Waa kuma hogaamiya kooxeedka laga yaabo in uu hago mustaqbalka Sudan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxamed Xamdan "Hemeti" Dagolo waa madaxwayne ku xigeenka golaha militari ee xukuma Sudan, wakhti xaadirkana waa ninka ugu awoodda badan Sudan.
Waxa uu leeyahay suurtagalnimo ah in uu door ka ciyaari doono mustaqbalka liicaya ee Sudan .
Balse isaga oo ah mid ka mid ah abaanduulayaasha ciidamada Sudan,waxaa ninkan lagu eedeeyya in uu tacadiyo ka dhan ah aadanaha uu ka gaystay gobolka Darfur .
Waxaa sidoo kale dhawaan lagu eedeeyay in uu ogolaaday in ciidamada ay dilaan dibadbaxayaasha.
Hemeti waxa uu sheegay inay lagama maarmaan ahayd in xoog la adeegsado gobolka Darfur si loo difaaco dadka rayidka,islamarkana " baaritaan madaxbanaan lagu samayn doono xooggii ay militariga isticmaalaan dhawaan magaalada Khartuum.
Qof walba "oo gudba xudduuda waa la ciqaabi doonaa ",ayuu yiri Hemeti.
Waxa uu sidoo kale difaacay cadaadiskii iyo gacantii birta ahayd ee lagula kacay dibadbaxayaasha ,isaga oo sheegay in dibadbaxayaasha ay ku soo dhex dhuunteen qas wadayaal iyo kuwa daroogada ka ganacsada islamarkana tallaabo adag loo baahnaa.
"Ma ogolaanayno qalalaaso kamana laabanayno waxa aan rumaysanahay," ayuu yiri "
Waa in aan xushmadda iyo sharciyada dalkeena ku soo celinaa"ayuu intaa ku daray Mr Hemeti
Hemeti iyo kacdoonka Sudan
Mohamed Hamdan "Hemeti" Dagolo waxa uu si aad ah siyaasad ahaan ugu dhawaa Madaxwaynihii hore ee Sudan Cumar al-Bashir,balse dibadbaxyadii ka dhanka ahaa Al-Bashiir ee sii xoogaystay bishii December,ayaa meesha ka saartay daacadnimadii uu u hayay.
Markii ay ka billaabmeen dibadbaxyadii Sudan magaalada Khartuum, Hemeti waxa uu ahaa sargaalkii ugu darajada sareeyay ciidamada ee muujiya in uu tageersan yahay isaga oo dowladda u sheegay "in dadka ay siiso adeeg iyo noolal wanaagsan ".
Waxa uu yiri "dadka musuqmaasuqa galay cidii ay doonaan ha ahaadaan waa in cadaaladda la horkeenaa Waxaa sidaasi ka soo xigatay waakalada wararka ee Sudan 25 bishii December.
Hemeti ayaa taageeradii kala noqday madaxwaynaha 11 April waxaana 2 maalin ka dib loo magacaabay madaxwayna ku xigeenka golaha militariga Sudan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Muxuu ku awood badan yahay?
Inkastoo golaha militariga uu hogaamiyo Cabdel Fattax al-Burhan, ayaa haddana Hemeti waxa uu ahaa qofka hormuudka u ah wadaxaajodyadii lala yeelanayay dublamaasiyiinta reer galbeedka.
Waxaa la sheegay in ay taageereen siyaasiyiintii asaasay jabhadii Janjaweed, oo ahaa maleeshiyaad Carbeed oo cabsi badan ku beeray shacabka gobolka ku yaalla galbedka Sudan ee Darfur.
Tafaftiraha BBC ee Afrika Fergal Keane ayaa ku tilmaamay Hemeti "in uu yahay hogaamiyaha ay suurgalka tahay ee ka so horjeeda kacdoonka .
Xaqiiqada kale ee jirta ayaa ah in awoodda Hemeti ay taageeraan wadamada gobolka ee bahwadaagta la ah ee kala ah Masar Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Sida uu ku waramay TV-ga Al Jazeera, Hemeti ayaa horaantii May la kulmay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan isaga oo u ballanqaaday in uu Sacuudiga ka taageeri doono "dhamaan khatarada iyo weerarada uga imanaya Xuutiyiinta iyo Iiraan ,ayna xitaa Sudan ciidamo u dirayso Yemen .
Waa ku jirta danta boqortooyada Sacuudiga in ay u abaalgudaan ayna xiriir wanaagsan la yeeshaan Hemeti.
Geeleey isu badalay hogaamiye kooxeed
Maxamed Xamdan "Hemeti" Dagolo Waxaa uu ku dhex koray qabiil ah Carabta ka soo jeeda Chad,waxuuna ka soo qaxay dagaalkii 1980maadkii isaga oo ku noolaa gobolka Darfur.
Dagaalkii Darfur ayaa qarxay 2003, ka dib markii qabiilo dadka madow ah oo la gacan-bidxyeeyay ay dhiseen dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka soo horjeeda dowladda.
Hemeti adeerkii Juma Dongolo, ayaa ka mid ah Caaqilada qabiilada carabta ee ku nool xudduuda Chad iyo Sudan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hemeti ayaa iskuulka uga tagay dugsiga hoose dhexe si uu geela uga ganacsado .
Sargaalkani sidoo kale waa ganacsade waxa uuna dhawaan noqday maalqabeen.
Sanaddii 2003, markii uu bilaabmay mucaaradkii Darfur, Hemeti waxa uu gacan ka gaystay in uu isku dubarido maleeshiyaad qabiil si ay uga barbar dagaalamaan dowladda.
Arrintan ayaa keentay in uu taageero ka helo madaxwayne Al-Bashiir.
Waxa uu noqday hogaamiyaha ilaalada xuduudaha oo ahaa koox maleeshiyaad ah oo taageerayay dowladda.
Xadgudubyada xuquuqda aadanaha
Madaxwaynihii hore ee Sudan Bashir ayaa waxaa baadigoobaysa maxkamada ICC isaga oo lagu eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal,xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadnaha oo laga gaystay gobolka Darfur.
Inkastoo aysan maxakamada ICC magacaabin Maxamed Xamdan "Hemeti" Dagolo ayaa hadana hay'adda, Human Rights Watch waxay ku eedeeysay Hemeti in uu goobjoog ka ahaa "Jirdil,dilal qarsoodi ah iyo kufsi " oo ka dhacay Darfur iyo dagaalo kale oo ka dhacay Blue Nile iyo gobolka Kordofan.










