Morocco: Weriye loo xiray in ay ilmo iska soo xaaqday

Haweeney Wariye ah oo u dhalatay waddanka Morocco ayaa lagu riday xukun xabsi hal sano ah, kaasoo ku yimid kiis ay dadka xuquuqda aadanaha u dooda ku tilmaameen mid qeyb ka ah howlgallada ay dowladda ku bartilmaameedsato wariyeyaasha aan taageersaneyn xukuumadda.

Hajar Raissouni iyo ninka guursan rabay ayaa bishii August lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Rabat, xilli ay kasoo baxeen xarun caafimaad oo uu leeyahay dhakhtar ku takhasusay arrimaha haweenka.

Gabadhan wariyaha ah ee 28 jirha ah ayaa beenisay eedeymaha dacwdada loogu soo oogay, waxayna sheegtay inay dhakhtarka u aadday si looga daweeyo dhiigbax gudaha ah.

Ms Raissouni ayaa u shaqeyneysay wargeys madax bannaan oo qora maqaallo lagu dhaleeceeyo saraakiisha dowladda, kaasoo lagu magacaabo Akhbar Al-Yaoum, waana maalinle.

Hase yeeshee Hajar waxay dacwadda ku qeexday "maxkamadeyn siyaasadeed", iyadoo sheegtay in boolisku ay horay su'aalo uga weydiiyeen arrimaha ku saabsan qoyskeeda iyo qoraallada ay sameyso.

Iyadoo xiran indhashareer madow, oo madaxeeda qariyay, Ms Raissouni waxay u muuqatay qof daggan markii la geynayay maxkamadda magaalada Rabat.

Iyada iyo ninka guursan raba, oo u dhashay dalka Suudaan, waxay beeniyeen inay ilmo iska soo xaaqday.

"Waan la yaabnay eedeynta xukunka lagu saleeyay", ayuu yiri qareenkeeda, Abdelmoula El Marouri, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhammaan caddeymaha dhinaca caafimaadka ay meesha ka saari lahaayeen kiiskaas.

Qareenka ayaa intaas ku daray in uu racfaan ka qaadan doono xukunka xabsiga halka sano ah ee lagu riday wariyaha.

Dacwad oogaha kiiska gacanta ku hayay ayaa sheegay in arrintan aysan wax lug ah ku lahayn shaqada haweeneydaas ee dhinaca wariyenimada.

Xarunta caafimaad ee ay booqatay ayuu sheegay inuu ku socday baaritaan ay ka wadeen ciidamada booliska, maadaama lagu tuhmay in halkaas si sharci darro ah haweenka ilmaha looga soo xaaqo.

Maxkamadda ayaa ninka ay gabadhan wariyaha ah u doonnaneyd ku ridday xukun xabsi halsano ah, halka dhakhtarkii lala soo eedeeyayna lagu xukumay labo sano oo xarig ah.

Kaaliyihii dhakhtarka iyo kalkaaliso ka howlgaleysay xarunta ayaa sidoo kale lagu helay dambiga, hase yeeshee waxaa lagu riday xukunno waqtigooda dib loo dhigay.

Ahmed Benchemsi, oo ah agaasima goboleedka hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa xukunkan ku qeexay "mid maalin madow u ah xurriyadda waddanka Morocco", wuxuuna ugu yeeray "caddaalad darro qaawan", xadgudub lagu sameeyay xuquuqul insaanka iyo waliba weerar aan geed loogu soo gabbanin oo lagu qaaday xurriyadda shakhsiga.