Mareykanka oo tababarkii "ka joojiyay" qaar ka mid ah ciidamada Sucuudiga

Dowladda Mareykanka ayaa duulimaadyadii ka joojisay boqollaal ka tirsan duuliyeyaasha loo tababarayay ciidamada cirka ee dalka Sucuudiga ka dib weerar uu dhawaan askari u dhashay Sucuudiga uu ka geystay saldhigga milatari oo ku yaal goblka Florida ee dalka Mareykanka.

Waxaa dhammaan askartaasi Sucuudiga u dhalatay ee tababarrada u jooga Mareykanka laga joojiyay in ay wax duulimaad ah ku sameeyaan guud ahaan saldhigyada ciidamada Mareykanka balse wali waxa ay sii wadan doonaan tababarradooda kale.

Arrintan ayaa timid ka dib markii xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Mark Esper, uu amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo tababarka ciidamada cirka ee Sucuudiga ee lagu tababarayo gudaha dalka Mareykanka ka dib markii askari xiddigle ah oo u dhasahay Sucuudiga uu toogasho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada badda.

Hay'adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay isku dayayso in ay xaqiijiso in weerarkaasi uu ahaa mid argagixisnimo.

Toogashadaasi ka dhacday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Pensacola ayaa mugdi gelisay xiriirkii soo jireenka ahaa ee muddada dheer u dhaxeeyay Mareykanka iyo Sucuudiga.

Xiriirka labadani dal ayaa horey waxaa u saameeyay hawlgalka milatari ee Sucuudigu uu ka wado dalka Yaman iyo dilkii sanadkii la soo dhaafay qunsuliyadda Sucuudiga ee dalka Turkiga loogu geystay weriye Jamal Khaashoqji.

Mareykanka muxuu ka yiri arrintan?

Megan Isaac oo ah taliye ka tirsan ciidammada badda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegtay in haatan la hakiyay duulimaadyadii ay ku tababaranayeen dhammaan askarta ka tirsan ciidamada cirka ee dalka Sucuuciga ee tababarka u jooga guud ahaan dalka Mareykanka.

Waxa ay sheegtay in amarkan cusub uu saameyn doono 303 askari oo ku tababaranayay saldhigyada ciidamada badda ee Mareykanka ee kala ah Pensacola, Whiting Field iyo Mayport, oo dhammaantood ku yaal gobolka Florida.

Afhayeen rayid ah oo u hadlay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon, Chuck Prichard, ayaa isna BBC-da u sheegay in amarkan uu saameyn ku yeelan doono dhammaan askarta Sucuudiga ee loo tababarayo duuliyenimada ee ku tababaranaya guud ahaan dalka Mareykanka.

Waxaana sida uu sheegay ku jira 852 duuliye oo Sucuudigu loogu tababarayay guud ahaan dalka Mareykanka balse waxa uu intaasi ku daray in tababarrada kale ee caadiga ah ay sidoodii hore u sii socon doonaan.

Sarkaal kale oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa laga soo xigtay in uu yiri "xayiraaddaasi waxay socon doontaa muddo shan ilaa toban beri ah".

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in waaxda gaashaandhigga ay hubin doonto dhammaan 5,000 ee askari ee u dhashay waddamada shisheeye ee haatan tababarka u jooga dalkaasi Mareykanka.

Xoghayaha gaashaandhigga Mark Esper ayaa telefishinka Fox News u sheegay in saraakiisha sar-sare ee ciidammadu uu ku amray in ay eegaan bad-qabka iyo ammaanka dhammaan saldhigyada ciidammada dalkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ballanqaaday in uu dib u eegis ku sameyn doono tababarrada ciidamada shisheeye loogu sameeyo gudaha dalkiisa.

Sidee ayay toogashadaasi u dhacday?

Maamulka waxa lagu wargeliyey shilkaa toogashada ah ee ka dhacay saldhigga Pensacola 06:51 daqiiqo [wakhtiga Floridda]. Waxaanu ka dhacay dhisme fasallo waxbarasho ah oo laba dabaq ah gudihiisa hase yeeshee waxa soo af-jaray askari ka tirsan booliska magaalada oo Alsharmaani dilay.

Waxa sidoo kale weerarkaa ku dhaawacmay sideed qof oo kale oo ay ku jiraan laba sarkaal oo haatan aad uga soo kabanaya dhaawacaas.

Weerarkaasi ayaa sida ay FBI-du sheegtay waxaa geystay Maxamed Saciid Al-Shamraani ayaa ahaa ardey u dhashay Sacuudiga isla markaana ka tirsanaa ciidamada cirka Sucuudiga oo baranayay duuliyenimo.

Booliska dalkaasi Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shamraani inta uusan weerarkaasi qaadin uu marka hore daawaday muuqaallo dil wadareed muujinaya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegeysa in ka hor inta Al-Shamrani uusan geysan weerarkaasi uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay warbixinno ka dhan ah dagaalka uu Mareykanka ka wado dalalka shisheeye, waxaana sidoo kale uu qoraalkiisa ku ammaanay Osama Bin Laden.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Al-Shamraani uu bastoolad si sharciga waafaqsan uga iibasday gudaha dalka Mareykanka.