Robert Mugabe oo loo sameeyay aas heer hoose ah

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ugu dambeyn lagu aasay tuulo miyiga ku taalla, oo ah halkii uu ku dhashay, saddex isbuuc ka dib markii uu geeriyooday isagoo 95 jir ah.

Waxaa qabrigiisa laga sameeyay deegaan lagu magacaabo Kutama oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Harare.

Mugabe wuxuu 6-dii bishan September ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Singapore ka dib ku dhawaad labo sano markii laga afgambiyay xukunkii uu hayay 37-da sano.

Qoyskiisa ayaa go'aansaday inay aas gaar ah u sameystaan ka dib muran ay isbuucyo kula jireen dowladda.

Markii naxashka uu meydka Mugabe ku jiray qabriga la galinayay waxaa ku hareereysnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo xubno kale oo ka mid ah qaraabadiisa dhow.

Laakiin tiro yar oo ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa ayaa ka qeyb galay aaska, mana jirin mas'uuliyiin sar sare oo halkaas tagay.

Qabrigiisa waxaa laga dhigay meel ka mid ah daaradda guriga qoyskiisa.

Dad badan ma aysan fileynin in nin mar waddankiisa ka ahaa qof aad loo qaddariyo oo laga cabsado loo sameyn doono aa sheer hoose ah oo aan saas loo sii daneyneynin.

Laakiin dadka qaarkood waxay arrintaas u sababeeyeen fikradihiisii siyaasadeed ee ugu dambeeyay.

Hase yeeshee wuxuusan shaki ku jirin in Mugabe uu yahay shakhsi ay si weyn taariikhda u xusuusan doonto.

Robert Mugabe wuxuu ahaa qof guul darrada neceb oo mar kasta inuu madaxiisa korreeyo jeclaa, ka hor inta aan afgambi uusan marnaba ku fikireynin lagu sameynin bishii Nofember ee sanadkii 2017-kii.