War cusub oo kasoo yeeray xaaladda tababaraha Arsenal ee uu ku dhacay Corona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay "inuu hadda soo roonaanayo", kaddib markii laga helay Caabuqa Corona.
Kooxda Gunners ayaa albaabbada isugu dhufatay garoonka tababarka, halka shaqaalahii xiriirka la sameeyay Arteta ay si iskood ah isu karantiileen.
"Waad ku mahadsan tihiin erayadiinna iyo taageeradiinna," ayuu yiri tababaraha 37 jirka ah ee reer Spain, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
"Dhammaanteen waxaan wajaheynaa caqabad weyn oo lama filaan ah.
"Hadda waxa la daneynayo waa caafimaadka qof walba. Is ilaaliya idinkoo raacaya talooyinka", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
"Arrintan waxaan uga gudbi doonnaa si wadajir ah", ayuu yiri Arteta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caabuqa Corona ayaa si weyn ugu sii fidaya caalamka, iyadoo dalalka Yurub qaarkood ay yihiin kuwa ugu daran ee uu saameeyay.
Aroornimadii hore ee Jimcada maanta ah, weeraryahanka kooxda Chelsea, Callum Hudson-Odoi, ayaa qirtay in ay saameynta cudurkaas gaartay.
Kooxda Everton ee isla horyaalka Ingiriiska ayaa iyana sheegtay in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda joogtada ah lagu arkay calaamadaha.
Horaantii isbuucan, dhowr kooxood - oo ay ka mid yihiin Arsenal, Chelsea, Leicester City, Bournemouth, Manchester City, Juventus iyo Real Madrid - ayaa shaaciyay in ciyaartoydooda oo dhan ama qaarkood iyo maamulkaba ay ku jiraan karantiil iskood ah.
Dhammaan tartamada Kubadda Cagta ee dalka Igiriiska iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub ayaa la haliyay, sababo la xiriira cabsida Caabuqa Corona ee fidaya.
Tarmada ugu caansan ee hakadka la galiyay waxaa ka mid ah horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League-ga, kaasoo balaayiin qof ay ka daawadaan caalamka daafihiisa kala duwan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sidoo kale waxaa la wada baajiyay kulamadii tartamada EFL-ka, FA-da Haweenka iyo sidoo kale Championship-ka Haweenka ee dalka Ingiriiska.
Marka ugu horreysa ee ay suurtagalka tahay in ciyaarahan qaarkood dib loo billaabo waa 3-da bisha April.
Hakadka la galiyay ciyaaraha dalka Ingiriiska ayaa yimid hal maalin kaddib markii la joojiyay qeybo badan oo ka mid ah tartamadii dhinaca ciyaaraha ee aaduunka.
- Xiriirka Kubadda Cagra Qaaradda Yurub ee Uefa ayaa hakiyay kulamadii tartanka Champions League-ga ee isbuuca dambe dhici lahaa.
- Waxaa la baajiyay kulamadii tijaabada ciyaarta cricket-ka ee England uga dhici lahaa Sri Lanka.
- Horyaalka ciyaartoyda Golf-ka ee Florida ayaa sidoo kale la joojiyay hal wareeg kaddib.
- Xiriirka Kubadda Cagta ee Faransiiska ayaa hakiyay kulamadii labada tartan ee League 1 iyo League 2, oo ah kuwa ugu waaweyn dalkaas.
- Xiriirka ciyaaraha Rugby-ga ee Faransiiska ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan kulamadii loo ballansanaa, ilaa amar dambe.
- Tartanka Formula E is ayaa la hakiyay muddo 2 bilood ah, waxayna tallaabadaas saameyneysaa tartamo ka dhici lahaa magaalooyinka Paris, Seoul iyo Jakarta.










