa runtii dhaawacaya dhaqaalaha dalal badan, halkan cudurkan safmarka ahna uu waxyeello ba'an u geysanayo caafimaadka dadweynaha.
Maxay tahay saameynta uu cudurkan ku yeelan karo dadka dhalinyarada ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Seynisyahannada caafimaadka ayaa caddeeyay in qof walba qofka uu ka yaryahay uu uga halis yaryahay saameynta iyo calaamadaha coronavirus.
Laakiin taasi micnaheedu ma aha in cudurkan uu ka weecanayo dadka da'da yar.
"Dad badan oo dhalinyaro ah ayaa caabuqan awgiis u galay qeybaha bukaannada xaaladdooda liidato la dhigo ee isbitaallada," ayuu yiri Barfasoor Chris Whitty, oo ah la taliye sare oo ka tirsan mas'uuliyiinta caafimaadka ee UK.
Dalka Mareykanka, daraasad laga sameeyay 2,500 oo ah kiisaskii ugu horreeyay ee caabuqa ah ayaa muujisay in dadka da'da ah ay u badnaayeen in markii isbitaalka la dhigo ay u dhintaan xanuunka Covid-19, laakiin 38% dadkii isbitaallada la dhigay waxay da'dooda u dhaxeysay 20 ilaa 54 sano.
Dadka dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay u adkeysi badan yihiin caabuqan, laakiin uu ugu dhacayo si la mid ah sida dadka waayeelka ah.










