You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Sida duufaanta Dorian u baabi'isay Bahamas
Jasiiradda Bahamas waxay bilowday qiimeynta dhibaatada ay geysatay duufaanta Hurricane Dorian.
Dabeysha Dorian waxay ku dhufatay Jasiiradaha Abaco. Waxaa lagu qiimeeyay awooddeeda in ay ahayd dabaqadda shanaad ee hurricane. Ka dib waxay usii gudubtay Bahama oo laba maalmood ay dul taagneyd.
Kumannaan guri ayaa burburay, ugu yaraan 20 qofna way ku dhinteen, inkastoo la filayo in ay tiradaas sii kororto.
Ra'iisul Wasaare Hubert Minnis wuxuu sheegay in dabeysha ay sababtay "musiibo guud".
Bahama-da weyn:
Duufaanta Dorian waxay si ba'an u dhibaateysay garoonka caalamiga ah ee Jasiiradda, waxayna sababtay in howlgalka samatabixinta la hakiyo.
Qaar ka mid ah guryaha cusub way badbaadeen, halka kuwana ay dhulka la sinmeen.
Jasiiradaha Abaco:
Jasiiradaha Abaco waxay awood aan caadi ahayn kala kulmeen duufaanta Hurricane Dorian, dhammaadkii isbuucii tagay. Keliya waxaa la mid ah duufaantii 1935-tii ee Maalintii Shaqaalaha taas oo ku socotay xawaare gaarayo 298km saacaddii.
Dabeysha ayaa baabi'isay Magaalada Marsh Harbour.
Dhammaan bulshada Abacos ayaa ku guryo-beelay duufaanta, kumannaan ka mid ahna hadda maba haystaan meel ay dhaxanta ka galaan iyo gargaar.
Biyaha badda ayaan weli dib u noqon, qeybo badan oo ka mid ah xeebaha jasiiradda.
Qoysaska qaar waxaa ka muuqata farxad ka dib markii ay dib ugu kulmeen caasimadda Nassau, markii laga soo daadgureeyay guryahooda.
Sawirradan waxaa ku xiran xuquuq