Gabadhii astaanta u noqotay dibadbaxyada Suudaan oo "tusaale xun usoo qaadatay Soomaaliya"

Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen.
Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya.
"Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya," ayay tiri Alaa Saalax.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray.
Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah.
Waxay ay sheegeen in Soomaalida ay qaddariyaan shacabka reer Suudaan oo aysan ku jeesjeesin.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa ugu baaqay gabadhan in sharaftii geesinimada aheyd ay ku hantay kacdoonka, aysan si khaldan u adeegsan oo aysan ku weerarin dad gaar ah oo horey u taageeray.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Dadka soomaalida waxay taageersan yihiin isbaddallada ka dhacay Suudaan balse "ma aheyn in Alaa ay so qorto aflagaado ka dhan ah Soomaaliya".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Markii uu dalkaasi ka socday kacdoonkii looga soo horjeeday dowladda Al-Bashiir, waxaa baraha bulshada qabsaday Alaa oo qaadaysa hees lagu tageerayo kacdoonka iyada oo gaari dusha ka saaran oo dibad baxayaal badanna ay hareero taagnaayeen.
Sawirka wakhtigaas laga qaaday ayaana astaan u noqday kacdoonka maalmihii u dambeeyay maamulkii Cumar Xasan Al-Bashiir.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan










