Qarixii Ex-Koontarool: Mareykanka oo sheegay in duqeymo uu ku laayay Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP
Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in afar ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab ay ku dileen duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi oo lala kaashanayay dowladda Soomaaliya lala eegtay laba bartilmaameed oo ku yaal gudaha Soomaaliya.
AFRICOM waxay sheegtay in ilaa afar ka tirsan mintididinta Al-Shabaab lagu dilay duqeymahaasi oo ka dhacay deegaannada Kuunya-barrow iyo Caliyoow Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
"Duqeymahaasi muhiimka ahi ayaa lala eegtay mintidiinta Al-Shabaab ee mas'uulka ka ah falalka argagixisnimo ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabtsan ee Soomaaliya…," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.
"Mareykanka iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sii wadi doonaan in ay cadaadiska ku kordhiyaan ururka argagixisada ahi, si loogu diido in uu helo awood uu (ururkaasi) ku soo maleego weerarro argagixisnimo."
Weerarkaasi Mareykanka ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii qarax ka dhacay Muqdisho lagu dilay in ka badan 78 qof. Sidoo kale in ka badan 140 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Soomaali rayid u badan iyo laba injineer oo u dhashay dalka Turkiga.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye.
Qaraxa ayaa ahaa gaari weyn oo walxaha qarxa lagu raray, waxaana aroornimadii sabtida lagu qarxiyay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.
Waxaa halkaas ku yaalla kastam canshuuraha lagu qaado, waana meel subixii aad u mashquul badan oo ay isaga gudbaan gawaarida dadweyna, kuwa ardeyda, gawaarida isaga kala gudubta qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta dalka iyo Caasimada Muqdisho taas oo keentay inay halkaas ka dhacdo musiibo dad badan galaafatay.

Xigashada Sawirka, SONNA
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi balse madaxda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab oo horey qaraxyo badan ka gaystay Muqdisho.
Qaraxaasi dhacay Sabtidii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa marka laga soot ago qaraxi lagu hootay ee Soobe ka dhacay 14-kii Oktobar sanadkii 2017, kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya dhawr boqol.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi EX-control Afgooye ayaa loo qaaday dalka Turkiga halka qaar kale la filayo in maanta loo qaado dalka Qadar. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Turkiga ay dhinteen balse BBC-du ma xaqiijin karto tirada dhabta ah ee dhaawacaasi ugu dhintay gudaha Turkiga.

Xigashada Sawirka, SONNA
Sheegashada Mareykanka ee ah in uu duqeymo u geystay Al-Shabaab ayaa ku soo beegmayo bilo uun ka dib markii hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ay sheegtay in Milateriga Maraykanka ay si weyn isaga indha-tireen dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya.
Tan iyo Markii uu maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ee Mareykanka la wareegay Donald Trump waxaa aad u sii xoogeystay howlgalladii ay Mareykanku ka wadeen Soomaaliya, waxayna si toogto ah Washington u sheegataa inay weerarradeeda khasaare ugu geysatay kooxda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda, kuwaasoo uu Mareykanku u aqoonsan yahay dhaqdhaqaaq 'argagixiso ah'.
Hase yeeshee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahaas ay saameyn aad u ballaaran ku yeeshaan dad Soomaaliyeed oo rayid ah oo u badan beeraley.












