"Waxay noqotay inaan wax kasta iibiyo si aan dawada kansarka iskaga bixiyo"

"Runtii qaali bay ahayd. Markii ay waxan oo dhami bilowdeen, waxay noqotay inaan iibiyo wax kasta oo aan lahaa," ayay tiri Awa Florence oo ah bukaan la tacaalaya cudurka Kansarka.
"Wax ii haray ma jiraan. Waxaan ahay carmal, mana hayo awood aan iskaga bixiyo kharashka baarisyo dheeraad ah." Ayay ku calaacashay.
Haweenaydan oo ku nool caasimadda Senegal ee Dakar, ayaa sanadkii tegey laga helay kansarka minka.
Kansarku waa cudur haatan fara ba'an ku haya Senegal iyo guud ahaan Afrika, wuxuuna dalkani yahay midkii ugu dambeeyay ee kab lacageed u qoondeeya dawooyinka lagu sumeeyo unugyada kansarku haleelay ee loo yaqaanno chemotherapy ee dhamnaanba isbitaallada dadwaynaha.
Dowladda ayaa sheegtay inay dawadu lacag la'aan u tahay dhamaan haweenka la tacaalaya kansarka naasaha iyo kan minka iyo xitaa qaar ka mid ah dawooyinka loo baahan yahay in lagu daweeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka lagu gubo unugyada (chemotherapy), sida uu BBC u sheegay Khady Mbaye Sylla, Maareeyaha isbitaallada dadwaynaha.
'Sida taayarro cusub'

Yeelkeede, kansarku wuxuu u baahan yahay dawayn aad u adag oo ka badan kiimikada lagu gubo oo qura, taasoo joogta lacag fara badan oo ay tahay inay bukaanku iskood iskaga bixiyaan.
"Waa sida adigoo taayarro cusub soo iibsadey. Si uu gaarigaagu u shaqeeyo waxaad weli usii baahan tahay shidaal, jidad iyo shatiga darawalnimada," ayuu yiri Dr Ben Anderson, Maareeyaha Breast Health Global Initiative.
"Markii aan qaan-sheegtada arkay waxaan la dhacay ooyin," ayay tiri Ms Florence
Kansarka minka iyo kan naasuhu waa labada bugto ee ay geerida ugu badani uga timaado haweenka ku dhaqan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, sida ay qabto Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Saasoo ay tahay sanadihii yaraa ee ugu dambeeyay unbay ka hortagga iyo xakamaynta cudurradani noqdeen moowduuc lagusoo qaado umuuraha caafimaadka dadwaynaha.
Sanaddii 2011-kii, Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurrada aan la is qaadsiin ay yihiin dhibaato ay wajahayaan dalal badan, kuwaasoo dalal badan faqri baday.
Sidaa daraadeed, tallaabada Senegal waxaa loo arkay "mid aad u wanaagsan", sida uu sheegay Dr Anderson.
Kansarka Senegal:

- Kansarka ugu badan: Minka (17.8); naasaha (16.7%); beerka (10.2%); qanjirka prostate-ka (9.1%); caloosha (5.2%)
- Tirada kiisaska cusub ee la diiwaan geliyey (2018): 10,549 - guud ahaan tirada dadka dalkaasi oo ah 16 milyan oo qof.
- Tirada kiisaska dadka kansarka u dhintay (2018): 7,571
Xigasho: WHO
Ilaa dhowaantan, daryeelka caafimaad ee haweenka Afrika wuxuu u qaabaysnaa in lala tacaalo xaaladaha degdegga ah, cudurrada faafa iyo xanuunnada la xiriira uurka.
Hasayeeshee kororka cimriga ayaa wuxuu wataa cudurro cusub, waxayna dhakhaatiirtu ka digayaan wax ay ku tilmaameen "hab-dhaqanno caafimaad oo halis ah" - sida cunto xumo, jimicsi la'aan, adeegsiga aalkolada iyo tubaakada - oo uu sidoo kale kusoo darsamay culayska cudurka kansarka oo qaaradda kusoo kordhaya.
Mid ka mid ah culumada yar ee taqaanna cudurka kansarka, burooyinka iyo feexaha (oncologists) ee ku sugan magaalada Dakar ayaa BBC u sheegay in haatan ay si wax ku ool ah u dhimeen dadka u geeriyoonaya cudurkan, balse waxaa weli loo baahan yahay in wax intaa ka badan oo la qaban karo laga qabto.
"Waxaannu u baahan nahay inaan kabno dawooyinka kansarka guud ahaanba, min baaritaanka hore ilaa dawadiisa dambe oo ay ku jirto midda la siiyo qofka laga quustay," ayuu yiri Dr Mamadou Diop.
Waxaa intaa dheer in marka laga soo tago kiimikada cudurka lagu gubo ay bukaannadu u baahan yihiin qalliin, halka qaar ay u baahan yihiin dawayn dhanka dhecaannada jirka ah (hormonal therapy or radiotherapy).
Dalka Senegal, hal kuuro oo noocan ihi waxay ku kacaysaa qiyaastii $250 (£195) iyo qalliin ku kacaya $330 oo doollar. Taasoo weliba imanaysa mar uu bukaanku horraanba soo maray baaristii hordhaca ahayd oo ka badan lacag dhan $1,600 oo doollar.
Haweenka sida Ms Florence, oo bishii oo idil qaadata $80 doollar, kama bixi karto oo aad bay qaali ugu tahay.

Ms Florence waxay quud darraynaysaa in tallaabooyinkan cusubi ay caawin doonaan haweenka iyadoo kale ah, balse weli dood bay qabtaa.
"Waxay leeyihiin waa bilaash, balse ma hubno inaannu foomam kala geddisan buuxin doonno iyo in aan u baahan doonno iibsigga dawooyin degdeg ah…," ayay tiri, iyadoo uu codkeedu sii tegayo.
"Dowladdu ma bixin doontaa dawada gubniinka unugyada oo ku kacaysa $250 ama iskaanka oo ku fariisanaya $130? Haddii ay dowladdu taa bixinayso, haa markaas - waa wax wanaagsan." Ayay tiri.
Xog la'aan
Saasoo ay tahay, waxay kaalmo daawo ka doonatay meelo kale.
"Markii aan bilowgiiba qaan-sheegtada arkay waxaan bilaabay inaan ooyo. Waxaan dhakhtarkayga u sheegay inaanan bixin karaynin, wuxuuna igu xirey hay'adda Anti-Cancer League oo i caawin kara."
"Waxaan dhaqse u ballansan nahay radiotherapy waxaana natiijada ula noqon doonaa dhakhtarka oo kadina ii sheegi doona waxa xiga ee aan samaynayo," ayay tiri Ms Florence.
"Hannaanka gubista unugyada (Chemotherapy) aad buu u adag yahay. Waxaan door bidi lahaa inuusan ii sheegin inaan markale sameeyo.. waa mid xanuun miiran ah, waana inaad cunto cunnooyin caafimaad leh sida khudaar, waana adag tahay marka aadan lacag haysan." Ayay tiri.
Hay'adda Senegal ee Anti-Cancer League ayaa dadka u samaysa baaritaanno bilaash ah.
Iyadoo sidaas ay tahay oo ay dowladdu tillaabadan ku dhawaaqday misna Dr Diop ayaa rumaysan inay weli jiraan bukaanno fara badan oo reer Senegal ah oo aan weli helin wax dawayn ah, haba yaraatee, iyadoo aysan qaar badani arrintan ogayn.
Marka la eego celceliska ka raysiga cudurka kansarka aad bay u hooseeysaa shantii sanadood ee ugu dambeeyay aad buu u hooseeyaa dalalka soo koraya oo ay tahay 10 ilaa 20%, halka dalalka ladan ay raysashadu ka badan tahay 80 iyo 90%, sida uu sheegayo Dr Prebo Barango oo ka tirsan WHO.
Qodobbada caawiya cudurka kansarka waxaa ka mid ah:
- Xog la'aan ku saabsan astaamaha hore ee kansarka
- Baaritaanka ogaanshaha oo soo daaha ama cudur kale lagu khaldo
- Hannaanka gudbinta kiiska bukaanka oo liita ama aan jirin
- Dadka qaar oo masaafo ahaan ka fog goobaha daryeelka iyo dawaynta cudurka
- Kharashka dawaynta oo aad u sarreeya
- Hannaanka daryeelka caafimaadka oo aad u liita iyo dawooyinka oo aan la qaadan.
(Isha: WHO)

Waa caqabad wayn oo ka taagan guud ahaan Afrika, waxaa sidoo kale xaaladda kaga sii daraysa xog la'aan ku aaddan cudurkan, taasoo adkaysa in la qiimeeyo oo tallaabo ku habboon laga qaado cudurkan.
Dad badan oo Afrikaan ah ayaa aaminsan inay dayreel fiican ka helayaan Hindiya
Dr Barango ayaa sheegay in 3 meelood hal meel ka mid ah cudurkan laga hortegi karo iyadoo la iska ilaaliyo qodobbo muhim ah.
Inta badan dalalka Afrikaanku waxay "sare u qaadeen tallaabooyinka ka hortagga halista cudurka kansarka", ayuu raaciyay, isagoo tusaale usoo qaatay in la sameeyay barnaamijyo ku aaddan koontoroolka tubaakada ama buuriga.
Waxaa soconaya dadaallo lagu ballaarinayo inay dadku galaangal u yeeshaan dawaynta kansarka minka iyo in dadka loo sameeyo dawo rakhiis ah oo hordhac ah, ayuu intaa ku daray Dr Barango.
Kansarka minku waa nooca ugu badan Afrika, saasoo ay tahay waxaa inta badan lagaga hortegi karaa tallaal iyo baaritaan, sida ay qabto hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Dalal badan - oo ay ka mid yihiin Botswana, South Africa, Zimbabwe, Senegal, Ethiopia iyo Malawi - ayaa dhaqan geliyey tallaalka HPV kaasoo haatan ka mid ah barnaamijka tallaalka heer qaran ee dalkaasi.
Sida ay haatan tahay, inta badan bukaannada kansarka Afrika waxaa la ogaadaa xilli dambe oo ay aad u yar tahay rajada laga qabo inuu qofku badbaado - xitaa kiisaska dawooyinkooda la heli karo lana iibsan karo, sida ay sheegayso Maareeyaha WHO ee Afrika Dr Matshidiso Moeti.
Haddii lacag dheeraad ah lagu kharash gareeyo barnaamijka baraarujinta bushada ee ku aaddan astaamaha hordhaca ah ee kansarka - dadkana lagu boorriyo inay dhaqan geliyaan hab-nololeed sidii hore ka caafimaad badan - waxay khubaradu rumaysan tahay in dad badan la badbaadin kari lahaa.










