Warqad ka timid Afrika: Sharciga wadada ee Gambia

A car that overturned after speeding in The Gambia

Xigashada Sawirka, Ade Daramy

Waa mid ka mid ah warqadihii xiriirka ahaa ee ka imanayay weriyayaasha Afrika, qoraaga ka soo jeeda Sierra Leonean-Gambian ee Ade Daramy, oo bilowgii sanadkan u guuray Gambia ayaa waxa uu adkaynayaa xariga kursiga.

Markaad u guuraysid dal cusub, waa inaad dhowr arrimood ka fakartaa - oo waa inaad baratid luuqadda dadkaas ay ku hadlaan taas waxa ay mar walba kaa caawinaysaaa inaad meesha la qabsatid.

Hasayeeshee haddii aad tahay darawal waa qasab inaad barataa "habka gawaarida dalkaas loogu wado".

Kaddib lix bilood oo aan ku noolaa Gambia ayaa waxaan booqasho ku tagay UK markaas oo aan dareemay inay wax iga maqan yihiin haddana wixii ma soo haaban karin.

Maalintii afraad unbaan maqlay hoon "biiiib" la yeerinaayo mar aan wadada dhinac marayay, markaas ayaan iri waaw war hoonkaas gaariga ayuu ahaa malaha wixii kaa maqnaa.

Gambia heesaha marwalba way ka daaran yihiin oo afar ilbiriqsi haddii la waayo arrin kale ayaa loo qaadanayaa.

Sida aad qiyaasi kartid, inaad si xiriir ah hoon u maqashid waxa ay taas muujinaysaa in qaar badan oo ka mid ah dadka Gambia ay aad u isticmaalaan hoonka.

Waxaa ka mid ah in saaxiibadaa aad hoon ku salaantid, oo waxaad filaysaa in dad boqolaal ah ay ogaan doonaan inaad salaantay.

Waxaase jira hoon loogu digayo dadka wadada goynaya oo aad malaha leedahay "War hoy iska jir yuusan ku jiirin gaarigee."

Darawallada kale ayaa kaa caroonaya haddaad inta joogsatid wadada u bannaysid dadka lugaynaya si ay u gudbaan.

Waa ay adag tahay inaad maqashid hoon si deggan loo yeerinaayo. Waan isku dayay, mase aanay uu suuragelin, inaad bal ogaado in ay tahay dambi lagugu ganaaxi karo haddii aad gaari kale fursad siisid si uu u maro.

Waxaan uga socdaa in dhab ahaantii, inta badan darawaliinta ay doorbidayaan inay shil galaan intii gaari kale ay waddo siin lahaayeen oo uu gudbi lahaa.

Taasna waa sababta aan u arkay shil ka dhacay meel u dhaw halka aan ku noolahay ee aan ka shaqeeyo.

Talooyinka ugu wanaagsan

Haddii aad u safraysid Gambia, waa kuwan qaar ka mid ah arrimaha ay tahay inaad ka warhaysid:

  • In lagu istaago nalka cas ee isgoyska: Dalalka qaar waa qasab hasayeeshee halkan waa sida aad doonto - dadka sharcigaas raacana waxa ay u badan tahay in hoon lagu wareeriyo amaba la dhinac maro.
  • In xariiqa dhexe gaariga lagu kaxeeyo: Tani waxa ay dhacdaa markii uu kaa horreeyo gaari aan dheereenayn - oo gaariga ka dambeeyaa waxaa qasab ku ah inuu dhinac maro, dadka kaliya ee aayar gaariga u wada waa dadka ku cusub dalka ama kuwa uu gaarigoodu ciladaysan yahay.
Vehicles travelling on the pavement in The Gambia

Xigashada Sawirka, Ade Daramy

Qoraalka sawirka, Waa iska caadi inaad aragtid gawaari lagu wado halkii ay dadku mari lahaayeen
  • Meesha ay dadka lugaynaya ka gooyaan dhabbaha: Waa iska caadi in darawaliintu ay isku baasaan calaammada loogu talagalay in dadka lugaynaya ay laamiga ku gooyaan - dhab ahaantii iskuullada hortooda, waxaa la dhigaa askar si ay darawaliinta ugu qasbaan inay istaagaan.
  • Darawal taleefan ku hadlaya: Inta badan dadku waxa ay wataan laba taleefoon inay saddex wataanna macquul. Dadka gaariga ila saaran waa ay yaabaan markii aan taleefankayga qaban waayo gaariga aan wado awadii.
  • Nalalka gaariga: Markii aan habeenkii guriga ku laabanaayo qiyaastii safar aan ku jaro 4.8km waan hubaa waxaa arkaa 20 ilaa 25 gaari oo ku safraya hal il ama nalba aan lahayn. Walow haddana aan gudbo shan bar koontorool mana ka hadlaan arrintaas.
A person getting into the boot of a taxi in The Gambia

Xigashada Sawirka, Ade Daramy

Qoraalka sawirka, Dad taagan wadada hareerteeda ayaa eegaya qof gadaal ka saaran taksigan
  • Waqtiga degdega: Haddii aad shaqo subaxii ka daahdid wadadana ay saxmad tahay waxaad gaariga ku kaxaynaysaa meesha ay dadku maraan ama wadada kale ee dhinaca kale u socota waa haddii ay gawaaridu ku yar yihiin.
Car seen driving on the left - the lane meant for oncoming traffic - in The Gambia

Xigashada Sawirka, Ade Daramy

Qoraalka sawirka, Darawallada qaar maba kala jecla inay saad siiyaan gawaarida wadada soo galaya
  • Baabuurta SUV-ka shuruuc ma raacaan: Haddii aad wadatid mid ka mid ah baabuurta noocaas ah, subaxii waxaad sameynaysaa un inaad calaammadda hazard waxaadna maraysaa saadka kale adigoo ku qasbaya darawaliinta kale inay kuu banneeyaan, markaas waxaad iska dhigaysaa qof muhiim ah oo u degdegaya qof kale oo muhiim ah.
  • Gaari duug ah maba jiro: Waxaa dhabbaha saarin gawaari badan oo halkan la diidi lahaa ama gawaari tobannaan sanadood ka hor la joojiyay in la soo saaro. Mararka qaar aad gaariga wadid waxaad isleedahay war heedhe ma meelbaa gubanaysa. Marka dambe ayaad ogaanaysaa in 20% gawaaridu ay sii daynayaan qiiq isugu jira madow iyo cadaan oo qof eegi kara uusan jirin.
  • Gawaari xiraya isgoysyada: Taasi waa wax la isla wada ogol yahay mararka qaarna waxaad arkaysaa maalinwalba.

Intaas oo dhan kaddib, xusuusnow, markaad gaarigaaga ku dhacdid, in aad guriga kaga tagtid dhaqankaaga wanaagsan, waa sida uu qofwalba u muuqanaayo inuu sameynayo.