Deyn cafinta: Dalalka iyo hay'adaha lacagta ugu badan ku leh Soomaaliya

.
Qoraalka sawirka, .

Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Cali Shariif Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lacag gaareysa hal bilyan oo dollar uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya, soddonkii sano ee lasoo dhaafayna ay ku darsameysay lacago kale oo dul saar ah.

Safiir Cali ayaa sheegay in deynta guud ee lagu leeyahay Soomaaliya ay gaareyso $4.6 bilyan oo dollar, taas oo ay ku jirto midda Mareykanka.

"Dalalka iyo hey'daha ugu badan ee lacagta nagu leh waxaa ay kala yihiin Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, hey'adda lacagta adduunka, bangiga adduunka, Paris Club iyo bangiga horumarinta Afrika", ayuu yiri safiirka oo la hadlayay BBC Somali.

Wuxuu intaa ku daray in dalalkaas iyo hey'dahaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lacagaha deynta ku leh Soomaaliya, laakiin ay jiraan dalal kale oo deen ku leh Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay dan ugu jirto in deymaha laga cafiyo.

"Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay in dalka uu deyn lagu leeyahay oo uu qaameysan yahay, waxaana ka xiran maalgashiga, shirakadaha caalamka ee doonaya in ay Soomaaliya malagashadaan ma imaan karaan waddanka", ayuu yiri safiirka.

"Waxaa kale oo inaga xiran macaawinooyin aan heli karno oo aan xaq u yeelan karno, kuwaas oo gaaraya boqollaal milyan oo dollar, balse aan heli karno mark deynta la cafiyo", ayuu hadalka duray.

Waxaa kale oo uu sheegay in haddii Soomaaliya laga cafiyo deymahan gaaraya $4.6 bilyan oo dollar, ay xaq u yeelaneyso in ay lacago kale soo deynsato.

Ilhan Cumar

Xigashada Sawirka, ANDALOU

Codeynt Aqalka Kongreska Mareykanka waxaa xigi doona in sanetka dalkaas uu u codeeyo ka dibna loo gudbiyo madaxweynaha si uu u saxiixo.

Siyaasiyiinta ka hadlay meel marinta aqalka Kongreska waxaa ka mid ah xildhibaanad Ilhaan Cumar oo soo dhaweysay.

Ilhan Cumar ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo iyo barwaaqo.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ka dhigtay faqri," ayey ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay.

"Arrintan waxay saameysay kumannaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka", ayay Ilhan Cumar hadalka ku sii dartay.

Waxay intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo nabadda Soomaaliya oo dimuqraadi noqota.

"Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh.

"Waxaa jira waxyaabo badan oo la sameyn karo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xirirka Dowladda dhexe iyo shacabka, Mareykankana door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa arrintan", ayay tiri.

Congress-ka Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale ay cafiyana deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay waa kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sannadba midka ka dambeeya ay sii kordheysay.

Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaabo badan ay kala macaamisho hey'daha maaliyadda ee caalamka.

Tallaabadan ayaa daba joogta booqasho uu ra'iisul wasaaraha Soomaalya, Xassan Cali Kheyre ku tegay dalka Mareykanka horraantii sannadkan, xilligaas oo mas'uuliyiinta Mareykanka uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa lacagaha deymaha ee uu Mareykanka ku leeyahay.

Qoraalka Codka, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo IMF kala qeybglaya shir Indonesia

Bishii Febraury ee sannadkan, Midowga Afrika ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymaha looga leeyahay caalamka, laakiin wali waxaa jira walaac ay beesha caalamku ka qabto in haddii deymaha la cafiyo ay Soomaaliya dhaqaalaha la siin doono ku maareyn doonto meelaha loogu tala galay.

Dawladda Soomaaliya waxay horey uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaasho kooxaha ka hor jeeda.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada arrimaha bulshada ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah.

"Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midda aan baahida ugu qabno taageerada beesha caalamka", ayuu yiri.