Muqdisho: Qarax xilli mashquul badan dhacay oo 78 qof ay ku dhinteen
In ka badan 78 qof ayaa ku dhimatay, qarax saaka ka dhacay magaalada Muqisho, sida ay xaqiijiyeen hay'adaha gurmadka caafimaadka degdegga ah ee Banaadir.
Sidoo kale in ka badan 125 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, sida Dr Cabduqaadir Cabdiraxmaan uu xaqiijiyay.
Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas.
Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska mashquulka badan ee Ex Control.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa xoo sigatay sarkaal booliiska ka tirsan oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed. "Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn".

Xigashada Sawirka, Sonna
Ma jirto weli ced sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, balse ururka al-Shabab militants ayaa magaalada ka fuliya weerarrada noocan oo kale ah.
Goobjoogayaasha ayaa BBC-da u sheegay wixii ay goobta ku arkeen.
"Dhammaan waxa aan arkayay wuxuu ahaa meydad googo`an ... dadka qaar ayaa gubtay oo aan la aqoonsan karin," sida uu sheegay Sakariye Cabduqaadir, oo ka agdhowaa goobta qaraxa.

Xigashada Sawirka, SNTV
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq, ayaa isagana sheegay in tirada dhimashada ay ka badan tahay 90, inkastoo aan la xaqiijin karin tiradaas.
"Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarka wuxuushnimada ah," ayuu yiri wasiirkii hore ee ammaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish waxa uu sheegay in qofkii is qarxiyay uu doonayay inuu "gudaha magaalada galo balse ciidanka ay is hortaag ku sameeyeen, maadaama laga shakiyay gaariga ka hor inta uusan qarxin".












