Shaqada geerida: Ma jiro degdeg looga mid noqdo booliska Mexico

"Waxaa la toogtay 11 jeer waxa uuna ku dhintay waddada dhexdeeda," waxaa sidaasi yiri Ismael Ramos 2016 markii la dilay Telésforo Ramírez.

Toogashada ayaa dhacday xilli ay gaaf wareegayeen waddooyiinka magaalada Mexico City islamarkana waxuu Ismael Ramos ilaa iyo maanta maskaxdiisa ka go'i la'a saaxibkii oo dhiigbaxaya oo uu arkay.

Ilaa iyo imika ma jirto cid loo xiray dilkii Ramírez taasi oo ay saaxibadii ilaa iyo imika ay la fajacsan yihiin.

Askariga lagu magacaabo Ramos ayaa farta ku fiiqay inuu rumaysan yahay in toogashada saaxibkii ay fuliyeen xubna ka tirsan kooxaha ka ganacsada daroogada.

"Waa mid aan la rumaysan Karin in cidna aysan isku mashquulin kiiskiisa," ayuu yiri isaga oo dib u milicsaday baaritaan la'aanta kiiskan.

Shaqo halis badan

Dilka askariga lagu magacaabo Telésforo Ramirez' ma aha mid ku cusub dalka Mexico iyada oo dilalka loo geysto booliiska inta badan aan cidna loo ciqaabin.

Waxaa sii kordhaysa dilalka loo geysanayo askarta booliiska dalkaasi,sida ay sheegtay hay'adda Causa en Común, oo ah hay'ad aan dowli ahayn ,waxayna hay'adda iftiimisay xaaladda halista ah ee ay ku shaqeeyaan booliiska dalka Mexico.

Qaybtii hore ee sanadkan, 235 booliis ah aya la dilay tiradaasi oo ka badan marka loo barbar-dhigo 2018.

"Way sahlan tahay in booliiska la dilo dalka Mexico," waxaa sidaasi BBC u sheegtay madaxa hay'adda Causa en Común, María Elena Morera,.

"Mareykanka marka la dilo askari booliis ah waxaa qaaylo dhaan sameya shacabka,balse halkan ma jiro wax daneynaya nafta booliiska,waxay u muuqataa in aysan jirin cid dan ka leh," ayay intaa ku dartay Ms Morera .

Xirfad halis ah

Tirada booliiska la dilayo oo sii kordhaysa iyo xaaladda ay ku shaqeeyaan booliiska Mexico ayaa ah labo arrimood oo adkeysay in ay dowladda fuliso ballanqaadkeedii ahaa in la qoro 50,000 oo qof oo buuxiya boosaska ciidamada ilaalada qaranka 2022.

Madaxwayne Andrés Manuel López Obrador ayaa ku dhawaaqay in uu samayn doono ciidamo cusub oo dhar-cad ah ka hor intii uusan xilka qaban bishii December 2018.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada ilalada qaranka ay muhim u yihiin iney hoos u dhigaan dambiyada iyo rabshadaha dalkaasi ka jira.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo iyagu diidan in ay ku biiraan ciidamada cusub ee ilaalada qaranka.

Mid ka mid ah dadkaasi diiday inuu ku biiro ciidamada amaanka qaranka waa Marco Villafaña,waa 33 jir horey uga tirsanaa booliiska .

Mr Villafaña waxa uu ka howlgali jiray magaalda Guanajuato, oo ku taalla bartamaha Mexico halkaasi oo tiro badan oo askar ah lagu dilay.

24 askari ayaa lagu dilay laga soo bilaabo bishii January ilaa 21 August ee sanadkan.

"Waxaan ugu biiray si aan adeeg u fidiyo,balse markiiba waxad ogaanaysaa in musuqmaasuqu uu meel walbo yaallo."ayuu yiri Mr Villafaña.