Siddeed iyo toban ku dhimatay bas ku gubtay Jermalka

Qoraalka Muuqaalka, Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa durba gaaray goobta uu shilku ka dhacay

Siddeed iyo toban ruux ayaa dhimatay ka dib markii uu dab qabsaday bas dalxiis oo marayay koonfurta dalka Jermalka.

Baska oo ay ku safrayeen dad hawlgab ah ayaa ku dhacay gaari xamuul ah oo marayay meel ka fogayn Stammbach oo u dhaw gobolka Bavaria.

Soddon ruux ayaa ka baxsaday dabka, kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee gurmadka degdegga ah ka shaqeeya ayaa ku biiray samatobixiyeyaasha ku sugan goobta uu shilku ka dhacay.

Booliiska ayaa xiray jidkaas waxaana socda hawlaha gurmadka.

Baskaas waxaa ku safrayay 46 rakaab ah iyo labo darawal, waxaana la sheegay in mid ka mid ah darawalada in uu ka mid yahay dadka geeriyooday.

Wali ma cadda waxa sababay isku dhaca labada gaari. Waxaa la sheegay in gawaaridu ay tartiib u socdeen marka uu shilku dhacay.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa telefishinka n-tv ee Germalka laga leeyahay u sheegay in Bayreuth ay leedahay adeeg caafimaad oo wanaagsan isla markaasna aysan ka fogayn goobta uu shilku ka dhacay.

Hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel ayaa sheegtay in ay ka murugootay waxa dhacay ayna u tacsiyaynayso kuwa dhibaatadu soo gaartay iyo ehelkoodaba.

Merkel ayaa shaqaalaha gurmadka degdegga ah ku ammaantay sida ay samatobixinta uga qaybqaateen iyadoo xaaladdu aad u adkayd.

Sawir hore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Goobta uu shilku ka dhacay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Goobta uu shilku ka dhacay
Diyaaradaha gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay