Ismaamul Tobnaad oo la filayo inuu ku soo biiro Itoobiya

Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa ayaa sheegtay gobolka Sidaama oo ka tirsan ismaamulka Shucuubta Koonfureed Arbacada hoteenna ah codbixinta afti ay aayahooda kaga tashanayaan ay dhaceyso.

Ms Birtukaan oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Hawaasa ayaa sheegtay marxaladda aftida iney sidi looga tala galay ay ku socdaan walow ay jiraan dhibaatooyin yar yar oo ay ka mid yihiin gaadidka balse intooda badan la xalliyey.

"Dhibaatooyinkaasina waxaan ka cabsi qabnaa iney ku dhawaaqidda natiijada maalin ama laba maain dib u dhigto" ayey tiri.

Cod bixinta aftida lagu ogaanayo gobolka Sidaama inuu ka sii tirsanaado deegaanka Shucuubta Koonfureed iyo inuu deegaan madax bannaan uu noqonayo waxay ka dhaceysa Arbacada horteenna ah.

Sida shirka Jaraa'id ee guddiga doorashooyinka lagu sheegayna waxaa codbixinta aftidaasi iisu diiwaan gelisay 2.3 milyan oo qof. Xubnaha fulinta guddiga doorashadana waxay gaarayaan 6,000 iyada oo ay codbixinta aftidana ay ka dhaceyso 1,692 goobood.

Waxaa sida oo kale marxaladda codbixinta goob joog ka noqonaya ayuu yiri guddigu 160 xubnood oo ka kala socda ururrada bulshada rayadka, xubnaha guddigana waxay soo kormeereen qaar ka mid ah goobaha ay codbixintu ka dhaceyso.

Waxaa sida oo kale codbixinta goob joog ka noqonaya xubno guddiga doorashooyinka ka socda.

"Golaha deegaanka Shucuubta Koonfureed waxaan marar badan weydiisannay iney wakiilladooda soo dirsadaan si ay codbixinta aftida ula socdaan balse nooma soo dirin, taasina waa nasiib darro " ayey tiri.

Ilaa iyo hadda kormeerka ay goobaha cod bixinta ku sameeyeenna waxaa ka mid ah: "iney soo arkeen in goobaha cod bixinta calaamado aan loo baahneen iyo masaafadi looga tala galay iney shacabka u jirsadaan inaan la ilaalin taasina ay saxeen".

"Maalinta ay dhaceyso codbixinta aftidana xafiisyada dowladda iyo goobaha waxbarashada dhammaantood wey xirnaanayaan, goobaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahayna sida oo kale" ayey tiri Ms birtukaan.

Qalabki codbixinta loo adeegsan lahaana waxaa laga soo wadaa Addis Ababa iyada oo ay si weyn u ilaalinayaan ciidamada qalabka sida waxaana la geynayaa ayey tiri goobaha codbixinta ay ka dhaceyso ee gobolka Sidaama.

Shanta Ismaamul oo si aan sharci ahayn ismaamulnimadooda lala noqday

Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan 80 qowmiyadood oo kala af iyo kala diin ah. Xilligi Dowladdii Mangiste wuxuu dalka Itoobiya u qaybsanaa 14 gobol.

Marki uu xilka ka dagay madaxweynihi hore ee dalkaasi Itoobiya Mengistu Haylemaaryaam 1990-kii oo ay dowladdi ku meel gaarka ahayd ay xilka qabatay waxaa dalka Itoobiya 1991-kii ka sameysmay 14 ismaamul, ismaamullaadaasi oo ku saleysnaa afafka ay qowmiyadaha ku hadlaan iyo qowmiyadaha ugu tirada badan.

Hase yeeshee, shan deegaan oo ka mid ah deegaanadaasi ayaa waxyar kaddib si aan sharci ahayn loo mideeyey oo la isugu geeyey deegaanka Shucuubta Koonfureed.

"Waxaan xusuustaa in shan deegaan oo lagu dhisay dastuurki ku meel gaarka ahaa qodobkiisa 7/1991 oo sharci ahaa, ayaa haddana si aan sharci ahaan lagu mideeyey" ayuu yiri Barafsoor Beyene Petros oo golaha xildhibaannada dalka deegaankaasi ku matalayey.

Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee shanta deegan la isugu geeyey waxa aku nool 56 qowmiyadood oo kala af ah, waxaana ismaamulkaasi lagu dhisay sharci ka duwan deegaannada kale.

Ismaamullada shanta ahna waxay laba sano soo ahaayeen ismaamullo sharci ah oo ka jiray dalka Itoobiya, waxayna deegaannadaasi kala ahaayeen:

  • Deegaanka 7aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Guraage, Kambaata, Yem, Halaaba iyo Silteee caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Hosaana.
  • Deegaanka 8aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Sidaama, Geedio, Amaarro iyo Burji caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Hawaasa.
  • Deegaanka 9aad: waa ismaamul ay ka wada tirsanaayeen qowmiyadaha Walayta, Gamo-gofa, Dawro iyo qowmiyado yaryar, caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Arba-minch.
  • Deegaanka 10aad: waa ismaamul ay isugu tageen qowmiyadaha dega Koonfurta Wabiga Omo caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Jinkaa.
  • Deegaanka 11aad: waa ismaamul ay isugu tageen qowmiyadaha daga goobaha ka baxsan wabiga Omo caasimadda ismaamulkaasina waxay ahayd magaalada Miizaan-Tafari.

"Deegaannada sida qasabka oo aan sharciga ahayn lagu mideeyey waxay keentay iney shucuubta deegaannadaasi ku nool iney helin adeeg horumar oo ku filan iyo iney iyagu iskood iisu maamulaan" ayuu yiri barafasor Beyene.

"Hantidi ay wada lahaayeen shucuubta Koonfureed oo dhanna waxaa lagu maal geliyey caasimadda Hawaasa oo xaruun u ah deegaanka Shucuubta Koonfureed mustaqbalka dhowna laga yaabo iney noqoto caasimadda Ismaamulka Sidaama".

"Deegaanka Sidaama haddii uu sameysmana waxaa cabsida u weyn ee laga qabo ay tahay iney qowmiyadaha soo haray hanti qaybsiga ku heshiin waayaan iyo halka ay caasimad ka dhigan lahaayeen" ayuu yiri Barafsoor Beyene Petros oo golaha xildhibaannada dalka deegaankaasi ku matalayey.