Shaqaalaha dab damiska oo badbaadiyay baadariga ugu weyn masiixiyiinta, Pope Francis

Baadariga ugu weyn madhabta katoligga ee diinta masiixiyiinta, Pope Francis ayaa raalli galin ka bixiyay inuu kasoo daahay munaasabad duco ah oo laga sugayay, wuxuuna sheegay inuu kasoo bixi waayay wiilsha lagu raaco, ama looga dagto dhismaha kaniisadda Vatican-ka.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dab damiska ayaa baadariga badbaadiyay, wuxuuna kasoo saaray wishkii ku xirmay ee uu ku dhex xayirnaa.

Baadarigan 82 jirka ah ayaa sheegay inuu mashiinka dhismaha loo isticmaalo ku dhex xannibnaa muddo 25 daqiiqo ah.

Arrintan ayaa dhacday markii ay korontada ka tagtay dhismaha, waxaana markaas ka dib baadariga u gurmaday shaqaalaha dab damiska ah.

"Waa inaan idinka raalligaliyo soo daahitaankeyga", ayuu yiri baadariga oo dhoollacaddeynayay xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta.

Waxa uu markaas ka dib ka codsaday dadkii halkaas ku sugnaa inay u sacbiyaan shaqaalaha dab damiska.

Khudbaddiisa ayuu sidoo kale baadarigu ku sheegay in "hakad ku yimid qulqulkii korontada uu sababay in wiishka uu istaago".

"Nasiib wanaag ciidanka dab damiska ayaa yimid, aad baana ugu mahad celinayaa, ka dib markii ay 25 daqiiqo dadaal sameunayeen waxay ku guuleysteen inay mar kale ka shaqeysiiyaan mashiinka", ayuu yiri.

Saxafiyiinta Telefishinnada ee dalka Talyaaniga, oo si toos ah u tabiya howsha kaniisadda ee maalinta Aaxadda ah, ayaa aad uga walwalay baadariga, maadaama uu waqtigii loogu talagalay aad uga soo daahay.

Muslimiinta Bariga Dhexe 'waa inay soo dhaweeyaan Masiixiyiinta'

Madaxa goobta ugu sarreysa ee lagu barto diinta Islaamka ayaa waxa uu ugu baaqay Muslimiinta Bariga Dhexe inay soo "dhaweeyaan" Masiixiyiinta la nool.

Sheekh Axmed al-Tayeb, oo ah Imaamka weyn ee al-Azhar ee dalka Masar, ayaa waxa uu sheegay dadkii isugu yimid kulanka diimaha ee ka dhacayay magaalada Abu Dhabi ee uu ka qeybgalay Baadari weynaha Pope Francis, in Masiixiyiintu ay "walaalaheen yihiin".

Sidoo kale waxa uu Muslimiinta ku nool Galbeedka ugu baaqay inay dhexgalaan bulshooyinkooda iyagoo dhaqankooda ilaashanaya.

Khudbaddiisa ayuu Baadari weyne Pope Francis waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka soconaya Bariga Dhexe.

Madaxa Kaniisadda Roman Catholic-ga, kaas oo booqashadiisii ugu horraysay ku jooga jasiiradda Carabta, ayaa waxa uu sheegay in "cawaaqib xumo aad u daran" oo ay sababeen qulqulatooyinka laga dheehan karo dalalka Yemen, Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya.

Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu qeyb ka yahay isbahaysiga uu Sucuudigu horkacayo kaas oo faragelinta uu ku hayo colaadda Yemen ay gacan ka gaysatay in dalkaasi ay ka dhacdo dhibaatada bini'aadamnimo ee ugu xun ee haatan ka taagan dunida.

Sheekh Axmed iyo Baadari Francis ayaa waxa ay khudbado u jeediyeen dad matalayay diimo kala duwan oo habeenkii Isniintii isugu tagay magaalada Abu Dhabi kaddib markii ay saxiixeen "Dikumintiga ku saabsan in wadadhalashada bini'aadamka loo isticmaali karo in la wada noolaado nabadna caalamka uu noqdo".

Dikumentiga ayaa waxa uu hogaamiyayaasha dunida ugu baaqayaa inay wadashaqeeyaan si "loo faafiyo dhaqanka ku dhisan dulqaadka" iyo "in xilliga ugu horreeyo faragelin la sameeyo si loo joojiyo daadinta dhiigga dad aanan waxba galabsan iyo in la soo gebagabeeyo dagaallada, colaadaha, cimillada sii xumaanaysa iyo hoos u dhaca dhaqan iyo niyadeed ee uu caalamku haatan wajahayo".

Dikumintiga ayaa sidoo kale waxaa ku jira cambaarayn xooggan oo loo jeediyay dadka magaca Allaah ku bannaysanaya inay qulqulatooyin abuuraan. "Allaah, Subxaanahu, uma baahna inuu qof difaaco mana doonayo in magaciisa loo isticmaalo in lagu argagixiyo dadka," ayuu qorayaa bayaanka.

Masiixiyiinta - iyo xubnaha dadka haysta diimaha dadkooda laga tirada badan yahay - ayaa sanadahan waxaa si joogta ah dalalka Bariga Dhexe ugu weerrara Islaamiyiinta xagjirka ah. Sidoo kale waxa ay xayiraado ku soo rogeen qaabka ay diintooda ugu dhaqmaan, iyo weliba faquuq dhinaca sharciga iyo bulshada ah.

Khudbaddiisa, ayuu marka hore Sheekh Axmed waxa uu kula hadlay Muslimiinta gobolka.

"Farriinta aan idiin hayo ayaa ah: 'Soo dhaweeya walaalihiinna Masiixiyiinta ah. Waa walaalihiin dalka idinla leh. Aad ayey inoogu dhaw yihiin. Kuwaasi ayaa ah waxa gaarka ah ee isku kaaya xiraya," ayuu yiri.

Markaa kaddib ayaa waxa uu u weecday Masiixiyiinta Bariga Dhexe waxaannu yiri: "Waxaan jeclaan lahaa inaydaan adeegsan kalmadda 'laga tirada badan yahay'.

"Ma tihiin dad laga tiro badan yahay. Waxaad tihiin muwaadiniin. Kalmaddaas aannu iska ilowno. Waxaad tihiin muwaadiniin xuquud buuxdo leh. Waxa isku kaaya xiraya ayaa ah sida dhagax adag oo burburinaya kuwa doonaya inay ina qaybiyaan."

Imaamka ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Muslimiinta ku nool Galbeedka inay dhexgalaan bulshooyinkooda iyagoo dhaqankooda ilaashanaya shuruucda maxalliga ahna qadarinaya.

"Haddii dalalka aad ku nooshahay ay kugu soo wajahdo dhibaato diintaada ku saabsan waa inaad la hadashaa hogaamiyayaasha diintaada, sidaasna aad dhibaatada ku xallisaa."

Subaxa Talaadada, Baadari Francis waxa uu la dabaaldegi doonaa 135,000 oo qof oo isugu iman doona tuulada ciyaaraha ee Zayed ee magaalada Abu Dhabi.