Maxay muhiim u tahay in aan ka hadalno gogol dhaafka?

Lammaane

Xigashada Sawirka, Bobex-73

Qoraalka sawirka, Lammaane

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pense waxa uu diidaa in uu la casheeyo haweenay aan xaaskiisa ahayn, sababtoo ah waxa ay ka tahay xushmad uu u hayo xaaskiisa Karen, waana sharci uu qabo diinta uu rumeysanyahay.

Qubarada qaar ayaa sheegay in dhaqankan uu xal u yahay ragga aanan naftooda xakamayn karin.

Daraasad la sameeyay ayaase lagu ogaaday in 5.7% dadkii wax la weeydiiyay ay sheegeen in aad cunto maqaayad uga iibisid qof gayaankaaga ah oo uusan xiriir guur idinka dhaxaynin ay ka dhigantahay sidii adiga oo gogol dhaaf sameeyay ama dabomaryeeyay qofka lammaanahaaga ah.

Dadka intooda badan ayaa faham gaaban ka heysta dhaqamada keeni kara kala shakiga iyo kalsoonida lammaanaha oo burburta.

Isfaham darro iyo xiriir xumo ayaa la sheegay in ay hor seeddo qalbiyo badan oo jaba, waxayna dhaqaatiirta cilmi nafsiga sheegayaan in ay habboontahay in si furan loo wada sheekeysto, loogana hadlo hadba waxa jira.

Inkasta oo aanan la haynin xog sax ah, haddane daraasado la sameeyay waxa ay muujinayaan in 75% raggii la darsay ay qirteen in ay qiyaameen xaasaskooda, halka dumarka ay yihiin 68% mar uun noloshooda ka mid ah. Hase yeeshee daraasad la sameeyay sannadkii 2017-kii ayaa muujisay in si isla eg ay ragga iyo dumarka u qiyaamaan lammaanahooda.

Sidaas oo ay tahay 5% kaliya dadka ayaa aaminsan in qofka lammaanahooda ah uu qiyaamo.

Susan Boon oo ka tirsan jaamacadda Galgary ayaa sheegtay in dadka ay inta badan yihiin kuwa aad u aamino lammaanahooda, waxayna intaas ku dartay in ay tahay wax habboon maadaamaa aysan wanaagsanayn in la kala shakiyo, lana dabo galo qofka aad nolosha wadaagtaan.

Noocyada Dabomaryeynta

Balse qiyaamada ama dabo maryeynta lammaanaha ayaa ah arrin micnayaal kala duwan u leh dadka kala duwan. Mrs Susan waxa ay sheegeynaa in aanan laga war haynin sababta aanan looga hadlin arrinkan (qiyaamada lammaanaha) iyada oo ay jiraan heeso iyo filimaan badan oo laga jilay.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa inay muhiim tahay in lamaanaha ay ka hadlaan waxyaabaha loo aqoonsan karo khayaano

Xigashada Sawirka, PeopleImages

Qoraalka sawirka, Waxaa si weyn loo hadal hayaa inay muhiim tahay in lamaanaha ay ka hadlaan waxyaabaha loo aqoonsan karo khayaano

70% lammaanayaasha kama wada hadlaan waxa uu midba u fahamsanyahay qiyaamada, tusaale in qof ka mid ah uu taleefoonka kula soo dego App-ka wax lagu shukaansado ma qiyaamaa?

Dadka ku jira barnaamijka Tinder, inta u dhaxaysa 18% illaa 25% waa dad leh xiriir dhab ah, waxaana la sheegay in dadka isticmaala bartan arrimaha bulshada in ay u badanyihiin kuwa sameeya gogol dhaaf.

Dadkii daraasadda lagu sameeyay waxa ay sheegeen qaar in gogol dhaafka ay u garanayaan marka ay galmo meesha soo gasho, kuwa kale waxa ay sheegeen in xodxodashada ay ka mid tahay.

Dumarka qaar oo la waraystay ayaa sheegay in gogol dhaafka iyo qiyaamada ay u yaqaanaan haddii ninkooda uu ka qariyo arrin, haddii uu ka fikiro haweenay kale iyo waxyaabo kale, gaar ahaan waxa ay aad uga shaki qabaan dumarka meel kala shaqeeya raggooda.

Balse kuwa kale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la aamino lammaanaha si uu meesha u yimaado xiriir caafimaad qaba.

Mid ka mid ah dumarka ayaa sheegtay in lammaanaheeda uu ka shaqeeyo goob jirdhiska ah, marka uu dumarka barayo jimicsiga in jir ahaan isu taabtaan, taasna ay saaxiibkeed si furan uga wada hadleen, kuna balameen in uusan samaynin wax intaas dheer.

Tuhunka iyo Mala Awaalka

Dadka qaar waxa ay ka qiyaas qaataan saaxiibada qofka lamaanahooda ah, hadba fikradda ay saaxiibada ka qabaan gogol dhaafka ayuu qofkaasna ka qabaa arrintan sida daraasadda lagu sheegay.

Qirashada falka dhacay waa arrin meesha ku jirta oo ay dadka taageersanyihiin, balse kuwa qaar ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la illaaliyo qalbiga qofka, lagana qariyo waxa dhacay.

Waxaa jira labo nooc oo dad ah, qaar kalsoonida ay isku qabaan iyo qabkooda ayaa aad u sareeya, qaarna waa uu hooseeyaa, balse labaduba waxa ay ka simanyihiin in ay isku si uga falceliyaan marka loo sheego in qofka lammaanahooda ah uu qiyaamo sameeyay. Waxaa daraasadda lagu sheegay in ay si gacanqaad ah uga falceliyaan, geystaane dhibaato.

Lammaanayaasha qaar oo daraasadda wax lagu weeydiiyay ayaa la sheegay in ay iska mala awaashaan in qofka nolosha la wadaaga uu yahay qof gogol dhaaf sameeya, waxaana ugu wacan waxyaabo shaki leh oo ay ku arkeen sida qofkaas oo taleefoon ku hadlaya saqdhexe, iyo isaga oo durba ka jawaabaya fariimahooda, kiisana uusan kasoo jawaabaynin.

Lammaanaha ayaa is cafiya marka dhacdada ay ahayd mid hal mar ah, ayna timaado raaligalin dhab ah. waxaa kale oo daraasadda lagu sheegay in dadka ay sheegaan in uu burburi doono xiriirka kala dhaxeeya qofka kale haddii uu gogol dhaaf ku helo, balse taas markasta run ma noqoto.