Maalinta Dadkii Dhintay: Maxay tahay sababta qolfooftan waaweyn loogu dhejiyay jidadka Mexico?

Qolfoof wayn ayaa "lagu arkay" jidadka xaafadda Tlahuac ee caasimadda Mexico.

Waxaa si wayn ugu farxay carruurta deegaanka ah. Waxyaabahan ayaa magaalad lagu xiray ka hor xilliga dabadegga loo garanayo Maalinta Dadka Dhintay oo la xuso 1 iyo 2 November.

Waxaa laga sameeyay alwaax. dadkii sameeyay ayaa sidoo kale dhinacooda dhigay wax u muuqda in ay laamiga hoostiisa ka soo baxayaan qolfooftan.

Mexico waxaa ku sii xoogeysanaya munaasabaddan sannadlaha ah oo lagu maamuuso dadkii geeriyooday.

Maanta, boqollal qof oo u soo lebistay ka qeybgalka munaasabadda loo bixiyay Catrina waxaa soo jiitay qolfooftan weyn ee jidadka la dhigay.

Waxaa magaca Catrin bixiyay farshaxanistaha dalkaas caanka ka ah ee José Guadalupe Posada oo 100 sano ka hor sameeyay qolfoof middan la mid ah.

Isu imaatinka Catrina, waa arrimo qoys oo dhammaan jiilalka ay ka qeybgalaan.

Mid ka mid ah munaasabadaha ugu waaweyn waxaa lagu qabtaa ciidamadda dalkaas ee Mexico City. Waa mid si weyn loo qurxiyay.

Dabaaldegga waa taariikh soo jireen ah oo laga soo guuriyay xilliyo ad u fog.

Dhammaan ddka ka qeybgalaya uma soo wada lebisan sida qolfoofta - sannadkan, boqortooyada Balanbaalista, oo u guurtay Mexico, ayaa sidoo kale sannadkan la xusay.

laakiin qolfoofta, h ahaato casri ama dhaqan, waa midda ugu cansan.

Sawirrada oo dhan waa in aad xuquuqdooda sheegtaa.