Qalalaasihii Suudaan oo heshiis laga gaadhay

Xigashada Sawirka, AFP
Mohamed Hamdan "Hemeti" oo si weyn loogu tilmaamo inuu yahay qofka ugu awoodda badan dalka Sudan- ayaa ballan qaaday inuu u hoggaansami doono qodobbada ku xusan heshiiskan.
Hemeti waa taliyaha xoogagga magacooda loo soo gaabiyo RSF oo ka abuurmay maleyshiyaadkii caanka ahaa ee Janjaweed-ka, kuwaasoo horayna loogu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen gobolka Darfur ee galbeedka daka Suudaan.
Wuxuu gaashaanka u daruuray arrin lagu xanto oo ah in awooddiisu ay saameyn ku yeelan karto maamul kasta oo dalka loo dhiibo, uuna wuxuu doono u meerin karo.
Heshiiska cusub waxaa garabka Milatariga u saxiixay Hemeti iyo janaraal kale oo lagu magacaabo Abdel Fattah Abdelrahman Burhan, halka Ahmed al-Rabie uu dhanka kale saxiixay isagoo matalaya isbahaysiga isbaddalka iyo xornimada raadinaya, oo ah mudaharaadeyaasha dimuqdaaddi doonka ah.

Ra'iisul wasaareyaasha dalkalka Itoobiya iyo Masar iyo sidoo kale madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha gobolka ee goob joogga ka ahaa munaasabadda qalinka loogu duugay heshiiskaas oo maanta oo sabti ah ka dhacday magaalada Khartuum.
Sida ku xusan heshiiska, gole ka kooban lix mas'uul oo rayid ah iyo 5 ganaraal oo milatari ah ayaa dalka sii maamuli doona ilaa inta laga gaarayo xilliga doorashada.
Labada dhinac ayaa isku raacay inay guddoonka golahan ay isku wareejiyaan muddo 3 sano ah.
Ra'iisul wasaare ay soo xusheen garabka shacabka ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo isbuuca soo socda.
Dibadbaxyo lagu dalbanayay dimuqraaddiyad iyo qalalaase ayaa Sudan ruxayay tan iyo markii bishii Abriil xukunka laga tuuray Cumar Xasan al-Bashir oo muddo dheer madaxweyne ka ahaa dalkaas.










