Cudurka Coronavirus ma mid duurjoogta loo soo diray baa?

Dried snakes at a traditional Chinese market

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saynisyahannada ayaa tuhunsan in ay u badan tahay in cudurka coronavirus uu ka soo faracmay suuq lagu iibiyo kalluunka oo ku yaal magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, cudurkaasi oo ilaa hadda galaaftey nolasha 259 qof.

Suuqani ayaa caan ku ahaa ganacsiga sharci darrada ahi ee duurjoogta sida masaska iyo kashiitada qafis ku jiro oo loo iibsado cunno ahaan ama dawo ahaan, ka hor inta aan gobolkaasi oo dhan la karantiilin.

Shiinaha ayaa ah dalka ugu weyn adduunka ee aad looga cuno xayawaanka duurjoogta ahi, sharci iyo sharci darroba.

Mamnuucid ku meel gaar ah

Saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegaya in ay u badan tahay in cudurkani uu ka dhashay fiidmeerta.

Balse waxay u rumeysan yihiin in fayraska dhaliya cudurkaasi uu ku dhacay xayawaan kale oo aan wali la aqoonsan midka uu yahay, ka hor inta uusan bani'aadamka ku faafin.

Dadka dalkaasi Shiinaha ayaa dhaqan ahaan aad u isticmaala hilibka duurjoogta. Xayawaanaadka qaar ayaa cunno ahaan loo cunaa, halka qaar kalena loo cuno dawo dhaqameed ahaan.

Makhaayadaha ku yaal dhowr gobol oo Shiinaha ah ayaa waxaa lagu yaqaan in ay iibiyaan waxyaabaha sida maraqa fiidmeerta oo mararka qaar ayba ku jirto fiidmeer isqabto, maraq laga sameeyay qooraha shabeelka ama xitaa xayawaanaad kale oo dalkaasi laga cuno.

Sidoo kale waxaa halkaasi laga helaa masas la shiilay, khamri laga sameeyay dhuuxa shabeelka.

Suuqyada lagu iibiyo hilibka xayawaanaadka duurjoogta ahi ee ku yaal xaafadaha isku raranta ahi ayaa waxaa ka mid ah jiirka, bisadaha, masaska iyo noocyo badan oo shimbiro ah oo ay ku jiraan kuwo xitaa si dabar go'aya.

A vendor sells three peacocks at a wildlife animals market in Guangzhou, China

Xigashada Sawirka, LIU JIN

Hilibka duurjoogta iyo waxyaabaha kale ee la xiriiri ayaa sidoo kale loo isticmaalaa dawooyin badan oo caan ka ah dalka Shiinaha, waxaana dawooyinkan ay dadku rumeysan yihiin in ay dawo u yihiin cudurro iyo xanuunno kala duwan, sida madhaleysnimada iyo tufta.

Halista dabar go'a

Xayawaanaadka qaar ee dadka Shiinaha ay dawo ahaanta u isticmaalaan ayaa hadda dalkaasi ka sii dabar go'aya. Tusaale ahaan, geesaha wiyisha oo dhaqan ahaan Shiinaha dawo muhiim ah loo arko ayaa halis weyn ku ah jiritaanka wiyisha.

Waxyaabahani oo dhan ayaa dhacaya iyadoo la rumeysan yahay in inkabadan 70% caabuqyada haatan soo ifbaxaya ee bini'aadamka haleelaya ay ka yimaadaan xayawaanka, gaar ahaanna duurjoogta.

Faafidda caabuqani Coronavirus ayaa tooska ku ifinaya Shiinaha oo aad looga ganacsado oonta duurjoogta, waxaana horey aad arrintaasi uga soo horjeeday kooxaha u dhaqdhaqaaqa badbaadinta duurjoogta oo ku doodayay in halis la gelinayo xayawaanaad abdan oo u muuqda in dunida laga cirib tirayo.

Ka dib markii uu dillaacay xanuunkan ugu dambeeyay ayaa mas'uuliyiinta dalkaasi Shiinaha waxay xayiraad ku meel gaar ah ku soo rogeen ka ganacsiga duurjoogta si ay ula dagaallamaan faafitaanka cudurkan.

Haseyeeshee kooxaha u dhaqdhaqaaqa badbaadinta iyo ilaalada duurjoogta ayaa fursadan u adeegsanaya in ay dalbadaan in xayiraad toos ah lagu soo rogo ka ganacsiga duurjoogta.

Officials seize civet cats in Xinyuan wildlife market in Guangzhou to prevent the spread of the SARS disease

Xigashada Sawirka, South China Morning Post

Dadka Shiinaha ma yeeli doonaan arrintaasi?

Haddaba su'aashu waxay tahay faafidda cudurkani ma noqon karaa mid gacan ka geysto dedaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta iyo ilaalinta caafimaadka bulshada?

Khubaradu waxay leeyihiin waa arrin culayskeeda leh balse ay suurtagal tahay in arrintaasi ay dhacdo.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, fayruska sababa xanuunka daran ee neefsashada (SARS) iyo caabuqa kale ee isaguna neef mareenka ku dhaca ee MERS loo yaqano ayaa iyaguna la rumeysan yahay inay asal ahaan ka dhasheen fiidmeerta balse waxay ku labaduba ku dheceen bini'aadamka. MERS waxaa laga qaadaa xoolaha sida Geela oo kale.

Dr. Ben Embarek oo ka tirsan waaxda nafaqada iyo bad qabka cunnada ee hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa BBC-da u sheegay in bani'aadamku uu haatan cunayo hilibka duurjoog aan horey loo cuni jirin, sidaa darteedna, ay haatan jiraan cudurro cusub oo aan horey loo aqoon.

Daraasad dhawaan lagu sameeyay ku dhawaad 32,000 oo ah noocyada xayawaanka ee ku nool dunida, gaar ahaan xayawaanka leh laf-dhabarta ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 20% ka mid ah xayawaankaasi la iibsado, lagana iibiyo suuqa adduunka, sifo sharci ah ama sharci darro ahba.

Ka ganacsiga sharci darrada ah ee xayawaanka ayaa lagu qiyaasaa in ay ku kacayso 20 bilyan oo doolar, waana ganacsiga afraad ee ugu weyn ee sharci darrada ahi marka laga soo tago mukhaadaraadka, tahriibinta dadka iyo badeecooyinka been abuurka ah ama kotorobaanka ahi.

Shark fins are displayed for sale in Hong Kong's Shueng Wan district

Xigashada Sawirka, AFP

Tusaale wanaagsan

Ha'adda sanduuqa xannaanada duurjoogta ee magaceeda loo soo gaabiyo WWF ayaa sheegtay in ay habboontahay in la joojiyo ka ganacsiga duurjoogta si loo badbaadiyo noocayada duurjoogta ee dunida ka sii dabar go'ayo.

Haseyeeshee dowladda shiinaha ayaa sheegtay in xayiraadda ay haatan ku soo rogtay ka ganacsiga duurjoogta uu yahay mid ku meel gaar ah.

Xukuumadda Beijing ayaa sidoo kale sanadkii 2002 qaaday tallaabo noocan oo kale ah ka dib markii uu dillaacay cudurka SARS.

Balse kooxaha u ololeeya arrimaha duurjoogta ayaa sheegaya in bilo yar ka dib markii dolwadda Shiinaha ay sanadkii 2002-dii ku dhawaaqday xayiraaddaasi ay suuqyada lagu iibiyo duurjoogta noqdeen kuwo iska caadi ah oo furan.

Bisha Sebteembar ee sanadkan, ayaa Beijing waxay martigelin doontaa shir weyn oo caalami ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Sida lagu sheegay warbixin sanadkii hore ay soo saareen dawladaha caalamka, hal milyan oo ka mid ah noocyada duurjoogta ayaa khatar ugu jira in la baabi'iyo, waana tiradii ugu badnayd taariikhda oo halistaasi wajahdo.

Ka dib markii uu dillaacay fayraska Coronavirus, warbaahinta ay dowladda maamusho ee dalka Shiinaha ayaa dhaleeceeyay suuqa duurjoogta lagu iibiyo ee aan la xakameynin ee ka jira guud ahaan dalkaasi.

Snakes, badgers, rare birds, pangolins and monkeys are sold in the wildlife markets of Mongla, a remote town on the border with China

Xigashada Sawirka, Ben Davies

Khubaradu waxay sheegayaan in hargabkii shimbiraha ee mar dunida ka dillaacay uu gacan ka geystay ilaalinta iyo badbaadada shimbiro badan oo halis ugu jiray in ay cirib go'a

Waxay sidoo kale tilmaameen guulaha laga gaaray mamnuucidda shiinaha uu mamnuucay dhoofinta iyo ka ganacsiga faan maroodiga, kadib sanado badan oo cadaadis caalami ah oo lagu hayay shiinaha, kaa oo ahaa in la ilaaliyo maroodiga.

haseyeeshee, waxay ku adkeysanayaan in xayiraadda iyo xakameynta waxyaabaha laga sameeyo hilibka, haragga iyo geesaha duurjoogta ay u baahan tahay dedaallo caalami ah oo aan ku koobnayn Shiinaha oo kaliya.