Sawirro: Dumarka caalamka ee ka soo horjeestay xadgudubka haweenka loo geysto

Dadka qaar ee ku nool daafaha calamka waxay u soo bexeen jidadka iyagoo dalbanaya in la joojiyo xadgudubka haweenka ay la kulmaan.

Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay dalal ay ka mid yihiin Mexico, Taliyaaniga, Turkiga iyo Sudan.

Isu soo baxyada caalamiga ah waxaa lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee soo afjaridda rabshadaha ka dhanka ah haweenka, ee isniintii la soo dhaafay.

Qiyaastii, 87,000 oo dumar ah ayaa lagu dilay daafaha caalamka, sannadkii 2017-kii, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qaramada Midoobeey waxay tilmaamtay in xadgudubka ka dhanka ah dumar iyo gabdho yaryar uu ka mid yahay "dhibaatooyiinka baahsan ee loomaara la'yahay, iyo masiibada ku habsatay xuquuqda aadanaha ee dunida maanta". Xadgudubyadaas badankooda waa la qariyaa sababo la xiriira ciqaab la'aanta qofka geystay iyo faquuqa.

Magaalada Mexico City, dumarka isugu soo baxay jidadka waxay maamulka ka dalbadeen in tallaabooyiin adag la qaado si wax looga qabto tirada sii badaneysa ee dumarka la dilay iyo kufsiga dalkaas ka dhaca.

Qaar ka mi ah dumarkaas iyo booliska ayuu isku dhac dhexmaray, xoogaa ka dibna, askarta ayaa kala ceyriyay haweenkaas.

Dibadbaxayaal kale oo badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay dalalka Latin Amerika, halkaas oo 12 dumar ah lagu dilay, sida Qaramada Midoobeey ay shegtay.

Dalka Chile, Dibadbaxayaal afkooda ku sawiray gacan guduudan ayaa isu soo baxay kuwaas oo dalbanaya ficil degdeg ah in dowladda ay sameyso.

Dumarka dalka Argentina ayaa tallaabo noocaas ah qaaday, kuwaas oo afkooda ku sawiray midab purple ah, waxayna isugu tageen Xarunta baarlamaanka ee Buenos Aires.

Ragga iyo dumarka dalka Uruguay waxay soo xirteen dhar madow ah, waxayna isugu soo bexeen caasimadda dalkaas ee, Montevideo, kuwaas oo ka dibadbaxayay rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

Dalka Honduras, haweenkii isu soo baxay waxay xargo ku dur xireen boombalayaal kuwaas oo ay ku xusuusanayeen dumarkii la dilay.

Caasimadda dalka Panama, dumar go'yo cad la dul saaray oo wax dhiig u eg lagu dul daadiyay ayaa isu soo baxay, kuwaas oo matalayay dilka dumarka loo geysto.

Dibadbaxayaal kale ayaa isugu soo baxay dalalka Yurub.

Dumar ka qeybgalay mudaaharaad ka dhacay magaalada Nantes ee dalka Faransiiska ayaa gacmahooda ku qoray "jooji" iyo "138" oo u dhiganta tirada dumarka ee sannadkan ay dileen raggii qabay ama kuwii horey u soo guursaday.

Dalka Taliyaaniga, dhismaha sanetka ee Turin ee loo garanayo Palazzo Madama, waxaa loo badalay guduub, taas oo lagu xusayay Maalinta soo afjarida Rabshadaha ka dhanka ah Dumarka.

Kumannaan kale ayaa isugu tagay magaalooyiinka Spain oo isla arrimahaas ka hadlayay. Illaa 52 dumar ayaa la sheegay in dalkaas lagu dilay, tan iyo bilowgii sannadkan.

Dhanka Turkiga, magaalada Istanbul waxaa ku mudaaharaaday dumar ay qaarkood isku dheceen booliska.

Koox fadhigeedu yahay Istanbul oo loo garanayo "Waan Joojin Doonnaa Dilka dumarka", waxay sheegayaan in illaa 300 oo haween ah lagu dilay Turkiga sannadkan.

Magaalada Brussels, kabo guduudan ayaa la dhigay jidadka, si loo xuso haweenka dhibananayaasha ah ee dhintay.

Haweenka Sudan ayaa sidoo kale ku soo biiray dumarka dhaqdhaqaaqa sameynaya, kuwaas oo ku heesayay "xuriyad, nabad iyo cadaalad".

Dhamman sawirradan waa in aad xuquuqdaado sheegtaa.