Dr Abiy: "Abaalmarinta la i siiyey Afrika oo dhan baa leh"

Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali

Raisul Wsaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay abaalmarinta nabadda ee Nobel ee la guddoonsiiyey uu keligii lahayn oo ay leedahay qaaraddan Afrika oo dhan.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Abaalmarinta Nabadda ee la guddoonsiiyey Dr Abiy waxaa looga fal celiyey siyaabo kala duwan. Goobaha sida gaarka ah looga dareemayey waxaa ka mid ah magaalada Abu Dubai.

Dhismayaasha waaweyn waxaa lagu sharraxay calanka dalka Itoobiya oo xalay oo dhan laga dheehanayey dhismayaasha intooda badan waxaa sida oo kale meela badan la suray sawirka Amiirka Imaaradka Carabta Amiir Maxamed bin Zayed iyo Ra'isul Wasaare Dr Abiy Axmed. Wuxuuna amiirka boggiisa Tweetarka soo dhigay farriin hambalya ah oo afka Amxaariga ku qoran.

Dhisma ka mid ah Abu Dubai oo calanka Itoobiya lagu sharraxay

Xigashada Sawirka, AMBASSADOR SULEYMAN DADAFO

Farrinta hambalyada uu Amiir Maxamed bin Zayid uu u diray Dr Abiy waxay u akhrismeysaa sidan: "Saaxibkeey Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed Abaalmarinta nabadda ee Nobel uu ku guuleystay aad baan ugu faraxsanahay. Ra'isulwasaaruhuna rajada nabadda uu gobolka ka dhaliyey abaalmarintaasi waa uu mudan yahay".

Sawirka Amiir Maxamed bin Zayed iyo Ra'isal Wasaare Dr Abiy Axmed oo dhisma la suray

Xigashada Sawirka, AMBASSADOR SULEYMAN DADAFO

Dr Abiy Axmed waa qofka 12-aad oo qaaraddan Afrika ka soo jeeda oo Abid ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Abaalmarintan oo marki 100-aad la bixiyey waxaa ilaa iyo hadda ku guuleystay 107 qof iyo 27 hay'adood.

Haddaba dadka qaaraddan Afrika u dhashay ee horay ugu guuleystay abaalmarinta nabadda waxay kala yihiin:

  • 2008 - Denis Mukwege - Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
  • 2015 - 2015 Nashnay Dialog Quartet - Tunisiya
  • 2011 - Alen Johnson Sarlif - iyo Leimah Gibowi - Liberia
  • 2005 - Maxamed al-Baraadici -Masar
  • 2004 - Wangari Matai - Kenya
  • 2001 - Kofi Anan - Ghana
  • 1993 - Nelson Mandela iyo FW Diclark - Koonfur Afrika
  • 1984 - Dezmond Tutu - Koonfur Afrika
  • 1978 - Anwar al-saadaat - Masar
  • 1960 - Albert Lutuli - Koonfur Afrika
Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Dr Abiy Axmed Cali Muxuu ku mutuestay Abaalmarintaasi?

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay "nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea".

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

" Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan".