Madaxda Maraykanka iyo jahwareerka sharciyadda dagaalka

Dadka Trump dhalleeceeya waxay sheegayaan in duqeyntii lagu dilay Maj Gen Qaasim Suleymaani in ay xad gudub ku ahayd shuruucda caalamiga ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka Trump dhalleeceeya waxay sheegayaan in duqeyntii lagu dilay Maj Gen Qaasim Suleymaani in ay xad gudub ku ahayd shuruucda caalamiga ah

Hadallada iyo ficillada madaxweyne Trump ee ku aaddan dalka Iran ayaa dhaliyay in dadka dhaliilsan ay ku eedeeyaan inuu hareer maray sharciga caalamka. Balse Trump ma aha madaxweynaha keliya ee la kulmay dhaleeceyn noocan ah.

Hanjabaadii Trump ee ku aadaneyd xarumaha dhaqanka ee Iran ayaa dhalisay caro ballaaran, mas'uuliyiinta maamulkiisa ayaana ku qasbanaaday inay si degdeg ah u beeniyaan in goobahaasi ay ku jiraan bartilmaameedyada.

Madaxweyne Trump ayaa amray dilka janankii ugu awoodda badanaa ciidamada Iran. Sida uu qabo sharciga caalamka, dowladaha ayaa fulin kara weerarka noocaas ah, waa haddii ay isku difaacayaa. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkaas iyagoo ka hortagga duulaan ka dhan ah.

Balse Agnes Callamard oo ah khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay u saartay dilalka sharciga ka baxsan ayaa ka biya diidday sheegashada Maraykanka. Waxay barteeda Twitter-ka ku qortay inay u muuqato in weerarka aan loo fulin si waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay.

Trump ayaa sidoo kale difaacay askar Maraykan ah oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal, waxaana mid ka mid ah oo madax u ah ciidamada hawgallada gaarka ah laguna magacaabo, Edward Gallagher, uu ku tilmaamay "nin adag".

Madaxweyne Trump ayaa uga hadla askarta dalkiisa iyo hawlgalladooda si mugdi gelin karta sharcinnimadooda.

People walking on bridge

Xigashada Sawirka, ATTA KENARE

Qoraalka sawirka, Dhismaha qadiimiga ah ee ku yaalla Isfahan, waxay ka mid tahay meesha uu isha ku yahay Trump

Weerar ka dhan ah xarumaha dhaqanka, wuxuu meel ka dhac ku yahay heshiisyada caalamiga ah sida kan Hague ee 1954 ee difaacaya goobaha dhaqanka. Balse Trump ayaa u qiil dayey hanjabaaddiisa ku aaddan xarumahaas, isagoo sheegay inay si sharci darro ah u adeegsadaan taliyeyaasha cadowga, Maraykankana ayna tahay inuu sidaa yeelo.

"Waxaa loo oggol yahay inay jirdilaan dadkeena, anaguna na looma oggolo inaan taabanno xarumahooda dhaqanka? Arinku sidaa ma aha," ayuu Trump u sheegay weriyayaasha.

Hadalkaasi meel ka dhaca ku ah sharciga caalamiga ah ayaa ka yaabiyay xitaa mas'uuliyiinta sare ee maamulkiisa. Xoghayaha difaaca Maraykanka Mark Esper ayaa yiri: "Waxaan ku qanacsanahay in madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada, aanu na siin doonin amar sharci darro ah."

Madaxweynayaashii Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee ka horeeyay Trump waxay fulinayeen hawlgallo milateri iyo sirdoon, kuwaas oo ay hareeyeen mugdi badan.

Obama - speaking to a crowd

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Obama, waxaa 2019-kii la arkay isagoo difaacaya duqeymihii drone-ka ee sirta ahaa ee uu amray, muddadii uu xilka hayay.

Dhowr ka mid ah hogaamiyayaashaasi ayaa dhinac isaga riixay sharciga, gaar ahaan midka Ansixinta Adeegsiga Awood Milateri (AUMF), xilli ay doonayeen in ay u qiil dayaan siyaasadahooda.

Sharcigan ayaa loo sameeyay si loogu bartilmaameedsado shakhsiyaadka gacanta ka geystay weerarradii Maraykanka ka dhacay 2001. Wixii markaa ka dambeeyay, madaxweynayaal kale duwan ayaa sharcigan u adeegsaday hawlgallo milateri oo ay ka fuliyeen qeybo kale duwan oo caalamka ah.

Barack Obama oo adeegsanaya sharciga AUMF ayaa ballaariyay duqeymaha qarsoodiga ah ee ay fuliyaan diyaadaha aanu duuliyaha saarneyn ee Drone-ka, isagoo ansixiyay in ka badan 540 weerar intuu xilka hayay.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeymaha ay meel ka dhac ku yihiin shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah. Lataliyayaashii Obama ayaa ku dooday in maadaama shakhsiyaadka weerarka lagu beegsaday ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah Maraykanka, ay duqeymahaas waafaqsan yihiin sharciga caalamiga ah.

Madaxweynihii ka horreeyay, George W Bush, ayaa saxiixay duqeymo aad uga yar kuwii Obama uu amray. Balse Bush ayaa qaabab kale u ballaariyay xuduudaha dagaalka.

Wuxuu ansixiyay adeegsiga waxa loogu yeeray habka casriga ah, su'aallo weydiinta, gaar ahaan in maxaabiista biyo madaxa laga geliyo iyo qaabab kale oo lagu tilmaamay inay yihiin jirdil. Taariikhyahan David Greenberg ayaa sheegay in Bush lagu xusuusan doono dagaalkii Ciraaq iyo jirdilka maxaabiista.

Bush - speaking before a crowd

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bush wuu difaacay in dadka biyo lagu shubo iyo farsamooyiinkii kale ee su'aalo weydiinta

Madaxweynihii ka horreeyay ee Bill Clinton ayaa "qaatay" hannaanka ah in maxaabiista si sharciga ka baxsan dal kale loogu qaado, halkaas oo dadka lagu tuhmo argagixisannimada loogu geysto jirdil, sida ay sheegeen khubarada sharciga.

James Carafano oo ka tirsan xarunta Heritage Foundation ee fadhigeedu yahay Washington, ayaa sheegay in Trump uu aad uga taxadaray hawgallada milateri, uuna yahay madaxweyne aad isu xakameeya.

Qaar kamid ah khubarada ayaa sheegaya in dhibaatada dhabta ah ay tahay in madaxweynayaasha ay leeyihiin awooddo xad dhaaf ah, ayna arimaha gaarsiiyaan meelo adag.

"Waxa ay awooddooda u adeegsadaan fulinta falal loo arko sharci darro iyo anshax xumo," ayuu yiri Andrew Bacevich oo madax ka ah xarunta Quincy Institute ee falanqeysa siyaasadda dibedda. "Dhibaatadu ma aha Trump ee waa awooddaha xad dhaafka ah ee aan siinay madaxweynaha."

Sida uu Bacevich tilmaamay, madaxweynayaasha Maraykanka ayaa xilliyo kala duwan durjiyay xuduudaha sharciga. Su'aashu se waxa ay tahay maxaa xigi doona?