Ingiriiska: Meeydad badan oo laga helay gudaha gaari xamuul ah
Magaalada Essex ee ku taallo koonfurta galbeed ee Ingiriska ayaa waxaa laga helay gaari xamuul ah oo ay saaran yihiin Meeydadka 39 qof.
Booliska ayaa waxay u yeereen adeeggga ambalaaska wax yar uun ka dib markii Meydad gaarayo 39 laga helay baabuur xamuul ah gudaha magaalada Essex ee bariga Ingiriiska.
Darawalka baabuurka xamuulka waday oo 25 jir ah ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo waqooyiga Ireland, waxaana loo taxaabay xabsiga isla markaasna waxaa looga shakiyey inuu geystay dil.
Booliska degaanka Essex ayaa waxay sheegeen inuu baabuurka xamuulka ah uu kasoo dhaqaaqay Bulgaria isla markaasna uu halkaas soo galay Sabtidii.
Haatan booliska ayaa baaraya sidii lagu aqoonsan lahaa meydadka, waxaana la xiray waddada lagu qabtay baabuurka siday meydadka.
Ma jirin hal qof oo ka badbaaday dadkii gaariga xmuulka ah saarnaa kuwaasi oo la sheegay in 38 qof ay ahaayeen dad qaan gaar ah halka qofka kalana uu ahaa ilma yar.
Ku xigeenka shirkadda Pippa Mills ayaa sheegtay in muhiimadda koobaad ay siinayaan sidii loo aqoonsan lahaa dadka dhintay.
Ra'isal-wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in arintani ay ahayd "musiibo aan la filayn ayna xaqiiqdii tahay mid qalbiyadeenna jabisay".
"Waan u duceynaynaa dadkii ay musiibadu ku dhacday iyo qaraabadooduba'' ayuu yiri.


Seamus Leheny, oo ah maamule ku xigeenka shirkadda FTA ayaa sheegay haddii uu gaarigaasi xamuuulka ah ka yimaaday Bulgaria uuna Britain ka soo galay waddada Holyhead xaqiiqdii waa mid khaldan sababtoo ah waa waddo muddo ka dheer waddooyinka kale qaadata oo ilaa iyo maalin dheeraad ah ayay qaadanaysaa inuu gaariga soo gaaro Ingiriiska.

Hay'adda Dambi baarista Qaranka ayaa sheegtay inay saraakiil ka qeyb qaata baaritaanka u direen goobta laga helay. Dhanka kale afhayeen u hadlay booliska Bulgaria ayaa xaqiijiyay inay ka waraqabaan dhacdada.
Bishii June ee sannadkii 2000, 58 muhaajiriin Shiinees ah ayaa laga helay gaari xamuul ah oo ku sugnaa Dover.
Dhacdadaan haatan ayaa waxaa loo xiray darwal u dhashay dalkaasi Netherlands.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Xigashada Sawirka, Leon Neal/Getty Images











