Coronavirus-ka ee Shiinaha: Su'aalahaaga waalaga jawaabay

Xigashada Sawirka, EPA/WU HONG
Caabuqa coronavirus ee Shiinaha waxaa u dhintay 100 qof, wuxuuna ku faafay dhowr gobol oo kale oo Shiinaha ah iyo qeybo ka mid ah caalamka.
Wuhan, oo ah magaalada xudunta u ah caabuqan oo ah meesha uu ka soo bilowday, waxaa la xiray Khamiistii, lamana ogola in la galo ama laga baxo.
Waxaa laga shakinayaa in uu ka bilowday suuq cunto lagu iibiyo oo "si sharci daro ah loogu gadayay hilibka duurjoogta".
Garoomo badan oo daafaha calamka ku yaalla, waxaa si dhow loogala socdaa diyaaradaha ka soo kacaya Shiinaha iyo dadka saaran.
Weriyeyaasha Caafimaadka iyo seyniska u qaabilsan BBC, Michelle Roberts iyo James Gallagher, ayaa su'aalaha la is weydiinaya ka jawaabaya.
1. Coronavirus ma laga qaadi karaa alaabta laga soo dhoofiyo Wuhan?
Cadeyn dhab ah looma hayo arrintaas in ay halis tahay. Caabuqyada qaar - sida coronavirus oo sababa feyriska Sars - waxay ku faafaan dhul ama gidaar ay taabteen dadka qaba, ama qufac iyo hindhiso.
Ma muuqato in caabuqan hadda jira uu sidaa ku sii faafayo. Xitaa haddii ay dhacdo, waxaa jiri doono su'aalo ah sida ay maraakiibta caalamka isaga kala gudba ay dhibaatadan u faafin karaan.
Caabuqyada la xiriira hargabka waxay jiri karaan 24 saacadood oo keli ah, marka ay jirka aadanaha ka baxaan, inkastoo caabuqa norovirus (kaas oo caloosha ku dhaca) wuxuu sii jiri karaa dhowr bilood ka dib marka uu ka baxo jirka aadanaha.
Arrinta hadda la xaqiijiyay waxay tahay in xanuunkan uu ku faafo oo keli ah in xiriir dhow uu laba qof dhexmaro - sida qoyska iyo shaqaalaha caafimaadka.
2. Ma jirtaa sabab ay caabuqyada noocan ah ugu soo noqnoqdaan Shiinaha?
Haa - Bulsho aad u badan ayaa la nool xeywaanka.
Caabuqa corona, waxay aad ugu badan tahay in xaywaanka laga qaaday, waxaana jirto hal arrin oo soo jeedineysa in masas laga qaaday. Cuubaqa Sars, oo ah corona kale, oona asal ahaan ka soo bilowday Shiinaha, waxaa laga qaaday fiidmeerta iyo bisadaha duurjoogta ah.
Kiisaskii ugu horreeyay ee caabuqan waxaa laga helay suuq ku yaalla Koonfurta Shiinaha. Waxaa ku nool duurjoog, waxaana lagu iibiyaa digaag, fiidmeer iyo masas.
3. Tan ma noqon kartaa wax sii fida oo sida hargabka qof kasta ku dhaca?
Filashadu waxay tahay in caabuqan uu yahay mid si ba'an naqaska ugu dhejiya bukaanka oo sambabada saameeya, mana la mid ahan hargabka caadiga ah. Feyriskan cusub wuxuu u dhow yahay Sars.
Si kastaba, mid ka mid ah su'aalaha waaweyn ee aan laga jawaabin waa, sida ay dadka isugu gudbiyaan caabuqan?
4. Siduu yahay xawaaraha uu caabuqan ku fidayo ee la xaqiijiyay?
Way adag tahay in la ogaado sida degdegga ah ee caabuqan uu u fidayo.
Waxay u muuqan karta in kiisaska caabuqa ay yihiin wax iska duulaya. Balse waa arrin marin habaabin ah taa.
Qaar ka mid ah kiisaska cusub way jiraan, laakiin cudurka mardhow ayaa la ogaaday, dowladda Shiinaha dhankeeda waxay xoojiyay tallaabooyiinka la socodka arrintan.
Xaqiiqdii, waxaa jiro macluumaad yar oo ku saabsan "sida uu cudurkan u faafayo".
5. Siduu caabuqii hore ee Sars u fiday? siduuna ku bilowday?
Sars wuxuu ka bilowday fiidmeerta, ka dib wuxuu ku dhacay bisadaha duurjoogta ah oo u soo gudbiyay aadanaha.
Dadka qaar oo si toos ah u taabtay yaanyuurahaas ayuu sidoo kale ku dhacay.
Wuxuu ku fiday istaabashada iyo isku neefsiga dadka, wuxuuna gaaray gidaarada iyo dhulka.
6. Ma jirtaa si looga hortagi karo?
Ma jiro tallaalo looga hortago, aad ayeyna u yartahay in hawada la xiro si halista loo yareeyo.
Dhaqaatiirta waxay isku deyayaan in ay dawo u helaan, iyo in dadka laga halo la karantiilo. Sidoo kale waxay dabagalayaan qof kasta oo xiriir la yeelan karay bukaanka laga helo caabuqa.
7. Ma u badan tahay in dunida uu ku sii fido cudurkan?
Haddii uu sii socdo xanuunkan, uuna dad badan oo Shiinaha ku sugan uu ku dhaco, waxay u badan tahay in kiisas laga helo caalamka, gaar ahaan dalalka Shiinaha tooska ugu xiran.
Waxaa hadda jiro kiisas laga shakiyay oo lagu baarayo Afrika iyo Yurub.
Marka la eego macluumaadka hadda diyaarka ah, Hay'adda caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay ku talineysaa in la qaado tallaabooyiin looga hortagayo in uu cudurka ku sii fido dunida, iyadoo si aan loo baahneyn loo xakameyneyn duullimaadyada caalamiga ah.
8. Suuragal ma tahay in caabuqa laga helo qof bilihii la soo dhaafay u safray Shiinaha?
Kiiskii ugu horeeyay ee cudurkan waxaa laga helay qof ku sugnaa magaalada Wuhan ee Shiinaha, bishii December 2019.
Ma jirin kiis kale oo la soo weriyay illaa laga soo gaaray isbuucii la soo dhaafay.
Iyadoo la eegayo nooca caabuqan, arrinta ku saabsan muddada uu qofka dareemayo astaamaha lagu garto, waxay qaadan kartaa illaa 14 maalmood.
Weli ma cadda muddada u dhexeysa xilliga uu qofka jirkiisa galayo caabuqa iyo xilliga uu dareemayo xanuunkan.
Khubarada waxay aaminsan yihiin in kiiskii ugu horreeyay uu soo gudbiyay xaywaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
11. Dadkii horey uu ugu dhacay cudurka, waa laga soo saaray isbitaallada, marka cudurkan halis ma ahan miyaa?
Coronaviruses wuxuu ka kooban yahay caabuqyo badan oo sababa xanuuno kala duwan - laga billaabo hergabka caadiga ah illaa xanuuno halis ah. Weli macadda inta ay gaarsiisan tahay halista xanuunkan Coronavirus.
Haddii bukaanka uu ka caafimaado caabuqa, halis weyn kuma sii ahaanayo dadka kale.
12. Xaywaanadee laga helaa coronavirus? Sideese la isaga ilaalin karaa?
Weli macadda sida cudurkan la isugu gudbiyo. Caabuqyada kale ee corona, sida Sars iyo Mers, waxaa laga qaadaa bisadda duurjoogta ah iyo geela.
Khubarada waxay weli baarayaan in ay helaan meesha rasmiga ah ee uu ka yimid.
Qaababka caadiga ah ee caabuqyada la isaga ilaaliyo waxaa ka mid ah:
- In si joogto ah gacanta loo dhaqdo
- In afka la xirto ama maro la saaro marka la qufacayo ama hindhisoonaya
- In si wanaagsan loo kariyo hilibka iyo ukunta
Ka fogow qof kasta oo ay ka muuqato cudurada ku dhaca sambabada iyo neef mareenka dhuunta, sida qufac badan iyo qandho.














